Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin waliba dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dhaqaalaha caalamka iyo crypto, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerarka cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen, la qabsiga crypto ee bangiyada, mashruucyada cusub ee Crypto iyo waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain
📈 1. Xaalada guud ee Suuqa
- Suuqa guud ee crypto-ga ayaa dhaafay $4 Tiriliyan kadib markii la saxiixay sharciga GENIUS Act iyo ETF-ga XRP
- Qiimaha Guud ee Suuqa (Market Cap): Wuxuu marayaa maanta ku dhowaad $3.86 trillion waxuuna kor u kacay 2.87% halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 181 Billion
- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta coinka Bitcoin awood dhan 61.7% halka Altcoins ay haystaan awood dhan 39.3%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 39% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga filaayo uu yahay mid soo koraya
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu sheegayaa inuu yahay 69% taasoo ka dhigan in damaca maalgashi xoogan uu jidho.
Xaalada 10-ka lacagood ee ugu sareeyo suuqa Crypto
- Bitcoin waxuu qiimihiisa marayaa maanta $118,000
- Ethereum: (ETH) waxuu qiimihiisa kor u kacay 21.20%, haatan waxuu qiimihiisa marayaa $3,563
- XRP: qiimihiisa kor ayuu u kacay waxuuna haatab maraa $3.40
- USDT: waa Stablecoin ay ka dambeyso shirkada Tether, waxuuna ku jiraa kaalinta 3aad kala horaynta lacagaha crypto waxuu fdududeyaa in la isku bedesho Fiat currency iyo Cryptocurrency, waxaa soo gashay manta hanti Volume dhan 119 Billion
- BNB: waa Coin ay lee dahay shirkada BInance, waxuu qiimihiisa haatan marayaa $740 waxuuna sare u kacay 1.80% isbuucii u dambeyay
- Solana: Qiimaha SOL waxuu hadda suuqyada ka joogaa $177.26
- USDC: waa Stablecoin kale k u jiro kaalinta 7aad ee suuqa, waxaana iska leh shirkada Circle, qiimihiisa isma bedelo waa $1 mar waliba, maanta waxaa soo gashay Volume dhan 18 billion.
- Dogecoin: meme- token ka DOGE waxuu soo galay kaalinta 8aad ee suuqa kala saraynta lacagaha Crypto haatan qiimihiisa waxuu marayaa $0.245.
- TRON: Qiimaha Trx waxuu haatan marayaa $0.32
- Cardano: Qiimaha Ada waxuu suuqyada ka marayaa halkii xabo $0.82.
2. 🏛️ Shuruucda & Siyaasada Suuqa
- Waxuu Mareykanka ansixiyay Sharciga GENIUS Act si loo nidaamiyo lacagaha stablecoins—kuwaas oo la mid ah doolarka balse ah digital.
- Sharciyahanada Congress-ka wuxuu ku qasbeen Shirkadaha in stablecoin kasta uu haysto am aka dambeyso lacag dhab ah (100%) lana sameeyo xisaabin bil waliba.
- Sharciga Genies Act wuxuu siinayaa fursad bangiyada, fintechs iyo ururada maaliyadeed in ay stablecoins soo saari karaan haddii ay helaan ruqsad.
3. 📈 ETFs & maalgashiga Hay’adaha Maaliyadeed ee Suuqa
- BlackRock waxay iibsatay $496.8M Coinka Bitcoin
- Ethereum ETFs waxaa soo gashay maalgalin dhan $402M
- Waxaa muuqata in maalgashadayaasha waaweyn sida pension funds, iyo hedge funds ay hadda bilaabeen inay maalgashi ku sameeyaan suuqa crypto.
- ETFs guud ee Ethereum waxuu gaaray ~$2.9B.
4. 🐋 Maalgashadayaasha Waaweyn (Whale Investments) ee saameeyo Suuqa
- XRP ayaa laga dareemay ururinta whales, taasoo kor u qaaday qiimaheeda ilaa $3.64.
- Whale ayaa bilaaway aeoorsiga Coin-ka Ethereum, waxaana laga dareemay qiimihiisa.
- Whales ayaa iibsi ku wada altcoins sida Solana, ADA
- Maalgashadayaasha yar-yar waxay bilaaween inay ku dayadaan whales-ka waa wayn si ay faa’iido u sameeyaan
5. 🚀 Mashaariicda Horumarka ku socda Suuqa
- Guddiga Pakistan Crypto Council ayaa bilaabay in ay hormariyaan nidaamka sharciyeed ee crypto iyo keyd qaran oo Bitcoin ah.
- Mashruuca cusub ee BlockDAG wuxuu ku dhisan yahay Layer 1 blockchain oo aan lahayn xannibada vesting.
- Waxaa horumar ku socda qorsheenta ay shiraduhu ku doonayaan inay ku saaraan stablecoins
6. 🔗 Teknolojiyadda Blockchain
- Sharciga GENIUS Act wuxuu sare u qaaday on-chain proof-of-reserve (in la cadeeyo lacagaha Stable coin inay ka dambayso hanti dhab ah).
- Blockchain waxa loo adeegsadaa in lagu hubiyo daah-furnaanta wax kala iibsiga.
- Ethereum & Solana waxay sii kordhiyeen horumarinta dhinacyada xawaaraha marka wax la isku diraayo
- Dalalka horumaray ayaa bilaabay inay u isticmaalaan blockchain in lagu dhiso nidaamyo cusub oo canshuur ah
7. 🤖 Ai & Web 3.0
- AI cusub oo loo yaqaan multi-agent LLMs ayaa lagu horumarinayaa maareynta crypto
- Web 3.0 protocols waxaa lagu xerayaa AI si loo helo bots lagu falanqeeya madsha
8. 🎨 NFTs & DeFi
- Suuqyada NFT-ga ayaa wajahaya dhibaatada wash trading.
- Stablecoins ayaa la bilaabay in lagu daro nidaamka DeFi iyadoo qaab sharci ah loo maareynayo.
Halkaan ka baro Coursada crypto