Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
- Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.47 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 104.96 billion.

- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 49% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.

- Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.48 billion.

- Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $72,585.21
- Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,239.89
- Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $606.14
- Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $84.82.
- Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.35.
⚖️2. Xeerarka & Sharciyada (Regulation)
- Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ayaa shaacisay inay gacan ka helayso khubaro Blockchain ah si ay u raadraacdo xawilaadaha Crypto ee la rumeysan yahay in lagu maalgeliyay xadgudubyadii dhacay intii uu socday dagaalka Bariga Dhexe.
- Midowga Yurub ayaa faray shirkadaha soo saara Stablecoins inay si degdeg ah u xannibaan xisaab kasta oo lagu tuhmo inay hub si sharci darro ah uga soo iibsatay suuqa madow xilligii xasaradda.
- Shirkadda Binance ayaa shaqaalaheeda ku sugan Isutagga Imaaraadka Carabta siisay fursad ay si kumeel-gaar ah ugu guuraan xarumaha Aasiya (sida Tokyo iyo Hong Kong), si ay uga nabad galaan saamaynta xasaradaha gobolka ka jiro.
- Shirkadaha sarrifka ee fadhigoodu yahay Khaliijka ayaa la faray inay xaqiijin buuxda oo cusub ku sameeyaan macaamiishooda, si looga hortago in kooxaha hubeysan ay hantidooda ku qarsadaan nidaamka xilliga dib-u-dhiska.
🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
- Bangiga weyn ee Morgan Stanley ayaa si rasmi ah u daah-furay (MSBT ETF) ee Bitcoin, isagoo maalintii koowaadba soo xareeyay $34 Milyan oo maalgashi ah, wuxuuna meesha ka saaray khidmaddii badnayd ee tartameyaasha.
- Sanduuqa T4urox IO oo ah sanduuq ay maamusho AI ayaa soo jiitay malaayiin doolar, iyadoo maalgashadayaashu ay raadinayaan nidaamyo go’aanadoodu aysan ku dhisnayn shucuurta siyaasadda iyo cabsida dagaalka.
- Hay’adaha maaliyadda ee Yurub ayaa dib u bilaabay maalgelintii Crypto kadib markii ay hubanti ka heleen heshiiska xabbad-joojinta.
🪙4. Coins-ka Cusub & Token-ada
- Token-no cusub oo lagu ururinayo dhaqaalaha dib-u-dhiska isbitaallada iyo dugsiyada ayaa la soo saaray, inkastoo SEC-da Maraykanku ka digtay mashaariicda been abuurka ah (Scams) ee ka faa’iidaysanaya magaca gargaarka.
🐋5. Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)
- Whales-ka ayaa ka danbeeyay $100 Milyan oo Liquidations ah oo isku mar dhacay saaka, iyagoo si ula kac ah u kiciyay qiimaha si ay u jabiyaan kuwa suuqa hoos u dhigayay.
- Xogta On-chain ayaa muujinaysa in Nibiriyadu (Whales) ay si dardar leh u iibsanayaan Solana (SOL) iyo Ethereum (ETH).
- Iibinta $8.3 Milyan ee hay’adda ETH ayaa cabsi yaraan ku abuurtay ganacsatada yar-yar in-kastoo Whales-ku ay durba iibsadeen lacagtaas.
⛓️6. Tiknoolajiyadda Blockchain
- Xaqiijinta qiimaha iyadoo la isticmaalayo celceliska waqtiga (TWAP) ayaa laga dhigay qasab dhammaan mashaariicda DeFi, si loo joojiyo tuugada ka faa’iidaysata fowdada dagaalka.
🤖7. AI & Web 3.0
- Barnaamijyada AI-da ee is-wada ayaa hadda xakameynaya qayb weyn oo ka mid ah ganacsiga suuqa (Trading volume), iyagoo aan marna saamayn ku yeelanayn shucuurta naxdinta leh ee warka dagaalka.
🚨 8. Amniga
- In kasta oo xabbad-joojin la gaaray, dagaalkii u dhexeeyay Hackers-ka dowladaha iska soo horjeeda ayaa wali ka socda shabakadaha hoose.
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan: https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


