Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
- Qiimaha Guud ee Suuqa (Market Cap): Wuxuu marayaa maanta ku dhowaad $3.31 trillion waxuuna sare u kacay 1.90% halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 97.80 Billion.
- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Ccoinka Bitcoin awood dhan 63.7% halka Altcoins ay haystaan awood dhan 37.3%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 28% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga filaayo ay hoosayso
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu sheegayaa 51% taas oo ka dhigan inuu yahey mid dhexe kalsoonida maalgashiyaasha ay tahay (Neutral).
- Bitcoin Qiimahiisu wuxuu haatan marayaa $~106,779.63, waxuu kor u kacay +0.07% 24 saac gudaheed.
- Qiimaha ETH waxuu hoos u dhacay $2,616 waxuuna gordhay +3.54%
Altcoins–ka kale ee suuqa
- Solana: waxay sameysay korar dhan +6.95%
- Hyperliquid: waxay sare u kacday +8.38%
- XRP: waxuu sameeye korar dhan +2.13%
🏛️ 2. Xeerarka Sharciyeed & Siyaasadaha suuqa saameeyo
Waxaa wali sii socdo xiisada ka taagan bariga dhexe ay isku dagaalayaan labada wadan ee Iran iyo gumaystaha Isreal, inkastoo ay dowlado badan wadaan waan-waan lagu dhex dhexaadinaayo laada dal, hadana ilaa hadda wali laguma guulaysan in midkood uu sameyo tanaasulid, Iran waxay wacad ku martay in bariga dhexe ay ka suulin doonto gumeystaha isreal ayna adeegsan doonto gantaalo awood badan oo bur burin doono dhamaan dhulka uu xooga ku qabsay gumeystaha, halka dowladaha Europe iyo maraykan-ka ay sheegayn inay garab taagan yihiin Isreal, waxayna si hoose u bilaabeen taageerada ay siinayaan, dowlada maraykan waxay dirtay bariga dhexe maraakiibteeda badda quuse, waxayna sheegtay hadii uu xaalka adkaado inay dagaalka soo gali doonto, halka Dowlado badan ay ka mid yihiin Pakistan iyo Afganistan ay sheegayn inay garab daagan yihiin Iran.
Shirkka G7 ee lagu balansan yahay maanta kana dhici doono wadanka Canada, magaaladiisa Alberta Waxay dowladaha isku imaaday kaga hadli doonaan badankiisa shirka xaalada ka taagan bariga dhexe iyo sida loo heshiisiin karo Iran iyo Isreal.
Saameynta Suuqyada Maaliyadeed
🛢️ Suuqa Shidaalka
- Qiimaha fuustada wuxuu sare u kacay ilaa $75–$78/bareel, koror 7–13% todobaad gudihiis, sababo la xiriira cabsi laga qabo joojinta maraakiibta marinka Hormuz .
💰 Suuqa Dahabka
- Qiimaha dahabka ayaa kor u kacay +1.5% ilaa $3,433/, maadaama maalgeliyayaasha ay raadsadeen hanti ammaan ah
📉 Suuqyada Saamiyada
- Dow Jones wuxuu hoos ayuu u dhacay ~769 dhibcood (−1.8%) Juun 13 kadib hoos u dhac guud oo suuqa ah .
- Indices kale sida S&P 500 iyo Nasdaq waxay hoos u dhaceen ~1.1–1.3%
- Suuqyada Asia iyo Gulf ayaa sidoo kale hoos u dhacay—Qatar −2.9%, Saudi −3.6%, Kuwait −4.3%
💵 Suuqa sarifka iyo Doolarka Mareykanka
- USD ayaa kor u kacday maadaama maalgeliyayaashu raadiyeen lacagaha “safe-haven”, waxaa sidoo kale hoos u dhac la kulmay Yen-ka chaina iyo Euro .
🖥️ 3. Saameynta Suuqa Cryptocurrency
- Bitcoin waxay hoos u dhacday ~$104,300 halka Ethereum uu hoos u dhacay 8.2% ilaa $2,552, suuqa guud waxuu waayay $1.2B.
