wararka Maanta ee Suuqa Kiribto 10-02-2026

Jacfar
By Jacfar

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.  

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.80 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 160.81 billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 36% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.483 billion.
  • Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $69,585.21
  • Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,026.89
  • Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $647.14
  • Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $84.82.
  • Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.41.

️2.  Xeerarka & Sharciyada (Regulation)

  • Wararka ugu culus maanta suuqa waa kulan albaabadu u xiran yihiin oo caawa ka socda Aqalka Cad (White House), halkaas oo looga doodayo in “Stablecoin Holders” loo ogolaado dulsaar (Interest) iyo in kale.
  • Hay’adda FCA ee Ingiriiska waxay maanta soo saartay digniin kama dambeys ah oo ku socota shirkadaha Crypto ee aan weli is-diiwaangelin, iyadoo ugu baaqday inay codsiyada soo gudbiyaan ka hor Oktoobar 2026.
  • Warbixin ka soo baxday G20 maanta waxaa lagu soo jeedisay nidaam canshuureed oo mideysan oo lagu dabaqo macaashka Crypto sanadka 2027.
  • Kadib markii sanadkii hore (July 2025) la meel-mariyay sharciga “GENIUS Act” oo nidaamiyay Stablecoins-ka, Golaha Congress-ka waxay maanta bilaabayn dhageysiga sharciga xiga ee loo yaqaan “Market Structure Bill”.

🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

  • Shirkadda Bitwise ayaa maanta si rasmi ah u gudbisay codsiga Uniswap ETF (S-1 filing), tallaabadaas oo loo arko guul weyn oo u soo hoyatay DeFi.
  • Qiimeynta suuqa USDT ayaa maanta hoos u dhacday markii ugu horreysay muddo bilo ah, taasoo calaamad u ah in lacagta “Smart Money” ay ka baxayso suuqa.
  • Shirkadaha bitcoin Miners sida MARA ayaa maanta shaaciyay inay qayb ka mid ah awoodooda u wareejinayaan dhanka AI Data Centers si ay u kordhiyaan dakhliga xilliga suuqa uu liito.

🪙4.  Coins-ka Cusub & Token-ada

  • Token-ka NKN ayaa maanta noqday kan ugu faa’iidada badan suuqa, isagoo kor u kacay +68% kadib warar ku saabsan iskaashi cusub oo dhanka isgaarsiinta ah.
  • Sarrifka Binance qaybtiisa Futures ayaa maanta waxaa lagu liis-gareeyay tokens badan oo ay ka mid yihiin MSTR2100 iyo Toilet Paper (TOILET).

🐋5.  Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)

  • Hal Whale ayaa maanta 26.75 Milyan oo USDT u wareejiyay shabakadda Arbitrum, isagoo furtay boos ETH Long ah oo qiimihiisu yahay $76 Milyan.
  • Xogta On-chain waxay muujinaysaa in boorsooyinka haysta 100 ilaa 1,000 BTC ay maanta kordhiyeen hantidooda 2%, iyagoo ka faa’iidaysanaya qiimaha $68k.
  • Waxaa la arkay dhaqdhaqaaq weyn oo USDT ah oo laga saarayo shabakadda Tron loona wareejinayo sarrifyada dhexe (CEXs), taasoo inta badan calaamad u ah iibsi soo socda.

️6. Tiknoolajiyadda Blockchain

  • Cilmi-baarayaal ayaa maanta soo bandhigay hab cusub oo looga hortago khatarta Quantum Computing ee Bitcoin, iyadoo la isticmaalayo saxiixyo (Signatures) cusub.

🤖7. AI & Web 3.0

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

  • Mashruuca PIN AI ayaa maanta qabsaday baraha bulshada kadib markii la sheegay in “Token Generation Event” (TGE) uu dhici doono Qaybta 2aad, ee sannadka 2026, taasoo kicisay xiisaha Airdrop hunters.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article