">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada Gelle Crypto waa madal lagu soo qaaro maalin walibo wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira Crypto, BlockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain

📊 1. Xaalada guud Suuqa

  • Market capka guud ee suuqa waxuu maanta marayaa 2.94trillion halka volume hantida dhex martay 24 saac u dambeysay ay gaarayso 56.62 Billion
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta coinka Bitcoin 63.7% halka Altcoins ay haystaan 37.93%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu maraayo 33%.
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu sheegayaa 49 taas oo ka dhigan in ay jirto cabsi ay maalgashiyaasha suuqa ka qabaan balse aysan aheen mid xoogan
  • Bitcoin (BTC): Wuxuu marayaa qiimihiisa $94,500, waxuuna sameeye hoos u dhac 1.2%, waxaana la sugayaa warar cusub ay ka soo baxo wadahadalada ganacsi ee u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha taasoo saamayn ku yeelan doonto suuqa, gaar ahaan Coinka BTC.
  • Ethereum (ETH): Waxaa lagu kala iibsanayaa 1,807 waxuuna sameeye 24 saac u dambeysay hoos u dhac gaaraayo 1.12%
  • Tether USD:  stablecoinka ay leedahey shirkada Tether ayaa galay kaalinta 3aad kala horaynta lacagaha crypto waxayna gaartay market capka token-kaan 149 Billion, bwaxuuna ka sara maray Coins-ka SOL, XRP, BNB
  • XRP: coinkaan ay leedahey shirkada Ripple waxuu sameeye hoos u dhac gaaryo 1.43% waxuuna hada marayaa qiimihiisa $2.15
  • BNB: Coinka ay leedahey shirkada Binance waxaa la isku dhaafsanayaa qiimihiisa $592 waxuuna hoos u dhacay 24 saac u dambeysay 0.34%

xigasho: CoinmarketCap & CoinGecko

🏛️ 2. Xeerarka & Sharciyeynta Suuqa

  • Dowlada maraykan Waxaa dib u dhigtay sharciyada la xiriira stablecoins-ka, kadib markii qaar ka mid ah siyaasiyiinta taageersan crypto ay ka laabteen taageeradooda.
  • Guddiga Maaliyadda Mareykanka, hogaamiyaal ka tirsan siyaasada maraykan oo taageera suuqa crypto ayaa la filayaa inay diidaan sharciyo lid ku ah lacaga crypto, taasoo saameyn karta suuqa.

Xigasho: CoinTelegraph

🐋 3. Maalgashiyaasha saamaynta ku leh suuqa Whales

  • Whales ayaa bilaabay inay BTC badan iibsadaan, iyagoo ka faa’ideysanaayo hoos u dhaca ay sameysay taasoo muujinaysa in ay kor u kac samayso
  • Whale ayaa wallet-kiisa ka wareejiyay 1,500 Coinka ETH una dhiganto $1.76 million si uu ugu qayb galo ICO cusub suuqa crypto la soo galinaayo

Xigasho:blockchain News

🧪 4. Mashruucyada Horumarinta ku socdo

  • Ruyui Studios: Waxaa lagu bilaabay blockchain-ka Abstract, mashruuca wuxuu diiradda saarayaa ciyaaraha iyo animations
  • Developerska Coinka SOL waxay sheegayn inay hagaajiyeen cilad ka jirtay Blockchainta Solana taasoo ay ogaadeen 16-da bishii April, Ciladaan ay ka faa’ideysan lahaayeen inay daabacaan Tokens faro badan taasoo keeni laheed inflation coinka Sol, waxaana si dhamaystiran wax lagu badaley shabakada iyadoo Validators xaqiijiyaasha howshooda hada si wacan u wataan.

Xigasho: Coindesk

📈 5. ETFs iyo Hay’adaha Maalgashiyada ay saameeyo suuqa

  • Bangiyada Mareykanka waxaa la filayaa inay macaamiishooda u oggolaadaan in ay si toos ah ugu maalgashadaan Bitcoin ETFs, taasoo ah horumar cusub Coinka BTC-na faa’ido u leh
  • Litecoin ETF Ha’yada SEC-ga ayaa la filayaa in ay go’aan ka gaarto dalabka ETF-ga Litecoin
  • Kororka ETFs-yada khubaro ayaa sheegaya in ETFs-ka crypto ay noqon doonaan ilaa 5% maalgashiyada hedge funds-ka sannadka 2025.
  • U.S Spot ETF waxay iibsadeen isbuucaan guduhiisa 18,644 Bitcoin.

Xigasho: Cryptpnews

🌐 6. Saamaynta Lacagah Crypto ee Adduu ka

  • Maldives wadan xeebaydkaa waxuu saxiixday heshiis $9 bilyan uu ku maal gashanaayo lacagaha crypto gaar ahaan Coinka Bitcoin, waxay arintaan kor u qaadaysaa saamaynta lacagahaan crypto adduunka ku yeelanayaan.
  • Shirkada Binance waxay la kaashatay dalka Kyrgyzstan si loo hormariyo Binance Pay iyo barnaamijyo waxbarasho ay siinayso shirkada dhalanyarada taasoo ku saabsan isticmaalka lacagaha crypto iyo technologiyada blockchain

Xigasho: Cointelegraph

7. 🔗 Teknolojiyada Blockchain

  • VeChain iyo 4Ocean waxay isla kaashadeen in ay nadiifiyaan 300,000 rodol oo ah qashinka caagga ah ee xeebaha badaha daadsan, iyagoo adeegsanaya teknolojiyada blockchain si loo xaqiijiyo hufnaanta hawsha.
  • Shirkadda MAG ee Imaaraadka Carabta waxay la saxiixatay heshiis $3 bilyan MultiBank Group waxuuna ku saabsan yahey token-gareynayo hantida Digitalka ah, iyadoo la adeegsanayo blockchain si loo fududeeyo maalgashiga hantida ma-guurtada ah.

Xigasho: Bloomberg

8. 🤖 Artificial Intelligence-AI

  • Tether.ai waxay shaacisay in la sameeyp tiknolojiyad furan oo loogu talagalay in lagu horumariyo ganacsiga crypto, iyadoo la adeegsanayo aragtida saynis yahanka Isaac Asimov.
  • Hay’adda DARPA waxay kordhisay dadaalladeeda ku aaddan amniga cyber-ka, iyadoo adeegsaneysa AI si loo ogaado loona saxo nuglaanta software-da.
  • Shirkadda IonQ waxay gaartay guulo waa wayn oo la xiriira hagaajinta luqadaha ay adeegsadaan barnamjyada ku shaqeeyo Ai ee LLM- Large Language Model iyadoo la adeegsanayo superposition iyo entanglement,

Xigasho: Theblock.co

9. 🌐 Web 3.0

  • Dalka Mozambique wuxuu bilaabay mashruuc tijaabo ah oo lagu ballaarinayo isku xirka dijitaalka ah ee miyiga, iyadoo la adeegsanayo anteenooyin satellite si loo gaarsiiyo 15,000 goobood.
  • Isbeddellada Web 3.0 wuxuu beddelayn sida internet-ka u shaqeeyo, isagoo diiradda saaraya Decentralization, taasoo u oggolaanaysa isticmaaleyaasha inay si toos ah u maamulaan xogtooda iyo waxqabadkooda aysan jirin shirkad kaydinayso macluumaadkooda.

Xigasho: medium.com

Ugu imaaw halkaan maalin walibo wararkii ugu dambeeye Suuqa Crypto iyo si guud dhaqaalaha Caalamka

Leave a comment