">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira cryptoblockchain, Defi, Cefi, NFT, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka

halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dowladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bankiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto

1. 📈 xaalada guud ee Suuqa

  • Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $2.29 Trillion, waxuuna kor u kacay 1.47%
  • Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey Neutral (51) aysan jiran cabsi xoogan iyo damac sare waxuuna is badeli karaa daqiiqad kasta
  • Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaaray $95,112, koror dhan 0.12% ayuu sameeyay maanta.
  • Ethereum (ETH): Waxaa (whales) ka iibsadeen qiimo dhan $110 milyan, taasoo suurtogal ah inay sare u qaaddo qiimaha ETH ilaa $2,000, waxuuna hada marayaa qiimihiisa ee suuqyada lagu kala iibsanaayo $1,813
  • XRP: Waxaa kordhay qiimahiisa qiyaastii 7% kadib markii SEC ay ansixisay ETF futures loogu tala galay XRP. Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiima XRP $2.32
  • Monero (XMR): Waxaa sare u kacay qiimihiisu 40%, iyadoo mugga ganacsigu (volume) dhex martay $220 milyan 24 saac u dambeysay
  • Dogecoin (DOGE): Waxaa jirta su’aal ku saabsan inuu gaari doono qiimo dhan $0.65 iyadoo hadda uu jiro hoos u dhac Coinka, waxaana hadda suuqyada lagu kala iibsanayaa $0.1816
  • Solana: Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta sameyay kor u kac 2.98% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $152. 75

2. 🏛️ Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa

  • Mareykanka Hay’ada (SEC): Guddoomiyaha cusub ee SEC, Paul Atkins, wuxuu balan qaaday inuu si cad u qeexayo xeerarka cusub ee la doonaayo in crypto loo sameeyo si loo horumariyo suuqa.
  • Ghana: Bankiga dhexe ee Ghana wuxuu qorsheynayaa inuu bilaabo nidaaminta lacagaha cryptocurrency bisha Sebtembar 2025.
  • Shiinaha: Madaxweyne Xi wuxuu xaqiijiyay in aysan jirin wada-xaajood ganacsi oo dhowaan dhacay kaasoo ka dhaxeeyo Mareykanka iyo Shiinaha, taasoo saameyn karta suuqa maaliyada gaar ahaan Crypto.
  • Nexo: Shirkadda Nexo waxay sheegtay inay dib ugu laabaneyso suuqa Mareykanka kadib heshiis ay la gashay hay’adaha sharci dejinta.

3. 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashiyaasha Whale Investment)

  • Ethereum & Bitcoin: Maalqabeeno ‘whales’ ayaa si toos ah uga iibsatay 30,000 ETH iyo 600 BTC shirkadda OTC ee Wintermute.
  • $TRUMP Token: Whale ayaa ku ku qiyaasay inuu qiimo dhaco sameynaayo ($1.33 milyan USDC) isagoo short ku sameeyay token-ka $TRUMP, taasoo dhalisay isbedel xoog leh.

4. 🚀 Mashruucyada Horumarinta ku socdo ee Crypto

  • Tether & Holepunch: Waxay sameynayaan barnaamijyo cusub oo AI iyo isgaarsiin loogu tala galay deegaanada leh xadidaad xagga internet-ka ah.
  • BTSE Hackathon: Waxaa Dubai ka bilaabmaya tartan (hackathon) si loo dhiirrigeliyo hal-abuurka fintech iyo blockchain.
  • AI Tokens (FET, AGIX): Token-yada la xiriira Artificial intelligence ayaa sare u kacaya iyadoo dad badan ay daneynayaan mashruucyada ku dhisan Ai

5. 📊 ETFs iyo Maalgashi Hay’ado Suuqa saameeyo

  • Grayscale: Waxay SEC ka codsadeen inay u oggolaato in ETH ETFs la sameeyo oo ay soo saarto faa’iidooyin dheeraad ah sida (staking).
  • ProShares XRP ETF: SEC waxay ogolaatay ProShares inay bilowdo ETF futures XRP bisha April 30, 2025.
  • Franklin Templeton: SEC ayaa dib u dhigtay go’aanka ETF Index cusub ilaa horaanta 2026.
  • Suuqa ETFs: Warbixintu waxay saadaalineysaa in qiimaha guud ee ETFs crypto gaari doono $450 bilyan sanadka 2025 dhamaadkiisa

6. 📈 Saadaasha Suuqa

  • Warbixinta Bernstein: Waxay saadaalinaysaa in suuqyada crypto ETFs ay gaari doonaan $450 bilyan,
  • Coinka Bitcoin-na laga yaabo inuu gaaro $150,000 sanadkaan gudihiisa 2025.
  • Falanqaynta Bloomberg: Waxay rajeynaysaa kororka ETFs-ka crypto ee 2025, oo ay ka mid yihiin Litecoin, Hedera, XRP, ETH iyo Solana.

Ka baro coursada Crpto halkaan Bilaaw ilaa dhamaad: https://gellebashir.com/courses/barashada-cryptocurrency

Leave a comment