Wararka Maanta ee Suuqa Kiribto 22-05-2026

Jacfar
By Jacfar

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.  

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.57 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 75.78 billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 38% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.48 billion.
  • Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $76,775.21
  • Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,175.89
  • Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $655.14
  • Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $81.66.
  • Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.35.

️2.  Xeerarka & Sharciyada Suuqa

  • Kevin Warsh, waa gudoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe Mareykanka (Fed), waxaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyay Aqalka Cad. Warsh ayaa taariikhda ku galay inuu yahay gudoomiyihii ugu horreeyay ee si cad u taageera Crypto (Pro-crypto), wuxuuna shakhsiyan haystaa hanti crypto ah oo ka badan $100 Milyan. Suuqa ayaa hadda si weyn kor u kacay, sababo la xariira soo dhaweyntiisa.

🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha Waa-weyn

  • JPMorgan ayaa soo saaray warbixiye si kulul u naqdinaysa Ethereum. Waxay sheegeen in ETH uu lumiyay awoodiisa DeFi iyo maalgashiga hay’adaha waaweyn (ETF), taasoo keentay inuu hoos u dhaco.
  • Sanduuqa Caalamiga ah ee Lacagta (IMF) ayaa maanta soo saaray warbixin ku saabsan Hong Kong, isagoo ku boorriyay inay adkeeyaan xeerarka “Same Risk, Same Regulation” si loo maareeyo khatarta ka dhalan karta qaabaynta hantida dhijitaalka ah (Tokenization) ay gobolka ka hirgelinayaan.

🪙4.  Coins-ka Cusub & Token-ada

  • PHB Token ($PHBUSDT): Waa token-ka maanta ugu guusha weynaa suuqa, wuxuu sameeyay kor u kac layaab leh oo gaaraya +43.40% wuxuuna gaaray qiimo dhan $0.076

🐋5.  Maalgashiga Whales-ka 

  • Nibiriyada iyo ganacsatada waaweyn ayaan hadda kaliya ku koobnayn crypto. Sarrifka caalamiga ah ee OKX iyo borotokoolka Hyper-liquid waxay maanta si rasmi ah u bilaabayn adeeg ogolaanaya in lagu ganacsado mustaqbalka saliidda (WTI Crude Oil Perpetual Contracts). Tani waxay u oggolaanaysaa Whales-ka crypto inay ka faa’iideystaan suuqyada caalamiga ah ee tamarta 24/7, xitaa marka suuqyada Wall Street ay xiran yihiin.

️6. Tiknoolajiyadda Blockchain

  • Shabakadda Solana waxay soo xirtay qodob ka mid ah tijaabooyinka guud ee qaab-dhismeedka cusub ee Alpenglow, kaas oo si weyn wax uga beddelay nidaamka hoose ee blockchain-ka.

🤖7. AI & Web 3.0

- Available -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now
  • Shabakadda BNB Chain ayaa bilowday ballaarinta kaabayaal gaar ah oo loogu talagalay AI.

🚨 8. Amniga

  • Guddiga cabashooyinka dambiyada internet-ka ee FBI-da (IC3) wuxuu soo saarayn maanta warbixin, iyagoo ku dhowaqay in dadka hawlgabka ah ee ka weyn 60-sano ay ku waayeen Crypto hanti gaaraysa $7.7 Bilyan sababo la xiriira hackers.

📢 Ogaysiis Muhiim Ah

Maanta Reer-Crypto waxay u dabbaal-degayaan Bitcoin Pizza Day. Fahamka Crypto iyo mustaqbalka tignoolajiyadan waa furaha guushaada maaliyadeed. Buugga Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad wuxuu kuu yahay Al-baabkii aad ka gali lahayd dunidaan casriga ah.

Haddaba, ha moogaan fursaddan oo ka dalbo website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan: https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article