Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin waliba dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dhaqaalaha caalamka iyo crypto, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerarka cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen, la qabsiga crypto ee bangiyada, mashruucyada cusub ee Crypto iyo waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain
📈 1. Xaalada guud ee Suuqa
- Qiimaha Guud ee Suuqa (Market Cap): Wuxuu marayaa maanta ku dhowaad $3.33T trillion waxuu sare u kacay 0.73% halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso $87.82 Billion.
- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta coinka Bitcoin awood dhan 64.6% halka Altcoins ay haystaan awood dhan 34.4%

- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 24% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga filaayo uu yahay mid hoos u dhacaya.
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu sheegayaa in suuqa 51% yahay taasoo ku tusinaysa mid dhexe, kalsoonida maalgashiyaasha uu yahay mid (Neutral) ah.
Xaalada 10-ka lacagood ee Suuqa Crypto ugu sareeya

- Bitcoin: Qiimihiisa wuxuu haatan maraya $108,082, waxuuna hoos u dhacay 0.85%
- Ethereum: Qiimaha ETH waxuu hadda joogaa $2,514, waxuuna hoos u dhacay 1.45% 24 saac u dambeysay
- USDT: waa Stablecoin ay ka dambeyso shirkada Tether, waxuuna ku jiraa kaalinta 3aad kala horaynta lacagaha crypto waxuu fdududeyaa in la isku bedesho Fiat currency iyo Cryptocurrency, waxaa soo gashay manta hanti Volume dhan 54 billyan
- Ripple: Qiimaha XRP waxuu marayaa $2.22, waxuuna hoos u dhacay 0.79%, 24 saac u dambeysay
- BNB: waa Coin ay lee dahay shirkada BInance, waxuu qiimihiisa haatan marayaa $655.36 waxuuna sare u kacay 1.36% isbuucii u dambeyay
- Solana: Qiimaha SOL waxuu hadda suuqyada ka joogaa $148.09, iyadoo uu hoos u dhacay 1.45%.
- USDC: waa Stablecoin kale k u jiro kaalinta 7aad ee suuqa, waxaana iska leh shirkada Circle, qiimihiisa isma bedelo waa $1 mar waliba, maanta waxaa soo gashay Volume dhan 6 billion.
- TRON: Qiimaha Trx waxuu haatan marayaa 0.2841 waxuuna sare u kacay 2.94% toddobaadkii u dambeyay
- Dogecoin: Qiimaha DOGE wuxuu hadda joogaa $0.1638, iyadoo uu kor u kacay 1.84%
- Cardano: Qiimaha Ada waxuu suuqyada ka marayaa halkii xabo $0.57, waxuuna hos u dhacay 1.30%
2️. 🏛️ Xeerarka & Siyaasada suuqa
- Madaxweyn maraykanaka Trump waxuu saxiixay sharciga cusub ee lagu magacaabo “One Big Beautiful Bill” – OBBB kaasoo cadeynaayo in hoos loo dhigo canshuuraha laga qaado shaqsiyaadka iyo ganacsiyada.
- Aqalka Senatka maraykan waa uu qabanayaa 9-bisha, dhageysi muhiim ah waxaana lagu marti qaaday Brad Garlinghouse oo madax ka ah Ripple, si loo cadeeyo farqiga u dhexeeya “securities” iyo “commodities” marka laga hadlayo digital assets—arrintani waxay saameyn ku yeelan doontaa suuqyada crypto
- Aqalka Wakiiladu maraykan wuxuu shaaciyey toddobaad yada soo socoto in la ansaxin doono saddex shuruuc oo muhiim u ah suuqa Crypto waxayna kala yihiin sharuucdaas CLARITY Act, Anti-CBDC Surveillance State Act, iyo GENIUS Act
- Shirkadaha Ripple iyo Circle waxay codsadeen national trust bank si ay uga qayb qaataan nidaamka bangiyada federaalka, iyagoo doonaya inay helaan Master Accounts iyo ruqsada Federal Reserve- FED.
- MiCA (Markets in Crypto-Assets): Waa sharci uu dajiyaya Midowga Yurub waxuuna dhaqan galay December 30, 2024, kuna wajahan in uu bixiyo qaab sharci oo dhammeystiran oo lagu maamulo crypto qeybaha EU.
- Dowlada New Zealand waxay crypto ku qeexday “hanti” (property), waxayna sharciyeesay 2018, iyadoo dowladda dooneysa in lagu hagaajiyo nidaamka canshuuraha .
3️. 📈 ETFs & Maalgashi Hay’adaha Suuqa
- ETF Solana waxaa markii ugu horreysay laga bilaabay suuqa Cboe, kaasoo siinaya fursad SOL iyo staking (soo celin ~7.3%), inkasta oo kharashkiisu yahay 1.4% sanadkii.
- ETH ETFs waxay heleen ~$1.5 bilyan bishii hore; halka bishaan horaanteeda ay soo gashay $1.2 bilyan.
- BlackRock waxay qorsheyneysaa in ay soo kordhiso ETFs cusub oo ah BTC/ETH, iyo inay bilaawdo sanduuq lagu keediyo tokena-ka ah oo la yiraahdo “BUIDL” kuna fadhiyo qiimo dhan $3 bilyan.
4️. 🐋 Maalgashiga Whales saamaynta ku leh suuqa
- Whales ayaa ku kordhiyay keydka Coinka ETH waxay haayaan ~1.49 milyan ETH (+3.7%) tan iyo bishii la soo dhaafay.
- Maalqabe u kaydsanaa Coinka Bitcoin 14 sano ayaa iibiyay waxuuna helay lacaga dhan $8.6 bilyan
5️. 🚀 Mashaariicda Horumarka ku socdo ee suuqa
- Iib horudhac ah oo diiradda saaraya Solana ayaa la aruuriyay $1.5 milyan toddobaadkan—taasoo ay dhiirrigelisay ETF‑ka SOL.
- Shirkada DeFi Development Corp. waxay kordhisay haynta SOL waxaana u kaydsan $100 milyan—si ay u taageerto staking iyo validator nodes.
- Mashaariic cusub sida Bitcoin Solaris ayaa lagu iibsanayaa Presale.
6️. 🔗 Teknolojiyadda Blockchain
- Tokenization-ka hantida digital-ka waxay gaaray $24 bilyan, koror ah 380% tan iyo 2022—waxaa hirgeliyay shirkado sida Securitize.
7️. 🤖 AI & 🌐 Web 3.0
- Isticmaalka AI on-chain ayaa kor u kacay ~86% tan iyo January—dadka isticmaalaya AI‑powered dApps ayaa si xowli ah u kordhaya.
- Cilmi-baaris ayaa socota oo ku saabsan maamulka decentralized AI iyo qaabeynta tokens AI, inkasta oo qaar badan ay weli ku tiirsan yihiin off-chain data.
8️. 🎨 NFTs & 💸 DeFi
- Mashruuca Pudgy Penguins NFTs ayaa sare u kacay ~15.7%,
- Galaxy Digital oo ah madal ku shaqayso DeFi waxay heshay $175 milyan oo loogu talagalay DeFi tokens iyo stablecoins, inkasta oo ay jiraan culeysyo dhaqaale oo sababay in qaar iibiyaan hantidooda.
Halkaan ka baro Coursada Crypto bilaaw ilaa dhamaad