Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
- Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.32 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 65.37 billion.

- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 36% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
- Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.483 billion.

- Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $68,005.21
- Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $1,985.89
- Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $627.14
- Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $84.82.
- Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.30.
⚖️2. Xeerarka & Sharciyada (Regulation)
- Gobolka Florida ee Mareykanka ayaa noqday gobolkii ugu horreeyay ee si madax-bannaan u ansixiya sharci cusub oo lagu maamulayo Stablecoin-yada, taasoo bilow u noqon karta gobollada kale.
- Hay’adda nidaaminta ee CFTC ayaa si rasmi ah u taageertay madasha Crypto.com kiis maxkamadeed oo ay kula jiraan gobolka Nevada kuna saabsanaa lahaanshaha sharciyeed ee “Suuqyada Saadaasha” (Prediction Markets).
- Bangiga Dhexe ee Japan ayaa maanta ku dhawaaqay inuu bilaabay tijaabinta nidaamka Blockchain si loo xalliyo loona xafido kaydka bangiga dhexe taas oo ah guul weyn oo TradFi ah.
🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
- In ka badan $700 Milyan ayaa soo gashay maanta US Spot Bitcoin ETFs tan iyo bilowgii bishan Maarso, taasoo muujinaysa yididiilo dhanka maalgashiga hay’adaha ah.
- Bangiga Dhexe ee Kazakhstan ayaa maanta xaqiijiyay inuu qorsheynayo inuu ugu yaraan $350 Milyan ku maalgashado hantida dhijitaalka ah Crypto dhowaanaha.
- Qiimeynta shirkadda Tether ee suuqyada (Secondary market) ayaa la sheegay inay gaartay ilaa $375 Bilyan, taasoo aasaasayaasheeda ka dhigaysa qaar ka mid ah dadka ugu qanisan adduunka.
🪙4. Coins-ka Cusub & Token-ada
- Sarrifka Kraken ayaa maanta soo bandhigay nidaamka ‘xChange’ oo wata token-ka xStocks, kaas oo kuu ogolaanaya inaad saamiyada shirkadaha ku dhex iibsato blockchain-ka.
🐋5. Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)
- Hal Whale oo qarsoonaa ayaa madasha Polymarket kala baxay $3.7 Milyan oo faa’iido ah saacado gudahood ka dib markii uu sharad weyn ku galay ciyaar kubadda cagta ah.
- Warbixin ay soo saartay Chainalysis ayaa muujinaysa in dhaqdhaqaaqa iyo qulqulka xawilaadaha Crypto ee Iran uu sare u kacay 700% ka dib xiisadaha dagaal, taasoo muujinaysa dhaqdhaqaaqyo Whales goboleed ah.
- FBI-da Mareykanka ayaa xirtay maanta wiil uu dhalay shaqsi dowladda maraykan qandaraas kula jira, kaas oo lagu eedeeyay inuu dhacay in ka badan $46 Milyan oo hanti Crypto ah.
⛓️6. Tiknoolajiyadda Blockchain
- Shabakaddaan quseeso Bitcoin ayaa qarka u saaran inay soo saarto (mine) qadaadiicdeedii 20-milyanaad, taas oo ka dhigan in kaliya 1 milyan oo BTC ay hartay inta ka dhiman.
🤖7. AI & Web 3.0
- Daraasad cusub ayaa caddaysay in Mashiinnada garaadka macmalka ah (AI Agents) ay marka la siiyo xorriyad maaliyadeed ay door bidi doonaan isticmaalka Bitcoin halkii ay ka isticmaali lahaayeen lacagaha dowladda (Fiat) si ay isugu bixiyaan khidmadaha.
🎨 9. NFT & DeFi
- Wadarta mugga wareegga Stablecoins-ka ayaa maanta jabiyay rikoodh taariikhi ah iyagoo dhaafay $33 Tirilyan, waxaana hadda qorshuhu yahay inay toos ula wareegaan suuqyada tigidhada.
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan: https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


