Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
- Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.41 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 88.43 billion.

- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 43% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.

- Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.48 billion.

- Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $70,905.21
- Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,189.89
- Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $591.14
- Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $81.82.
- Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.36.
⚖️2. Xeerarka & Sharciyada (Regulation)
- Maanta oo Axad ah 12-April-2026, waxaa lagu kala tagay Wada-hadalkii ka socday Pakistan waxaana la isku fahmi waayay qaybo ka mid ah qodobada heshiiska:
- Maraykanka iyo xulafadiisu waxay rabaan in Iran ay gabi ahaanba joojiso kobcinta Yuraaniyamka ee gaaraysa 60% ilaa 90%, taasoo loo arko inay u dhowdahay heerka hubka nukliyeerka lagu sameeyo. Halka Iran, waxay ku adkaysanaysaa in barnaamijkeedu yahay mid nabad ah.
- Iran waxay dalbanaysaa in Maraykanku marka hore qaado dhammaan cunaqabataynta saaran batroolka iyo bangiyada, iyadoo rabta “Dammaanad sharci ah” in madaxweyne kasta oo dambe uusan mar kale ka bixi karin heshiiska. Halka Maraykanka uu diidan yahay inuu dammaanad noocaas ah bixiyo sababo la xiriira shuruucda Congress-ka, wuxuuna rabaa in cunaqabataynta loo qaado si tartiib-tartiib ah oo ku xiran hab-dhaqanka Iran.
- Iran waxay ku doodaysaa in joogitaanka ciidanka Maraykanka ee Bariga Dhexe uu yahay dhibaatada rasmiga ah, ayna xaq u leedahay inay xulafo ku lahaato gobolka. Halka Maraykanku uu rabo in Iran ay joojiso maalgelinta kooxahan, taas oo Iran u aragta inay tahay “is-dhiibid.”
🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
- Sanduuqyada Spot Bitcoin ETF ayaa maanta diiwaangeliyay lacago bixid dhan $450 Milyan, maadaama hay’aduhu ay dhimayaan halistooda.
- Shirkadaha maaliyadda ee doonayay inay furaan sanduuqyo maalgashi (ETFs) ayaa maanta hakiyay qorshayaashooda, sababo la xiriira xasillooni darrada.
🪙4. Coins-ka Cusub & Token-ada
- Rajadii laga qabay isku-xirka xawilaadaha xawaaraha sare leh ee shaqaalaha Pakistan iyo Khaliijka ayaa meesha ka baxday, taas oo keentay in lacagaha Ripple iyo Stellar ay si weyn suuqa uga hoobtaan.
🐋5. Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)
- Whales-ka ayaa iska iibinaya Altcoins-kooda waxayna si xooggan u kaydsanayaan Tether (USDT) iyo USDC, iyagoo sugaya in suuqu uu gaaro heerar ka sii hooseeya (Buy the dip later).
⛓️6. Tiknoolajiyadda Blockchain
- Horumariyayaasha ayaa si degdeg ah u qaybinaya qalabka isku xira Blockchain-ka iyo internet-ka Starlink, si loo xaqiijiyo in xawilaadaha Crypto ay shaqeeyaan xitaa haddii dowladda Pakistan ay gabi ahaanba jarto internet-ka xarigga ah.
🤖7. AI & Web 3.0
- Mashiinnada AI ee kormeera Blockchains-ka ayaa si adag loogu hawlgeliyay inay raadraacaan xawilaadaha suuqa madow, kadib markii sirdoonada caalamiga ah ay bixiyeen digniino ku saabsan hub iibsi cusub.
🚨 8. Amniga
- Sarriflayaasha waaweyn ayaa si otomaatig ah u xannibay boqolaal xisaabaad maanta, iyagoo fulinaya awaamiirta adag ee ka soo baxday FATF iyo xafiisyada la dagaalanka dhaqida lacagaha (AML).
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan: https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


