Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.78 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 141.03 Billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %57. halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.93%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 68% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 34% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Bitcoin (BTC) ayaa maanta hoos u dhacay, waxuuna marayaa qiimihiisa $109, 414
  • Ethereum (ETH) waxa uu ku suganyahay xasillooni, qiimihiisuna wuxuu marayaa hadda $4,o20.89
  • Altcoins kale ee suuqa sida Solana (SOL), XRP, Ton, SUI, Tron, ADA iyo Doge waxay muujinayaan dhaqdhaqaaq hooseeya oo ka tarjumayso iibsasho yar.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $114 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 13 billion.

📜 2. Xeerar-ka & Siyaasada Suuqa

  • Qaar ka mid ah khubarada amniga waxay digniin u direen xeerar cusub oo la soo jeediyay Maraykanka, iyagoo sheegay in ay khatar u noqon karaan ammaanka qaranka haddii aan si fiican loo hbin.
  • Guddoomiyaha SEC, Paul Atkins, ayaa ka hadlay qorshayaasha sharci ee suuq-qaabeynta crypto iyo sida loo kala qaybiyo waajibaadka SEC iyo CFTC, wuxuuna tilmaamay in laga baahanyahay caddeyn iyo hufnaan.
  • Hong Kong waxay dhaqan gelisay “Stablecoin Ordinance” kaas oo xakameynaya stablecoins, iyadoo la raacayo nidaam oggolaansho, reserve, iyo xuquuq dib loogu iibin karo.
  • Australia ayaa soo jeedisay sharci cusub oo ka dhigaya in shirkadaha crypto ay ku shaqeeyaan rukhsado nidaamsan hoos yimaada sharciga adeegyada maaliyadeed ee hadda jira.
  • UK’s FCA ayaa la sheegay inay shaqooyinkeeda qorista shirkadaha crypto si dhaqso leh u wado, waxayna hoos u dhigtay waqtiyada oggolaanshaha.

💰 3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

  • SEC ayaa meel mariyay xeerar cusub oo sahli doona in ETFs crypto-ga spot la liisto iyada oo aan dib u eegis waqti dheer laga baahneyn, taas oo albaabada u furaysa ETFs badan.
  • Shirkado maalgashi waaweyn ayaa sii kordhinaya xiisahooda ETH iyo BTC, iyaga oo rajeynaya inay ka faa’iidaystaan fursadaha sharci ee soo socda.
  • Qaar ka mid ah ETFs cusub sida kuwa ku saleysan XRP ayaa la saadaalinayaa inay noqdaan kuwo la oggolaado bisha October, taas oo la filayo inay saamayn weyn ku yeeshaan suuqa.
  • Waxaa la arkay in qayb ka mid ah lacagaha la maalgelinayo ay ka yimaadeen markets OTC (off-exchange), taas oo muujinaysa in hay’aduhu ay doonayaan inay iibsadaan si qarsoodi ah Etfs-ka Crypto.

🆕💰 4. Coins- ka Cusub ee Suuqa la filaayo in la keeno

  • Remittix (RTX) presale-kiisu wuxuu marayaa $26+ milyan, iyadoo la xaqiijiyey in lagu dari doono suuqyada (CEX listings).
  • Token-yada meme / presale sida LILPEPE ayaa helaya xiise badan — dad badan ayaa arka inay yihiin fursad koror.
  • Plasma (ticker: XPL) — coin cusub oo BNB Chain ku jira.
  • Edom (ticker: EDOM) — waxaa lagu dhisay Polygon blockchain, waana Token cusub ku jiro Presale.
  • DaGama World (ticker: DGMA) — coin cusub oo Ethereum-Blockchain ku dhisan.

🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeyo Suuqa

  • Whales ayaa uruurinaya SOL, ETH iyo tokens cusub, iyadoo loola jeedo mustaqbalka fog.
  • Qaar ka mid ah whales ayaa bilaabay inay qayb ka iibiyaan XRP si ay u qaataan faa’iido hadda.
  • Whales ayaa ka wareejinaya hantida exchanges una wareejinaya jeebab ammaan ah si loo yareeyo khataraha.
  • Dhaqdhaqaaqyada weyn ee whale-ka ayaa saameyn muuqata ku leh sicirka altcoins iyo tokens cusub.

🚀 6. Mashaariicda Horumarka ku socdo ee Suuqa

  • BlockchainFX iyo Bitcoin Hyper ayaa la barbardhigaya sidii presale-yada ugu xoogan ee sanadkan.
  • Qorshayaal cusub ayaa socda si loo balaadhiyo hannaanka DeFi iyo interface-friendly dApps.
  • Horumarin lagu sameynayo scalability iyo gas-fee optimization ayaa ah mid hormuud u ah mashruucyada cusub e Crypto.

🔗 7. Tignoolajiyada Blockchain

  • Teknolojiyada cross-chain iyo adapter signatures waxaa la baarayaa si kor loogu qaado isku xirka blockchains kala duwan.
  • Stablecoins + algorithmic mechanisms ayaa loo adeegsanayaa sidii xal loogu heli lahaa xasilooni iyo is-dhexgal.

🤖 8. AI & Web 3.0

  • AI ayaa loo adeegsanayaa in lagu xoojiyo smart contracts, saadaalinta qiimaha, iyo automation blockchain.
  • Web3 platforms ayaa bilaabay inay adeegsadaan Ai.
  • Wallets Web3 ayaa la horumarinayaa si ay u yeeshaan features AI, sida talo soo jeedinta iyo falanqayn.

🖼️ 9. NFT & DeFi

  • DeFi platforms ayaa wajahaya cadaadis ka yimid liquidations iyo market downturn, laakiin weli waxay sii wadaan bixinta adeegyada staking iyo liquidity.
  • NFTs meme iyo collectibles ayaa dib u kac yar sameeyay, manta.
  • Suuqyada NFT & DeFi ayaa isku dayaya inay bixiyaan adeegyo cusub sida fractional ownership iyo revenue sharing.

Halkaan ka baro coursada Crypto

https://gellebashir.com/courses/barashada-cryptocurrency-somali-cryptocurrency-coursecrypto-bilaw-ilaa-dhamaad-afsomali-cryptocurrency-course

Leave a comment