Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin waliba dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dhaqaalaha caalamka iyo crypto, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerarka cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen, la qabsiga crypto ee bangiyada, mashruucyada cusub ee Crypto iyo waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain
📈 1. Xaalada guud ee Suuqa
- Qiimaha Guud ee Suuqa (Market Cap): Wuxuu marayaa maanta ku dhowaad $3.90 trillion waxuuna kor u kacay 2.87% halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 142 Billion
- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta coinka Bitcoin awood dhan 62.7% halka Altcoins ay haystaan awood dhan 38.3%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 49% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga filaayo uu yahay mid soo koraya
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu sheegayaa inuu yahay 68% taasoo ka dhigan in damaca maalgashi xoogan uu jidho.
Xaalada 10-ka lacagood ee ugu sareeyo suuqa Crypto
- Bitcoin waxuu qiimihiisa marayaa maanta $117,876
- Ethereum: (ETH) waxuu qiimihiisa kor u kacay 21.20%, haatan waxuu qiimihiisa marayaa $3,728
- XRP: qiimihiisa kor ayuu u kacay waxuuna haatab maraa $3.48
- USDT: waa Stablecoin ay ka dambeyso shirkada Tether, waxuuna ku jiraa kaalinta 3aad kala horaynta lacagaha crypto waxuu fdududeyaa in la isku bedesho Fiat currency iyo Cryptocurrency, waxaa soo gashay manta hanti Volume dhan 93 Billion
- BNB: waa Coin ay lee dahay shirkada BInance, waxuu qiimihiisa haatan marayaa $746 waxuuna sare u kacay 1.80% isbuucii u dambeyay
- Solana: Qiimaha SOL waxuu hadda suuqyada ka joogaa $180
- USDC: waa Stablecoin kale k u jiro kaalinta 7aad ee suuqa, waxaana iska leh shirkada Circle, qiimihiisa isma bedelo waa $1 mar waliba, maanta waxaa soo gashay Volume dhan 12 billion.
- Dogecoin: meme- token ka DOGE waxuu soo galay kaalinta 8aad ee suuqa kala saraynta lacagaha Crypto haatan qiimihiisa waxuu marayaa $0.2516.
- TRON: Qiimaha Trx waxuu haatan marayaa $0.3176
- Cardano: Qiimaha Ada waxuu suuqyada ka marayaa halkii xabo $0.84.
2. 🏛️ Shuruucda & Siyaaada Suuqa
- Sharciga GENIUS Act waxa la saxiixay 18 Luulyo, waxuuna diirada saaraa Stable coins
- Bangiyada waa weyn sida JPMorgan, Citi iyo BofA ayaa taageeray Sharciga Genius Act, iyagoo sheegaya inay sare u qaadi doonaa adeegsiga Crypto
3. 📈 ETFs & Maalgashi Hay’adaha Waawayn ee saameeyo Suuqa Crypto
- ETF-ga BlackRock’s ee Coin-ka Etereum waxaa soo gashay hanti dhan $397M
- VanEck ETF waxuu iibsaday Coinka ethereum $205M
- Fidelity Ethereum ETF (FETH) waxay ku maalgashatay Coin-ka ETH $235M
- Bitwise Ethereum ETF (ETHW) waxay iibsatay Coin-ka ETH $180M
4. 🐋 Dhaq-dhaqaaq Maalgashiga Whales saamaynta ku leh Suuqa
- Whales ayaa iibsaday maanta Coin-ka Etehereum 47,121 ETH — qiyaastii $169M — taasoo uujinayso kalsoonida Altcoins-ka
- whales ayaa laga dareemayaa aruursiga Coin-ka BTC (Bitcoin) ka dib markii uu qiimiihsa hoos u soo dhacay.
5. 🚀 Mashaariic Hormarka ku socda ee Suuqa
- LayerZero, mashruuca isku xiro blockchains-ka kala duwan, ayaa maanta bilaabay cross-chain staking feature, taasoo u ogolaanaysa isticmaalayaasha inay stake gareeyaan token-kooda ZRO meelo badan oo blockchain ah (Ethereum, BNB, Arbitrum, iwm).
- Monad, mashruuc horumarineed oo cusub oo tartan la galaya Solana & Ethereum, wuxuu helay maalgelin cusub oo dhan $225 milyan oo ay bixiyeen aasaasayaal horay uga tirsanaa Jump Crypto iyo Pantera Capital.
6. 🔗 Teknoolojiyada Blockchain
- Sharciga GENIUS Act wuxuu sare u qaaday baahida loogu qabo on-chain audit tools si loo caddeeyo kaydka company-ada soo saara Stable coins
- Teknoolojiyada blockchain-ka ayaa hadda la doonayaa in loo isticmaalayaa adeegyada ay bixiyaan barnamijyada ku shaqeeyo Ai
- Hababka canshuur bixinta ee blockchain ayaa lagu wadaa in a dhaqan galiyo
7. 🎨 NFT & DeFi
- Amniga smart contracts-ka ee NFT & DeFi platforms ayaa la xoojinayaa si loo yareeyo khataraha hacks iyo cilladaha software ee (bugs).
- DeFi (sida amaah siinta, DEX-yada, yield farming) ayaa mar kale soo jiidanaya dhaq-dhaqaaqyo waaweyn, kor u kacay ETF-ga ETH ayaa qayb ka ah isbeddelkan.
- Isku xirka stablecoins sharciyeysan iyo DeFi ayaa sii xoogeysanaya ka dib markii la ansaxiyay sharciga Genesis Act
8. 🤖 AI & Web 3.0
- Barnaamijyada DAO governance ayaa hadda isticmaalaya AI si ay u taageeraan go’aamada maamulka iyo la dagaallanka khiyaanooyinka.
- Web3 protocols waxay adeegsanayaan AI si loo abuuro bots wax lagu iibsado
- Wallet-yada AI-ku shaqeeya waxaa loo isticmaali karaa DeFi, ETF
Halkaan ka Baro Coursada Crypto bilaaw ilaa dhamaad