Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin waliba dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dhaqaalaha caalamka iyo crypto, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerarka cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen, la qabsiga crypto ee bangiyada, mashruucyada cusub ee Crypto iyo waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain
📈 1. Xaalada guud ee Suuqa
- Qiimaha Guud ee Suuqa (Market Cap): Wuxuu marayaa maanta ku dhowaad $3.93 trillion waxuuna kor u kacay 0.99% halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 197.44 Billion
- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta coinka Bitcoin awood dhan 59.7% halka Altcoins ay haystaan awood dhan 38.3%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 57% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga filaayo uu yahay mid soo koraya
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu sheegayaa inuu yahay 67% taasoo ka dhigan in damaca maalgashi xoogan uu jidho.
Xaalada 10-ka lacagood ee ugu sareeyo suuqa Crypto

- Bitcoin waxuu qiimihiisa marayaa maanta $117,864 waxuuna hoos u dhacay 3.0%
- Ethereum: (ETH) waxuu qiimihiisa kor u kacay 1.32%, haatan waxuu qiimihiisa marayaa $3,798
- XRP: qiimihiisa kor ayuu u kacay waxuuna haatab maraa $3.53
- USDT: waa Stablecoin ay ka dambeyso shirkada Tether, waxuuna ku jiraa kaalinta 3aad kala horaynta lacagaha crypto waxuu fdududeyaa in la isku bedesho Fiat currency iyo Cryptocurrency, waxaa soo gashay manta hanti Volume dhan 137 Billion
- BNB: waa Coin ay lee dahay shirkada BInance, waxuu qiimihiisa haatan marayaa $768
- Solana: Qiimaha SOL waxuu hadda suuqyada ka joogaa $191
- USDC: waa Stablecoin kale k u jiro kaalinta 7aad ee suuqa, waxaana iska leh shirkada Circle, qiimihiisa isma bedelo waa $1 mar waliba, maanta waxaa soo gashay Volume dhan 17 billion.
- Dogecoin: meme- token ka DOGE waxuu soo galay kaalinta 8aad ee suuqa kala saraynta lacagaha Crypto haatan qiimihiisa waxuu marayaa $0.2714.
- Cardano: Qiimaha Ada waxuu suuqyada ka marayaa halkii xabo maanta $0.90
- TRON: Qiimaha Trx waxuu haatan marayaa $0.314
2. 🏛️ Xeerarka iyo Sharciga Suuqa
- Dowladda Faransiiska ayaa soo saartay sharci cusub oo ka hortagaya isticmaalka crypto qaab aan sarciyeesnayn
- Hay’ada SEC (Mareykanka) ayaa dib u dhigtay go’aankii la sugayey ee ku saabsan Ethereum ETF.
- Dalka Turkey ayaa doonaayo inuu ansixiyo sharci rasmi ah oo ku saabsan crypto,
- Masuuliyiin ka tirsan Japan ayaa ka hadlay in dalkoodu u baahan yahay sharciyo cusub oo lagu taageero taageeraan Web3 iyo crypto innovations.
- Bankiga dhexe ee Nigeria ayaa sheegay inay qorsheynayaan inay dib u eegis ku sameeyaan sharcigii hore ee lagu xannibay crypto.
3. 📊 ETFs & Maalgashiga Hay’adaha suuqa saameeyo
- BlackRock’s Bitcoin ETF (IBIT) ayaa maanta iibsatay Lacagta Bitcoin-BTC.
- ETF-ga Grayscale waxuu wajahayaa hoos u dhac ku yimid saamiyada GBTC,
- Maalgashi cusub oo gaaraya $500M ayaa lagu sameeyay DeFi ETF cusub oo ka bilaabmay Germany.
- VanEck iyo Bitwise ayaa codsaday oggolaansho rasmi ah si ay u bilaabaan Ethereum ETFs.
- Hay’adaha ugu waaweyn ETF-yada sida Fidelity iyo Ark Invest waxay kordhiyeen saamigooda crypto ETFs.
4. 🐋 Maalgashiyada Whales-ka (Whale Investments) saamaynta ku leh suuqa
- Whale waayn ayaa maanta wareejiyay Coin-ka Bitcoin 8,000 BTC (ku dhowaad $528M) wallet gaar ah
- Mid ka mid ah whales-ka taageersan Coin-ka ETH ayaa dib u bilaabay inuu ururiyo ETH isagoo 14,000 ETH ku iibsaday hal saac gudahood.
- Xogaha on-chain-ka waxay muujinayaan in whales-yada ay bilaabeen inay uruursadaan Altcoins sida Arbitrum, SUI, iyo Injective.
5. 🚀 Mashaariicda Horumarka ku Socda ee Suuqa
- Starknet waxay shaacisay horumarin cusub oo u suurtagelinaysa is-dhexgalka AI & Blockchain.
- Project-ka ZetaChain ayaa bilaabay testnet-kii ugu dambeeyey isagoo isku xiraya blockchains kala duwan.
- MetisDAO waxuu qorsheynaya in uu billaabo is-dhexgal cusub oo loogu talagalay ganacsatada yaryar ee Afrika.
- Madasha Kaasama waxay ku dhawaaqday in la billaabayo mashruuc Cusub oo Web3 ah oo diiradda saaraya ciyaaraha metaverse
6. 🔗 Tiknoolojiyadda Blockchain
- Ethereum Foundation waxay shaacisay horumarin cusub oo ku saabsan Proto-Danksharding.
- Binance Smart Chain ayaa kordhisay scalability-ka iyadoo la hirgeliyay “opBNB upgrade”.
- Cardano ayaa u socota horumar cusub oo lagu magacaabo “Midnight” kaasoo diiradda saaraya privacy layer.
- Ton Blockchain oo ay maalgeliso Telegram ayaa noqotay mid ka mid ah kuwa ugu dhaq-dhaqaaqa badan July 2025.
7. 🤖 Sirdoonka Artificial & Web 3.0 (AI & Web 3.0)
- Worldcoin uu aas aasay madaxa OpenAi Sam Altman ayaa ku dhawaaqday update cusub oo diiradda saaraya biometric security.
- Fetch.ai iyo Ocean Protocol waxay bilaabeen isbahaysi cusub oo AI ku dhisan si loo kobciyo Web3.
- Bitget AI ayaa shaacisay in la billaabayo Crypto AI assistant ka shaqeeya portfolio management.
8. 🎨 NFT & DeFi
- Blur marketplace ayaa markale hogaanka u haya suuqa NFT,
- Pudgy Penguins NFTs ayaa si weyn loo kala iibsaday maanta
- Uniswap v4 ayaa dhawaan soo bixi doono, taasoo keeni karta horumar weyn oo dhinaca DeFi ah.
- NFT-ka ku dhisan ciyaaraha (GameFi NFTs) ayaa sare u kacay, gaar ahaan kuwa ku saleysan Solana iyo ImmutableX.
Halkaan ka baro Coursada Cryptocurrency


