Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain
📉 1. Xaalada guud ee Suuqa
- Qiimaha Guud ee Suuqa (Market Cap): Wuxuu naanat marayaa ku dhowaad $3.25 trillion waxuuna hoos u dhacay 2.80% halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 86.4 Billion.
- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Ccoinka Bitcoin awood dhan 63.6% halka Altcoins ay haystaan awood dhan 37.4%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 22% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga filaayo ay aad ugu dhac santahay.
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu sheegayaa 56% taas oo ka dhigan inuu yahey mid hoos u socdo ayna jirto kalsooni daro maalgashiyaasha suuqa ku qabaan.

Xigasho: Coinmarketcap
- Qiimaha Bitcoin (BTC): ayaa hoos u dhacay, $104,000, wuxuuna hoos u dhacsanyahay 0.61% 24 saac u danbeysay.
- Qiimaha Ethereum (ETH): ayaa hoos uga dhacay $2,500, taasoo keentay walaac laga qabo in whales ay iska iibiyaan Eth.
- Qiimaha Solana (SOL): Qiimaha SOL ayaa la saadaalinayaa inuu gaaro $1,000 haddii uu sii xoojiyo xiriirka uu la leeyahay mashruucyada ETH, waxaana arintaan lagu saadaalinayaa markii Metamask uu taageeray Network Blockchainta Solana
- Qiimaha XRP: XRP ayaa hoos uga dhacay $2.145, inkastoo ay jirto rajo laga qabo ETF-yada, haddana shaki sharciyeed ayaa saameyn ku yeeshay qiimaha Coinka xrp.
🔁 2. Exchange Inflow and Outflow
📥 Inflow – (Hanti Suuqa Lasoo Geliyey)
- Bitcoin (BTC): Inkastoo qiimaha BTC uu hoos u dhacay ilaa $104,000 waxaa la arkay koror ku yimid mugga ganacsiga, BTC/USDT oo gaaray heerkii ugu sareeye 24 saac ee la soo dhaafay. Tani waxay muujinaysaa in maalgeliyayaal badan ay BTC ku shubayaan exchanges-yada si ay iskaga iibiyaan.
- Ethereum (ETH): ETH ayaa la arkay in laga saaray exchange-yada lacag dhan $280 milyan, taasoo muujinaysa in maalgeliyayaal badan ay ETH u wareejinayaan boorsooyinkood Cold storage si ay u haystaan muddo dheer.
📤 Outflow – (Hanti Suuqa Laga Saaray)
- Kaydka BTC ee exchanges ayaa hoos u dhacay, taasoo muujinaysa in maalgeliyayaal badan ay BTC u wareejinayaan wallets gaar ah si ay u haystaan muddo dheer. Halka qaar kalena ay iska iibinayaan si ay faa’idada ay ka haleen ugu baxsadaan
- Inkastoo ETH laga saaray exchanges qiime dhan $280 milyan, haddana waxaa la arkay in ETH uu kor u kacay 50% bishii May, taasoo muujinaysa in maalgeliyayaal badan ay xiiseynayaan ETH.
🏛️ 3. Xeerarka (Regulations)
- Maamulka cusub ee Trump ayaa keenay isbeddelo ku yimid xeerarka SEC ee la xiriira crypto, waxayna ha’yada noqotay mid fududeyso sharciyada iyo maamulka lacagaha digitaalka ay crypto waxayna joojisay xanibaad hore ee saarnaa suuqa crypto tusaale waxay laashay dacwadii loo haaystay Exchange-ka Binance ee ugu wayn suuqa crypto.
- Boqortooyada UK ayaa soo jeedisay “Sharciga Cryptocurrency iyo Maaliyadda Dijitaalka ah” oo ay ku jirto canshuur dhan 10% iyo qorshe lagu dhisayo kayd BTC ah oo ay leedahay Bankiga England.
- Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa su’aalo ka keenay isticmaalka 2GW ee koronto loogu talagalay macdanta Bitcoin, iyadoo la eegayo saameynta ay ku leedahay tamarta.
🐋 4. Maalgashadayaasha Waaweyn
- Whale weyn ayaa qaatay boos dheer oo ah oo long ah $2.72 bilyan oo leh leveragedhan 30x, NB: midaan waa xaaraan maadaama ay tahay speculation.
- Maalgashadayaasha waaweyn ayaa xiiseynaya meme coins sida DOGE, Shib inu iyo pepeCoin,
🚀 5. Mashaariicda Horumarka Ku Socda ee Suuqa
- Token-ka SHX oo ay taageerto Ripple ayaa diyaar u ah inuu beddelo habka lacagaha caalamiga ah loo diro, isagoo adeegsanaya teknoolojiyadda blockchain
📊 6. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha saameeyo suuqa
- Bishii la soo dhaafay ee May, ETF-yada Bitcoin ayaa helay wadar dhan $5.2 bilyan oo ah lacagaha soo galay, taasoo muujinaysa xiisaha sii kordhaya ee hay’adaha maaliyadeed.
- SEC ayaa muujisay walaac ku saabsan ETFs-yada bixiya abaalmarino staking ah, iyadoo la eegayo inaysan u qalmin inay noqdaan ETFs sharci ah.
🔗 7. Teknoolojiyadda Blockchain
- Canary Capital ayaa gudbisay codsi loogu talagalay ETF cusub oo la xiriira Cronos (CRO), taasoo muujinaysa xiisaha sii kordhaya ee la xiriira teknoolojiyadda blockchain
🤖 🌐 8. AI & Web 3.0
- Ai ayaa saadaaliyay in qiimaha Bitcoin uu kor u kici doono, iyadoo la eegayo kororka xiisaha maalgashadayaasha waaweyn u qabaan
- Xiriirka bulshada ee la xiriira Web 3.0 waxaa aad u kordhay dadka daneynaayo barnaamijyada web 3.0 ee loo adeegsado madadaalada iyo baraha bulshada si lagu guuro kuwa hadda la adeegsado sida facebook iyo X.
🖼️ 9. NFTs (Non-fungible Tokens)
- Bishii May 2025, suuqyada NFTs ayaa kor u kacay 20% marka loo eego bilihii hore, iyadoo wadarta iibka gaartay $468 milyan. Tani waxay ka dhigan tahay in suuqyada NFTs ay ka soo kabanayaan tan iyo hoos u dhaca muddooyinkii la soo dhaafay ee ku jireen.
- OpenSea ayaa dib u hanatay hogaanka suuqyada NFTs, iyadoo la wareegtay 70% ee saamiga suuqa kadib markii ay soo bandhigtay madal cusub oo la yiraahdo OS2.
- Base Bros naqshado arts cusub oo ka kooban 3,500 NFTs oo lagu dhisay blockchain-ka Base.
- Mashruuc Mechadroids NFT ah oo asal ahaan ka yimid maskaxda ilmo 5 sano jir ah, ayaa qabsaday suuqa NFT
- CryptoPunks oo Loo Wareejiyay Hay’ad Aan Macaash Doon Ahayn: Yuga Labs ayaa ku wareejisay ururinta CryptoPunks hay’adda Infinite Node Foundation si loo ilaaliyo dhaxalka farshaxanka dijitaalka ah.
ka baro halkaan koorsada Crypto bilaaw ilaa dhamaad