Wararka Maanta ee Suuqa Kiribto 11-05-2026

Jacfar
By Jacfar

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.  

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.27 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 104.76 billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 51% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.48 billion.
  • Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $81,237.21
  • Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,323.89
  • Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $655.14
  • Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $95.82.
  • Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.48.

️2.  Xeerarka & Sharciyada Suuqa

  • Guddiga maaliyadda Aqalka Sare ee Mareykanka ayaa qorsheynaya inay todobadkan ansixiyaan sharciyo cusub oo ku saabsan crypto, iyadoo la dhaqan-galinaayo Luulyo 4-ta.
  • Dawladda Ingiriiska ayaa soo saartay habraacyo cusub oo lagu maareynayo staking-ka.
  • Wadamo badan ayaa maanta ku heshiiyay inay xoojiyaan xeerarka KYC-ga caalamiga ah si looga hortago canshuur la-baxsashada Crypto.

🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha Waa-weyn

  • Sanduuqyada Maalgashiga crypto ee caalamiga ah ayaa todobaadkii lixaad oo xiriir ah helay maalgashi gaaraya $858 Milyan oo dollar, waana heerkii ugu sarreeyay tan iyo bishii Abriil.
  • Sanduuqa IBIT ee BlackRock ayaa maanta dhigay rikoodh cusub oo dhanka kobaca hantida ah, isagoo noqday midka ugu wayn suuqa.
  • Codsiyo cusub oo Spot Ethereum ETF ah ayaa maanta laga gudbiyay dalka Australia, taasoo muujinaysa baahida hay’adaha caalamiga ah.

🪙4.  Coins-ka Cusub & Token-ada

  • AlphaPepe Presale: Mashruucan ayaa maanta Iibsaday 8,400 qof oo hantiileyaal ah, iyadoo demo AI DEX ee AlphaSwap uu gaaray 3,000 oo isticmaale.

🐋5.  Maalgashiga Whales-ka

  • Nibiriyada Bitcoin ayaa maanta iibsaday in ka badan 15,000 BTC, iyadoo qiimuhu uu kor u dhaafay $82,000, taasoo calaamad u ah inay rabaan in qiimuhu uu dhaafo $90k.
  • Tether (USDT) ayaa maanta soo saaray 1 Bilyan USDT oo cusub, taasoo loo arko in loo  isticmaali doono iibsashada crypto.

️6. Tiknoolajiyadda Blockchain

  • Cardano ayaa maanta bilowday wejigii koowaad nidaamkooda cusub ee maamulka, kaasoo awood siinaya dadka haysta ADA.

🤖7. AI & Web 3.0

- Available -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now
  • Shirkadaha macdanta ee Bitcoin ayaa maanta si xawli ah ugu wareegaya inay dhisaan xarumo xogta AI ah si ay u kordhiyaan dakhliga.

🚨 8. Amniga

  • Mashruuca AlphaPepe ayaa ku dhawaaqay inuu ka gudbay baaritaan amni 10/10 ah, oo ay samaysay BlockSAFU ka hor inta aan la liis-gareyn Q2-2026

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan: https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article