Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
- Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 102.54 billion.

- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 34% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.

- Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.483 billion.

- Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $88,994.21
- Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,926.89
- Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $887.14
- Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.90.
- Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $127.82.
⚖️2. Xeerarka & Sharciyada (Regulation)
- Guddiga Guurtida Mareykanka ayaa soo saaray sharci cusub oo la soo jeediyay kaasoo lagu nidaaminayo qaab-dhismeedka suuqa Crypto.
- Dowladda Thailand ayaa lagu wadaa inay soo saarto sharciyo cusub sanadkan oo ogolaanaya ganacsiga Crypto ETFs iyo Futures, taasoo fursad weyn u ah maalgashadayaasha Aasiya.
- Vietnam waxay furtay nidaamka shatiga (Licensing) ee sarrifyada Crypto, iyadoo shuruud looga dhigay rasumaal gaaraya $400 Milyan, taasoo ah caqabad weyn oo lagu xakameynayo sarrifyada yaryar.
- Shirkadda sameysa boorsooyinka qabow ee Ledger ayaa qorsheynaysa inay suuqa saamiyada New York (IPO) gasho, iyadoo la qiimeynayo in ka badan $4 Bilyan.
🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
- Inkastoo isbuucan horraantiisii la arkay qulqul lacageed oo xooggan ($1.7 Bilyan inflows), xogta maanta waxay muujinaysaa in qulqulkaas uu dib u dhacay (Outflows), taasoo qeyb ka ah sababta qiimaha Bitcoin uu hoos ugu dhacay.
- Iyadoo suuqa guud uu hoos u dhacayo maal-mahaan, haddana XRP Spot ETF ayaa diiwaangelisay lacag soo gashay oo dhan $2.09 Milyan, taasoo muujinaysa in hay’adaha qaar ay weli daneynayaan XRP inkastoo qiimuhu liito.
- Shirkadda keydinta hantida dhijitaalka ah ee BitGo ayaa saamiyadeeda si rasmi ah uga bilaabatay suuqa NYSE, iyadoo maalintii ugu horreysay la arkay dhaqdhaqaaq aad u sarreeya
🪙4. Coins-ka Cusub & Token-ada
- Monad (MON) Coin-kaan oo mar dhaw lagu Listing gareeyay Binance, wuxuu Qiimaha ku furmay $4.50, isagoo daqiiqado gudahood gaaray $8.00. Tani waxay saameyn ku yeelatay lacagaha kale ee Layer 1 sida Aptos iyo Sui oo yara dhacsanaa Maalmahaan.
🐋5. Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)
- Hay’adda Circle (USDC Treasury) ayaa maanta gubtay (Burned) 50 Milyan oo USDC shabakadda Ethereum. Tani badanaa waxay dhacdaa marka hay’adaha ay lacagtooda kala baxayaan suuqa (Redemption), taasoo keeni karta hoos u dhac ku yimaada qiimaha.
⛓️6. Tiknoolajiyadda Blockchain
- Cilmi-baarayaal ayaa soo saaray hab cusub oo loo yaqaan “Dual Perigee” kaasoo la sheegay inuu laba-jibaari karo xawaaraha shabakadaha Blockchain isagoo yareynaya saxmada xogta.
- Borotokoolka bulshada baahsan ee Farcaster ayaa shaacisay inay $180 Milyan u celinayaan maalgashadayaashii hore, iyagoo sheegay in mashruucu uusan xirmayn ee uu bedelayo qaab-dhismeedkiisa.
🤖7. AI & Web 3.0
- World Liberty Financial, Mashruucaan uu taageero Donald Trump ayaa heshiis la galay shirkadda Spacecoin si ay u horumariyaan adeegyadooda DeFi ku shaqeeya.


