">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Qiimaha Guud ee Suuqa (Market Cap): Wuxuu marayaa maanta ku dhowaad $3.9 trillion waxuuna sare u kacay 1.90% halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 120.8 Billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Ccoinka Bitcoin awood dhan 60.3% halka Altcoins ay haystaan awood dhan 40.7%

Xigasho: CoinGecko

  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 42% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay sare u kacayaan
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu sheegayaa 64% taas oo ka dhigan inuu yahey mid ay jirto damac maalgashi

Xigasho: Coinmarketcap

Xaalada 10-ka lacagood ee ugu sareeyo suuqa Crypto

  1. Bitcoin: Qiimihiisa wuxuu haatan maraya $118, 125 waxuuna sare u kacay 0.14%
  2. Ethereum: Qiimaha ETH waxuu hadda joogaa $3,829.02, waxuuna sare u kacay 1.50% 24 saac u dambeysay
  3. USDT: waa Stablecoin ay ka dambeyso shirkada Tether, waxuuna ku jiraa kaalinta 3aad kala horaynta lacagaha crypto waxuu fdududeyaa in la isku bedesho Fiat currency iyo Cryptocurrency, waxaa soo gashay manta hanti Volume dhan 78 billyan
  4. Ripple: Qiimaha XRP waxuu marayaa $3.18, waxuuna hoos u dhacay 0.301%, 24 saac u dambeysay
  5. BNB: waa Coin ay lee dahay shirkada BInance, waxuu qiimihiisa haatan marayaa $796.44 waxuuna sare u kacay 1.87%
  6. Solana: Qiimaha SOL waxuu hadda suuqyada ka joogaa $186.98, iyadoo uu sare u kacay 3.70%.
  7. USDC: waa Stablecoin kale k u jiro kaalinta 7aad ee suuqa, waxaana iska leh shirkada Circle, qiimihiisa isma bedelo waa $1 mar waliba, maanta waxaa soo gashay Volume dhan 8 billion.
  8. Dogecoin: Qiimaha DOGE wuxuu hadda joogaa $0.237, iyadoo uu kor u kacay 0.05%
  9. TRON: Qiimaha Trx waxuu haatan marayaa $0.322 waxuuna sare u kacay 0.19% toddobaadkii u dambeyay
  10. Cardano: Qiimaha Ada waxuu suuqyada ka marayaa halkii xabo $0.8257, waxuuna sare u kacay 0.03%

2. 🏛Xeerarka & Sharciyeynta Suuqa

  • Dowladda Faransiiska ayaa la filayaa inay soo saarto sharciyo cusub oo lagu hago stablecoins.
  • SEC Maraykanka ayaa sii waddo baaritaanka ku saabsan saameynta AI ku yeelan karo crypto ETFs.
  • Dalka Australia ayaa qaaday tallaabo lagu xoojinayo ilaalinta maalgashadayaasha crypto si lagu hortago dhaca Scammers ka.
  • Dowladda Hindiya waxay soo bandhigtay qorshe cusub oo lagu kormeero ganacsiga crypto ee gudaha.
  • Dalka Brazil wuxuu ansixiyay sharci cusub oo lagu nidaaminayo suuqa crypto gudaha dalka
  • Dowladda Nigeria ayaa sheegtay inay dhisi doonto guddi cusub oo xakameeya adeegsiga crypto.
  • Dalka India ayaa sheegtay inay kordhin doonto canshuuraha sarifka crypto laga helo gudaha dalka.
  • Dowladda Ruushka, sharciyo cusub ayaa la dhaqan geliyey 2025 si loogu joojiyo isticmaalka crypto ee dadka, islamarkaana loo dardar geliyo xeerar digital ah oo waafaqsan maalgashigooda.

3. 📊 ETFs & Maalgashiga Hay’adaha sameeyo Suuqa

  • BlackRock’s iShares ETH ETF waxay heshay $70M maalgelin cusub 24h ee la soo dhaafay.
  • Fidelity Digital Assets waxay bilaabeen adeeg cusub oo suuq-geyn ku saleysan AI si ay u soo jiitaan maalgeliyeyaal waaweyn.
  • VanEck waxay caddeeyeen in ay bilaabi doonaan ETF cusub oo ku saleysan altcoins.
  • Grayscale waxay gudbisay codsi cusub oo ETHE (Ethereum Trust) looga dhigo ETF buuxa.

4. 🐋 Maalgashiga Whales saamaynta Ku leh Suuqa Crypto

  • Whale wayn ayaa iibsaday 800 BTC suuqa, taasoo sare u qaaday qiimaha BTC.
  • Waxaa la arkay in whale cusub uu iibsaday 50M USDT si uu u sugo wax iibsasho ETH ah.
  • Qaar ka mid ah whales ayaa bilaabay inay u wareegaan altcoins sida LINK iyo ARB.
  • Whale hore u haystay XRP ayaa bilaabay inuu u beddelo SOL iyo MATIC.
  • Xogaha on-chain la arkay waxay muujinaysaa in whales ay bilaabeen wax iibsi ballaaran oo L2 tokens ah.

5. 🚀 Mashaariicda Horumarka Ku Jira (Developing Projects)

  • Islamic Coin (ISLM) oo ku dhisan Haqq Blockchain, teamka ka dambeeyo waxay shaaciyeen in Layer 2 cusub oo la yiraahdo “Haqq Ethiq” la bilaabi doono, si mashruuca xariir ula yeesho Ethereum Blockchain.
  • ZKSync waxuu furaya version cusub oo u oggolaanaya smart contract rollback.
  • Monad ayaa qabsatay $10M maalgelin cusub oo loogu talagalay horumarka L1.
  • Worldcoin waxay bilaabay barnaamij cusub oo diiwaangelin ah oo lagu horumarinayo amniga iyo sumcadda dadweynaha.

6. 🔗 Tiknoolajiyadda Blockchain

  • Polygon Labs waxay shaacisay isbeddel cusub oo lagu sameeyay zkEVM architecture.
  • Avalanche ayaa kordhisay isdhexgalka ee la samayso Chainlink si loo hagaajiyo oracle-ka xogta.
  • Filecoin waxay keentay xal cusub oo decentralized storage ah oo loogu talagalay sawirrada AI.

7. 🤖 AI & Web 3.0

  • OpenAI waxay bilaabday barnaamij tijaabo ah oo GPT-ku maamulo Web3 assistant decentralized ah.
  • Ocean Protocols waxay shaaciyeen mashruuc cusub oo AI-data marketplace ah.
  • Fetch.AI waxay iskaashi la gashay Bosch si loo helo AI ecosystem decentralized ah.
  • SingularityNET ayaa bixinaya API-yo cusub oo AI-based ah si loogu isticmaalo NFT art creation.
  • Near Protocol waxay waddaa dhameystirka mashruuc AI+Blockchain ah oo loogu magac daray “NearBrain”.

8. 🎨 NFTs & 💸 DeFi

  • Suuqa Blur waxuu bixinayaa airdrops oo loogu talagalay in la siiyo NFT traders-ka.
  • Suuqa OpenSea waxay xireen in ka badan 1000 NFT listings oo lagu tuhunsan yahay inay Scam yihiin
  • Uniswap waxay shaaciyeen qorshe lagu keenayo NFT lending gudaha UniswapX.
  • Madasha Pudgy Penguins waxay ku dhawaaqday partnership weyn oo lala galay Amazon si loo suuq-geeyo NFTs dhab ah.

Halkaan ka baro Cryptocurrency

Leave a comment