Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $4.09 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 164.72 Billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %57.9 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 72% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay ku socoto si xoogan
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 53% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.

Xigasho: CoinMarketCap

  • Bitcoin (BTC) ayaa maanta hoos u dhacay, isagoo weli ku jira xadka $115 – 110, waxuu hadda joogaa qiimihiisa $116,054.21
  • Ethereum (ETH) waxa uu ku suganyahay xasillooni, qiimihiisuna wuxuu marayaa hadda $4,720.89
  • Altcoins kale ee suuqa sida Solana (SOL), XRP, Ton, SUI, Tron, ADA iyo Doge waxay muujinayaan dhaqdhaqaaq xoogan oo iibsasho ah inuu ka jiro.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $135 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 17 billion.

📜 2. Xeerar-ka & Siyaasada Suuqa

  • Dacwadda Ripple iyo SEC weli way socotaa, taas oo saamaynaysa oggolaanshaha ETF-yada XRP cusub.
  • Waxaa socda qorshayaal lagu diyaarinayo sharciyo cusub oo lagu maamulo liiska ETF-yada altcoins sida Solana, Cardano, XRP iyo Litecoin.
  • Xeerarka la xiriira AML (lacag dhaqid ka hortag) iyo KYC (hubinta macmiilka) ayaa sii adkaanaya.
  • Dawladaha qaar ayaa isku dayaya inay caddeeyaan xiriirka u dhexeeya stablecoins iyo dhaqaalaha caadiga ah.

💰 3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

  • Hedera (HBAR) token ayaa qiimihiisu kor u kacay kadib xiisaha laga qabo ETF-in laga sameeyo.
  • Bitcoin ETFs ayaa helay maalgelin aad u badan bishan, taas oo muujinaysa kalsoonida maalgeliyayaasha.
  • Hay’adaha waaweyn waxay u arkaan ETF-yada fursad wayn oo Crypto lagu qayb qaadan karo.
  • Waxaa jira filasho weyn oo ah in ETF-yada XRP la oggolaado bisha October, taas oo saamayn weyn ku yeelan doonta qiimaha.

🆕💰 4. Coins- ka Cusub ee Suuqa la filaayo in la keeno

  • BlockchainFX oo ah mashruuc cusub ayaa uruuriyay in ka badan $7 milyan maalgelin.
  • Solana iyo XRP waxaa la saadaalinayaa inay qaadaan koror qiime haddii ETF-yada la oggolaado.
  • BullZilla (BZIL) — waa Token cusub oo ku jiro marxalada presale – waxaa lagu sameynayaa maalgalin xoogan

🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeyo Suuqa

  • Maalgashadayaal waaweyn ayaa si xooggan u maalgelinaya Bitcoin ETFs.
  • Dhaqdhaqaaq weyn oo whales ah maanta kama dhicin Suuqa Crypto

🚀 6. Mashaariicda Horumarka ku socdo ee Suuqa

  • BlockchainFX waxay isku daraysaa crypto, saamiyo iyo forex hal meel ah.
  • Waxaa sii kordhaya mashruucyada presale-yada oo soo jiidanaya maalgelin cusub.

🔗 7. Tignoolajiyada Blockchain

  • Tokenization-ka hantida dhaqameed ayaa sii xoogaysanaya, iyadoo shirkado waaweyn sida Nasdaq ay ku dadaalayaan in saamiyo iyo securities loo beddelo tokens.
  • Blockchain-ka waxaa loo arkaa tignoolajiyad horseedi doonta mustaqbalka ganacsiga caalamiga.

🤖 8. AI & Web 3.0

  • Web3 iyo AI weli waa mawduucyo sii xoogaysanaya, inkastoo warar cusub oo gaar ah maanta aysan soo bixin.
  • Waxaa jirta xiiso sii kordhaya oo ku saabsan sida AI loogu dari karo adeegyada Web3.

🖼️ 9. NFT & DeFi

  • DeFi ayaa helaysa maalgelin iyo kalsooni cusub, gaar ahaan dhinaca staking iyo liquidity.
  • Suuqa NFT-yada ayaa bilaabay inuu si tartiib ah uga soo kabsado hoos u dhicii hore.
  • DeFi TVL (Total Value Locked) ayaa kor u kacay, taas oo muujinaysa isticmaalka sii kordhaya.

Halkaan ka baro coursada Crypto

https://gellebashir.com/courses/barashada-cryptocurrency-somali-cryptocurrency-coursecrypto-bilaw-ilaa-dhamaad-afsomali-cryptocurrency-course

Leave a comment

newsletter form

newsletter form

Gelle Crypto © 2025. All rights reserved.

Gelle Crypto © 2025. All rights reserved.