Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
- Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.51 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 151.06 billion.

- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 53% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
- Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.48 billion.

- Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $74,585.21
- Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,330.89
- Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $618.14
- Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $83.82.
- Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.36.
⚖️2. Xeerarka & Sharciyada (Regulation)
- Dowladda Pakistan ayaa soo afjartay xayiraaddii saarnayd suuqa Crypto tan iyo 2018. Bangiyada dalkaas ayaa hadda loo oggolaaday inay xisaabaad (Accounts) u furaan xarumaha sarrifka ee haysta shatiyada rasmiga ah (VASPs).
- Gobolka Virginia ee Maraykanka ayaa meel-mariyay sharci cusub oo dhigaya in hantida Crypto ee muddo aan la isticmaalin ay dowladda gobolku u hayso qaabkeeda asalka ah ugu yaraan hal sano, intii ay toos doolar ugu beddeli lahayd.
- Waaxda dhijitaalka ah ee bangiga Societe Generale ayaa si rasmi ah shabakadda MetaMask ugu dartay lacagtooda (Stablecoin) oo si buuxda u waafaqsan sharciga MiCA ee Midowga Yurub.
🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
- Shirkadda weyn ee BlackRock ayaa shaacisay inay qorshaynayso inay suuqa Crypto ka hesho dakhli gaaraya $500 Milyan, iyadoo diiradda saaraysa nidaamka Tokenization-ka
- Shirkadda caymiska ee Kyobo Life Insurance ee Koonfurta Kuuriya ayaa heshiis la gashay Ripple si ay u tijaabiyaan bixinta bonds-ka dowladda iyadoo la adeegsanayo tignoolajiyadda Blockchain.
- Bangiga Goldman Sachs ayaa gudbiyay codsi cusub oo loogu talagalay Sanduuq ETFah oo maalgashi ku samaynaya sanduuqyada kale ee Bitcoin (Fund of funds).
🪙4. Coins-ka Cusub & Token-ada
- Mashruuca World ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabo bisha Luulyo ay 40% hoos u dhigi doonaan xaddiga Token-nada WLD ee suuqa soo galaya, taas oo yareyn karta sicir-bararka lacagtan una horseedi karta xasilooni qiimaheeda ah.
🐋5. Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)
- Xogta on-chain ayaa muujinaysa in nibiriyada waaweyn ay maalin qura urursadeen in ka badan 27,652 BTC, taas oo muujinaysa in iyaga aysan daneyneyn iibka degdegga ah ee macaashka doonka ah.
- Nibiriyada ayaa si xawli ah u iibsanaya XRP, iyagoo kor u qaaday xajmiga ganacsiga una riixaya iska-caabinta ku xigta kadib isku-dubarid muddo dheer soo socday.
⛓️6. Tiknoolajiyadda Blockchain
- Horumarkii ugu dambeeyay ee shirkadda Google ka samaysay kombuyuutarrada xawaaraha badan ee Quantum computing ayaa maanta dood kulul ka dhex abuuray suuqa, iyadoo la isweydiinayo badbaadada muddada dheer ee nidaamka sirta Bitcoin.
🤖7. AI & Web 3.0
- 0G Labs ayaa soo bandhigay madal cusub oo macaamiishu ay si sahlan ugu horumarin karaan aaladaha AI iyagoo dul dhisaya kaabayaasha Blockchain-ka (Web3).
🚨 8. Amniga
- Hay’adda FBI-da Maraykanka ayaa soo saartay warbixin muujinaysa in sanadkii la soo dhaafay ee 2025 suuqa Crypto lagala kulmay khasaare khiyaano oo gaaraya rikoodh cusub oo ah $11.4 Bilyan, iyadoo dadka da’da ah ay ahaayeen kuwa ugu badan ee la dhacay.
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan: https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


