Wararka Maanta ee Suuqa Kiribto 14-05-2026

Jacfar
By Jacfar

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.  

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.66 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 91.07 billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 44% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 47% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.48 billion.
  • Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $79,878.21
  • Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,256.89
  • Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $675.14
  • Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $91.10.
  • Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.44.

️2.  Xeerarka & Sharciyada Suuqa

  • Falanqeeyayaasha Citi ayaa saadaaliyay haddii sharcigan Clarity Act uu dhaqan-galo, in Bitcoin uu gaari karo $143,000 dhamaadka sanadkan 2026 sababo la xiriira maalgashiga hay’adaha oo kordhaya.
  • In ka badan 40 dal ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay is-dhaafsiga xogta canshuuraha ee la xiriira crypto.

🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha Waa-weyn

  • Shirkadda CME ayaa ku dhowaaqday inay bilaabayso Nasdaq CME Crypto Index futures bisha June 8. Tani waxay u oggolaanaysaa maalgashadayaasha waaweyn inay hal mar wada iibsadaan dhowr coins oo ay ka mid yihiin BTC, ETH, SOL, XRP, ADA, LINK, iyo Lumens.
  • Shirkadda Strive ayaa shaacisay inay hadda haysato 15,009 Bitcoin oo qiimaheedu yahay $1.2 Bilyan, iyadoo iibsatay 1,381 BTC intii u dhaxeysay bishii April iyo May

🪙4.  Coins-ka Cusub & Token-ada

  • Sarrifka BTSE ayaa helay oggolaansho hordhac ah uu kaga shaqaynayo “Gelephu Mindfulness City” ee dalka Bhutan, taas oo muujinaysa sida waddamada Aasiya ay u soo dhoweynayaan Web3.
  • Mashruuca Poly Truth ($PTRUE) ayaa maanta ugu sarreeya mashaariicda cusub, isagoo diiradda saaraya falanqaynta xogta iyo saadaalinta suuqyada.

🐋5.  Maalgashiga Whales-ka 

  • Nibiriyada cusub ee Bitcoin, waxay celcelis ahaan ku Iibsadeen qiimaha $80,300. Tani waxay ka dhigan tahay in heerka $80k uu hadda yahay salka ay ku difaacanayaan qiimaha.
  • Whale lagu magacaabo Garrett Jin ayaa la sheegay inuu wareejiyay $1.35 Bilyan oo ETH ah sarrifka Binance maalmihii u dambeeyay, taas oo keentay walaac laga qabo inuu iibin rabo hantidaas badan.

️6. Tiknoolajiyadda Blockchain

  • Cardano waxy maanta si rasmi ah u dhaqan gelisay wejigii ugu dambeeyay ee nidaamka maamulka ee dadweynuhu hormuudka ka yihiin.

🤖7. AI & Web 3.0

- Available -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now
  • Shabakadda Render ayaa maanta shaacisay inay qandaraasyo cusub la gashay shirkado AI ah si ay u adeegsadaan awoodda GPU-ga ee baahsan.

🚨 8. Amniga

  • Isbahaysiga u dhaxeeya Tether, TRON iyo TRM Labs waxay shaygeen inay qabteen hanti ka badan $450 Milyan oo dollar oo si sharci darro ah loogu isticmaalayay caalamka. 

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan: https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article