Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain
📈 1. Xaalada guud ee Suuqa
- Qiimaha Guud ee Suuqa (Market Cap): Wuxuu marayaa maanta ku dhowaad $3.27 trillion waxuu hoos u dhacay 0.38% halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso $98.13 Billion.
- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Ccoinka Bitcoin awood dhan 65% halka Altcoins ay haystaan awood dhan 35%

Xigasho: CoinmarketCap
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 22% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga filaayo ay aad u dhacsanatay.
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu sheegayaain suuqa 49% yahay taasoo ku tusinaysa mid dhexe, kalsoonida maalgashiyaasha uu yahay (Neutral).
- Bitcoin waxay hoos u dhacday ku dhawaad 0.8%, isagoo gaaray ~$106,694, Waxaa la filayaa inuu dib kor ugu kaco sababtoo ah doollarka oo daciifay, maalgelinta ETF-yada Bitcoin-ka, iyo sharci-dejin oo la helay
- Qiimaha ETH waxuu sare u kacay -0.43% taasoo ka dhigan inuu gaaray $2,430
- XRP: waxuu hoos u dhacay -3.42% taasoo ka dhigan inuu gaaray qiimo dhan $2.8
🏛️ 2. Sharciyada & Xeerarka Suuqa
- Sharciga GENIUS ee Stablecoin – Senate-ka Maraykanka ayaa ansixiyay sharci lagu xakameynayo lacagaha stablecoins-ka, isagoo xoojinaya xisaab xirka, keyd buuxa, iyo ilaalinta macaamiisha.
- Hay’adda FATF ayaa sheegtay in kaliya 40 dal ay la yimaadeen heerarka lagama maarmaanka ah ee la xiriira crypto. Waxaa la ogaaday in $51B laga isticmaalay stablecoins si sharci-darro ah 2024.
- Gobolka Texas waxuu saxiixay sharciga SB 21 oo dhigaya in gobolka yeesho kayd rasmi ah oo Bitcoin ah – wuxuuna noqonayaa gobolka saddexaad ee sidaas yeela.
- Shirkado badan ayaa bilaabay inay u beddelaan hantidooda lacageed BTC. Tani waxay keenaysaa horumar suuqa crypto
📊 3. ETF-yada & Maalgashiga hay ‘adaha Suuqa.
- Spot Bitcoin ETF-ga shirkada IBIT wuxuu helay $164M maalinta Khamiista ahayd oo keliya, Tani waxay caddeyn u tahay in maalgeliyeyaasha waaweyn (institutional investors) ay wali ku kalsoon yihiin BTC in kastoo uu suuqu hoos u dhacay toddobaadkan.
- ETH ETFs – Waxaa laga dareemayaa xoogaa lacag bixin ah oo laga saaraayo, iyadoo suuqa ETH u muuqdo mid aan degganayn.
- Waxaa la saadaalinayaa in haddii BTC hoos ugu dhaco ~$100K, ETF-yadani ay bilaabi doonaan in ay si buuxda u iibsadaan si kor loogu celiyo qiimaha qiimaheeda.
🚀 4. Mashaariicda hormarka ku socda ee suuqa.
- Mashruucyada ku shaqeeya AI-ga ee ku dhisan blockchain ayaa gaaray 4.5 milyan wallet oo firfircoon, taas oo ka dhigaysa 19% dhammaan isticmaaleyaasha dApp.
- Tokens cusub sida $HYPER ayaa imanaya kuwaas oo leh isdhexgal la leh Solana Virtual Machine.
🐋 5. Dhaq-dhaqaaqa Whales-ka
- Waxaa jira maalgelin badan oo whales ku sameynayaan presale-ka tokens (mashruucyada cusub) sida Wall Street Pepe iyo Snorter Tokens.
🔗 6. Blockchain Technology
- Tirada dApps (decentralized applications) ee isku dara blockchain + AI ayaa si xawli ah u korortay. Waxaa la sheegay in bishii Juun 2025, 4.5 milyan wallets ay si firfircoon u isticmaaleen AI-powered dApps – taasoo ka dhigaysa ku dhawaad 20% dhammaan dApps-yada la isticmaalo maantan Tusaale: Gensyn, Fetch.AI, iyo Numerai waa mashaariic hormuud u ah isku darka AI & blockchain.
🤖 🌐 7. Ai & Web 3.0
- Madaxda (Macron & Modi) waxay ka wada hadleen InvestAI – mashruuc €200 bilyan ku baxaayo, iyo hay’ad cusub oo la yiraahdo Current AI ay $400 milyan bixisay.
- Waxaa la saxiixay sharci caalami ah ee 58 wadan ku jiraan oo ku saabsan “Ai –isticmaalkiisa
- Web3 iyo AI waxay ka soo muuqdeen liisaska muhiimka ah ee Forbes iyo CoinMarketCap
🎨 8. NFT & Defi
- Suuqa NFT-ga waxuu hoos u dhacay ilaa $102 milyan intii u dhaxaysay 26 Maajo – 1 Juun, iyadoo uu hoos u dhacay 20%.
- OpenSea ayaa markale hogaamineysa Suuqa NFTs, OpenSea waxay la wareegtay 70% suuqa NFT-ga iyadoo isticmaaleysa OS2—platform cusub oo taageera 19 blockchains.
- DeFi TVL guud ahaan wuxuu gaaray $124.6 bilyan; waxuu kor dhay 43%
Halkaan ka baro Coursada crypto luqadaada Hooyo