- SEC-ga oo ay hadda hoggaamiyaan xisbiga jamhuuriga ayaa si rasmi ah u laalay 14 xeerar oo la soo jeediyey xilligii Gary Gensler, kuwaas oo loogu talagalay in lagu xakameeyo crypto iyo ganacsatada saamiyada. Tani waxay muujinaysaa is bedel dhanka siyaasadda ah, iyadoo SEC-ga uu hadda taageerayo horumarinta crypto .
- Wadanka Vietnam ayaa ansixisay Sharciga Tiknoolojiyadda Dijitalka blockchain, iyo lacagaha cryptocurrency wuxuuna dhaqan gelayaa 1 Janaayo 2026
🐋 3. Dhaqdhaqaaqa Whales-ka
- Wallet aan la isticmaalin muddo labo sano ah ayaa iibsaday 250 BTC, qiyaastii ~$26.4M
- Shirkad Metaplanet oo laga leeyahay wadanka Japan ayaa keydisay BTC-ga dhan 10,000 oo gaarayso qiimaheeda ~$947M
🚀 4. Mashaariicda & Presales ee suuqa
- Mashruuc cusub oo blockchain ah, oo la yiraahdo Bitcoin Solaris, wuxuu hada galay marxaladii 7-aad ee presale-ka, iyadoo la iibiyay in ka badan $4.5M kuna dhow in la gaaro public launch. Qiimaha hadda waa $7 halkii token, waxaana lana qorsheeyey inuu gaaro $20 marka la listing gareeyo – mashruucani wuxuu ballanqaaday TPS dhan 10,000 iyo supply limited ka kooban 21M tokens
- Snorter Token, meme coin cusub oo ku shaqeeya Solana & Ethereum, ayaa presale ka helay taageero dhan ilaa $1M..
📊 5. ETFs & Maalgashi Hay’adeed ee saameeyo suuqa
- Hay’ada SEC waxaa soo gaartay ilaa 31 codsi ETF oo altcoins ah, kuwaas oo laga dalbaday Illaa June 2025. Magacyada la filayo in la oggolaado waxaa ka mid ah Litecoin, Solana, XRP, Dogecoin ETFs.
- Shirkadda 21Shares waxay u gudbisay SEC codsiyo ETF oo ku saabsan DOGE iyo XRP—tani waxay xoojineysaa tartanka ka socda suuqa ETFs ee Europe & USA
- Grayscale ayaa codsatay in Cardano Trust laga beddelo spot ETF—tani waxay ka dhigan tahay ballaarin xagga institutional-ka ay ku samaynayaan altcoins
Xigasho: ccn.com.
🔗 6. Teknoolojiyadda Blockchain
- Canton Network, oo ah blockchain dadweyne oo loo sameeyey bangiyada & hay’adaha, waxay awood u siisaa tokenization real-world assets sida gilts, eurobonds, iyo gold iyadoo isticmaasha nodes sida Goldman Sachs, Microsoft, Deutsche Börse
- Ururka European Data Protection Board (EDPB) ayaa ammaanay isticmaalka blockchain ee xogta shakhsiga ah, iyagoo ku tilmaamay inay si hufan u kaydiso xogta.
🌐 🤖 7. Ai & Web 3.0
- Cilmi baaris cusub ayaa soo jeedisay hab sharciyeed blockchain-ka ku saleysan oo loo adeegsan kato Ai
🖼️ 8. NFTs & DeFi
- NFT Cybersquatting waxay sheegtay in 8,019 NFT collections lagu sameeyay “cybersquatting” 20K collections la baaray, 670K NFTs ayaa laga dhacay qof llagu qiyaaso qiimaha lacagta $59M
- NFT fractionalization waa mashruuc NFTs ah oo lagu bixinaayo fractional ownership, si dad yaryar ay qeyb ka iibsadaan NFTs, taasoo kor u qaadaysa liquidity- ka suuqa.
ka baro halkaan Coursada crypto