Wararka Maanta ee Suuqa Kiribto 07-04-2026

Jacfar
By Jacfar

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.  

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.34 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 84.09 billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 36% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.48 billion.
  • Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $68,431.21
  • Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,081.89
  • Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $595.14
  • Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $79.82.
  • Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.30.

️2.  Xeerarka & Sharciyada (Regulation)

  • Koongareeska Maraykanka ayaa maanta yeeshay kulan degdeg ah oo albaabadu u xiran yihiin, kaas oo looga doodayay sidii loo xakameyn lahaa kooxaha hubaysan ee hantidooda u soo wareejinaya Crypto si ay uga baxsadaan cunaqabataynta.
  • Hay’adda kormeerta maaliyadda ee Ingiriiska (FCA) ayaa ku soo rogtay dhammaan shirkadaha sarrifka ee dalkaas shuruud ah inay 24-saac gudahood ku soo gudbiyaan warbixin kasta oo ku saabsan xisaabaadka lala xiriiriyo dalka Iiraan.
  • Hay’adda VARA ee Dubai ayaa liiska madow ku dartay saddex shirkadood oo “OTC” ah, kadib markii lagu eedeeyay inay si qarsoodi ah hanti ugu wareejinayeen shakhsiyaad saaran liiska cunaqabataynta caalamiga ah.
  • Wadamada Singapore iyo Japan ayaa soo saaray digniino isku mid ah oo ay uga digayaan muwaadiniintooda inay isticmaalaan goobaha sarrifka baahsan (DEXs) ee aan la diiwaangelin, iyagoo sheegay in halista luminta hantida ay aad u sarreyso xilligan.

🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

  • Inkastoo suuqu hoos u dhacay, sanduuqa Bitcoin ETF ee shirkadda BlackRock ayaa diiwaangeliyay iibsi xad-dhaaf ah (Inflows) oo dhan $400 Milyan, maadaama   maalqabeenadu u arkaan Bitcoin “Dahabka Dhijitaalka ah” (Digital Gold) xilliga dagaalka.
  • Xog hoose ayaa muujinaysa in Bangiyada Dhexe ee laba dal oo Aasiya ku yaal ay si qarsoodi ah ugu dareen Bitcoin kaydkooda qaran, si ay uga gaashaantaan daciifnimada Doolarka haddii dagaalku wiiqo dhaqaalaha Maraykanka.    
  • Shirkadda Grayscale ayaa gudbisay codsi ay ku samaynayso sanduuq cusub oo isku daraya Bitcoin iyo saamiyada shirkadaha sameeya qalabka difaaca iyo amniga internet-ka.

🪙4.  Coins-ka Cusub & Token-ada

  • Maadaama qiimaha dahabka dhabta ah uu aad u kacay dagaalka dartiis, lacagta PAX Gold (PAXG) oo ah token dahabka ku xiran ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay ebid, iyadoo dadku u adeegsanayaan beddelka USDT.

🐋5.  Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)

  • Shirkadda Tether ayaa maanta soo daabacday $1 Bilyan oo USDT oo cusub shabakadda Tron. Sida ay sheegeen, tani waa mid lagu buuxinayo dalabaadka xad-dhaafka ah ee ganacsatada Bariga Dhexe iyo Aasiya.
  • Dhowr Whales oo waaweyn ayaa ka faa’iidaystay hoos u dhaca suuqa waxayna iibsadeen malaayiin doolar oo ah lacagta Solana (SOL), iyagoo isla markiiba xiray (Staking) si ay u sugaan isbeddelka dambe.

️6. Tiknoolajiyadda Blockchain

  • Wadamada Yurub ayaa maanta meelmariyay qorshe dhiirigelinaya (Subsidies) shirkadaha macdanta qoda ee isticmaala 100% tamarta dib loo cusboonaysiin karo, si loo yareeyo ku tiirsanaanta tamarta dabiiciga ah.

🤖7. AI & Web 3.0

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now
  • Mashiinnada ganacsiga AI ayaa maanta faa’iido lixaad leh sameeyay iyagoo si degdeg ah uga falcelinayay wararka xaaladaha degdegga ah ee dagaalka ka hor inta aan la dareemin hoos u dhaca suuqa.

🚨 8. Amniga

  • Digniin cusub ayaa laga soo saaray in ka badan 200 oo degel oo been abuur ah kuwaas oo isu ekaysiinaya hay’adaha gargaarka si ay Crypto uga xadaan dadka doonaya inay ku deeqaan caawinaad.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan: https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article