Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
- Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.68 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 81.94 billion.

- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 48% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 50% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.

- Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.48 billion.

- Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $80,350.21
- Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,313.89
- Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $649.14
- Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $93.82.
- Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.41.
⚖️2. Xeerarka & Sharciyada Suuqa
- UK, Waxay maanta soo saartay habraac cusub oo loogu talagalay “Staking-ka”, iyadoo u oggolaatay shirkadaha inay bixiyaan adeegyadaas iyagoo raacaya shuruucda maaliyadeed ee Dowlada.
- Hay’adda SFC ee Hong Kong ayaa siiyay oggolaansho kumeel gaar ah saddex Suuq sarrif oo cusub maanta.
- RS-ta ayaa soo saartay digniin ku aaddan in dadka leh hantida NFT-yada ay tahay inay soo sheegaan faa’iidooyinka ay ka helaan iibka “In-game assets“.
- Bangiga Dhexe ee Nigeria (CBN) ayaa kordhiyay kormeerka lagu hayo platform-yada P2P si loo xaqiijiyo inay u hoggaansan yihiin xeerarka cusub ee dalka.
🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha Waa-weyn
- Sanduuqa IBIT ee BlackRock ayaa maanta gaaray rikoodh cusub oo ah hantida ay gacanta ku hayaan, isagoo noqday midka ugu kobaca badan taariikhda ETFs-ka.
- Codsiyada cusub ee Spot Ethereum ETF ee dalka Australia ayaa maanta la gudbiyay, taasoo muujinaysa rabitaanka hay’adaha ka baxsan dalka Mareykanka.
🪙4. Coins-ka Cusub & Token-ada
- EcoToken ($ECO): Token cusub oo lagu taageerayo mashaariicda tamarta dib loo cusboonaysiiyo waxaana la soo galiyay sarrifka Uniswap maanta.
🐋5. Maalgashiga Whales-ka
- Tether ayaa soo saartay 1 bilyan USDT cusub, taas oo inta badan loo arko inay tahay calaamad muujinaysa iibsi weyn oo suuqa ku soo fool leh.
- Whales-ka ayaa maanta u wareejiyay hanti dhan $200 Milyan oo dollar mashaariicda RWA sida Centrifuge iyo Ondo Finance.
⛓️6. Tiknoolajiyadda Blockchain
- Cardano ayaa maanta ku dhawaaqday in wejigii koowaad ee nidaamka maamulka uu si rasmi ah u bilowday.
🤖7. AI & Web 3.0
- Iskaashi cusub oo dhexmaray NVIDIA iyo dhowr shirkadood oo crypto ah ayaa loogu talagalay in lagu dhex daro awoodda GPU-ga ee shabakadaha baahsan.
🚨 8. Amniga
- Mid ka mid ah borotokoollada yaryar ee DeFi ayaa maanta laga xaday $2 Milyan iyadoo la adeegsaday “Flash loan attack“, digniin ayaana loo diray isticmaalayaasha.
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan: https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


