Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
- Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.80 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 160.81 Billion.

- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %57.9 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 51% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 41% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.

Xigasho: Coinmarketcap
- Qiimaha Bitcoin (BTC) ayaa maanta hoos u dhacay, isagoo weli ku jira xadka $115 – 110, waxuu hadda joogaa qiimihiisa $110,765.21
- Qiimaha Ethereum (ETH) waxa uu ku suganyahay xasillooni, qiimihiisuna wuxuu marayaa hadda $4,300.8
- Qiimaha Solana waxuu haatan marayaa $202.8
- Qiimaha XRP waxuu ka joogaa Suuqyada Crypto $2.80
- Qiimaha Trx waxaa lagu kala iibsanyaa $0.344
- Qiimaha ADA waxuu ka marayaa Suuqyada Crypto $0.8223
- Qiimaha Doge waxaa lagu kala iibsanayaa maanta $0.2145
- Qiimaha BNP waxaa lagu kala iibsanayaa maanta $859.84
- Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $109 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 15 billion.
2. 🏛 Sharciga iyo Xeerarka Suuqa
- Maraykanka waxuu ansixiyay sharciga Genius Act, oo dhigaysa in stablecoins ay noqdaan kuwo si buuxda lacag dhab ah ugu dambayso
- Shirkado waaweyn sida Visa iyo Mastercard ayaa bilaabay tijaabinta adeegyada stablecoins.
- Bangiyada iyo ganacsiyada yaryar ayaa lagu dhiirrigeliyay inay isticmaalaan stablecoins si loo yareeyo khidmadaha bixinta.
- SEC ayaa soo jeedisay in crypto lagu daro nidaamyada dhaqameed ee saamiyada, tani waxay muujinaysaa in crypto ay si buuxda ugu sii milmayo nidaamka dhaqaalaha caalamiga ah.
3. 📦 ETFs & Maalgashiga Hay’adaha
- Hay’ado maaliyadeed ayaa sii wadanaya maalgelinta Bitcoin iyagoo adeegsanaya ETF.
- ETF-yada Ethereum qaarkood ayaa hoos u dhacay, balse weli xiiso hay’adaha ayaa jira ay ku maalgashanayaan ETH.
- Robinhood waxaa lagu daray tusmada S&P 500, taas oo caddeyneysa in crypto uu ku milmayso dhaqaalaha caadiga ah.
4. 🐋 Maalgashiga Waaweyn (Whales)
- Bitcoin qiimihiisu yahay $52 milyan ayaa laga soo wareejiyay wallet ay ku kaydsanayd muddo 13 sano ah, dhaqdhaqaaqani wuxuu keenay su’aalo ku saabsan istaraatijiyada hay’ayaasha waaweyn.
- Whales waa wayn ayaa wali haysta Bitcoin ka badan 1 milyan.
5. 🚀 Mashaariic Horumarka ku socdo ee Suuqa
- Remittix (RTX) ayaa noqotay mashruuc aad loo xiiseynayo, gaar ahaan qaybta PayFi (lacag dirista crypto ilaa bangiga).
- Mashruucan waxuua helay in ka badan $24 milyan maalgelin ah iyo kumanaan dad ah oo token haysta.
- Wallet- cusub oo lagu kaydsado ayaa la bilaabi doonaa 15 Sebtembar, taas oo kordhisay xiisaha.
- Falanqayaasha Suuqa waxay saadaaliyeen in qiimihiisu kordhi karo ilaa 40x ama ka badan.
- Cardano iyo Solana ayaa sidoo kale kor u sii kacaya, qiimahoodana waxaa la filayaa in bisha Sebtembar ay gaaraan qiimahooda meesha ugu sarayso
6. 🔗 Teknolojiyada Blockchain
- Genius Act wuxuu siinayaa blockchain sharci lagu horumarin karo.
- Baahida teknoolojiga blockchain ayaa sii korodhay, gaar ahaan xagga lacag kaydinta.
- Remittix wuxuu fududeynayaa xiriirka crypto iyo bangiyada, taasoo ka dhigan adeegyo cusub.
- Blockchain wuxuu sii fidi doonaa xagga fintech iyo lacag-bixinta caalamiga ah.
7. 🤖 AI & Web 3.0
- Mashruucyada cusub waxay isku daraan AI iyo crypto si loo helo adeegyo casri ah.
- Web3 iyo DeFi ayaa noqday tiirarka horumarinta suuqa crypto
- Isku darka AI iyo blockchain wuxuu dhalin doonaa adeegyo cusub.
- Mustaqbalka dhow AI iyo Web3 waxay noqdaan qeyb muhiim ah oo crypto ah.
8. 🖼 NFT & DeFi
- Sharciyada cusub ay soo baxay waxay kordhiyeen kalsoonida DeFi iyo NFTs.
- NFTs iyo DeFi waxay noqdeen qayb muhiim ka ah suuq waynaha Crypto
- Adeegyo cusub oo DeFi ah ayaa soo kordhaya, sida tokenization iyo lacag-bixin casri ah.
- NFT iyo DeFi waxay sii wadaan inay noqdaan qayb muhiim ah oo suuqa crypto ka mid ah.
Halkaan ka baro coursada Crypto