Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin waliba dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dhaqaalaha caalamka iyo crypto, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerarka cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen, la qabsiga crypto ee bangiyada, mashruucyada cusub ee Crypto iyo waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain
📈 1. Xaalada guud ee Suuqa
- Qiimaha Guud ee Suuqa (Market Cap): Wuxuu marayaa maanta ku dhowaad $3.37T trillion waxuu sare u kacay 0.23% halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso $71.19 Billion.
- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta coinka Bitcoin awood dhan 64.5% halka Altcoins ay haystaan awood dhan 34.5%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 27% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga filaayo uu yahay mid hoos u dhacaya.
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu sheegayaa in suuqa 50% yahay taasoo ku tusinaysa mid dhexe, kalsoonida maalgashiyaasha uu yahay mid (Neutral) ah.
Xaalada 10-ka lacagood ee ugu sareeyo suuqa Crypto

- Bitcoin: Qiimihiisa wuxuu haatan maraya $109,934, waxuuna sare u kacay 0.68%
- Ethereum: Qiimaha ETH waxuu hadda joogaa $2,562, waxuuna sare u kacay 1.74% 24 saac u dambeysay
- USDT: waa Stablecoin ay ka dambeyso shirkada Tether, waxuuna ku jiraa kaalinta 3aad kala horaynta lacagaha crypto waxuu fdududeyaa in la isku bedesho Fiat currency iyo Cryptocurrency, waxaa soo gashay manta hanti Volume dhan 41 billyan
- Ripple: Qiimaha XRP waxuu marayaa $2.27, waxuuna sare u kacay 2.21%, 24 saac u dambeysay
- BNB: waa Coin ay lee dahay shirkada BInance, waxuu qiimihiisa haatan marayaa $661.36 waxuuna sare u kacay 0.94% isbuucii u dambeyay
- Solana: Qiimaha SOL waxuu hadda suuqyada ka joogaa $151.09, iyadoo uu sare u kacay 2.35%.
- USDC: waa Stablecoin kale k u jiro kaalinta 7aad ee suuqa, waxaana iska leh shirkada Circle, qiimihiisa isma bedelo waa $1 mar waliba, maanta waxaa soo gashay Volume dhan 3 billion.
- TRON: Qiimaha Trx waxuu haatan marayaa $0.2847 waxuuna sare u kacay 0.19% toddobaadkii u dambeyay
- Dogecoin: Qiimaha DOGE wuxuu hadda joogaa $0.1699, iyadoo uu kor u kacay 3.79%
- Cardano: Qiimaha Ada waxuu suuqyada ka marayaa halkii xabo $0.58, waxuuna sare u kacay 1.46%
2. 🏛️ Xeerarka & Siyaasada suuqa
- Madaxa Aptos ayaa ku biiray guddiga CFTC, tani waxay muujinaysaa in la tixgelinayo crypto
- Ripple waxay raadineysaa shatiga bangiga qaran si uu u meel maro stable coin-keeda RLUSD si sharciyeysan.
- Waxaa heshiis wada galay kooxda ka dambeyso TON Blockchain iyo Dowladda Imaaraadka waxaana hadda la bilaabayaa in la siiyo VISA10 sano ah dadka haysta TON ee sameeya staking
- Amarkii madaxweynaha maraykan ee Trum oo dhaqan galay March 6-dayda wuxuu dhigayay in Bitcoin uu noqdo hanti qaran—dowladda Mareykanka waxay haysataa ~200k BTC
3. 📈 ETFs & Maalgashi Hay’adeed ee suuqa
- ETF cusub oo Solana staking ah (SSK) ayaa bilaabmay, isagoo bixinaya dakhli 7.3%
- Grayscale waxuu soo jeediyaya ETF cusub kaasoo la ansixiyay.
- Robinhood waxay bilowday adeegyo cusub sida staking, futures, iyo ETF tokens taasoo kor u qaaday saamiyada shirkadda.
- Circle iyo Liquifi waxay la shaqeynayaan Coinbase si ay u bilaabaan nidaam sharciyeysan oo token-issuance ah.
4. 🐋 Maalgashiga Whales saamaynta ku leh suuqa
- Malgashadayaasha waaweyn waxay bilaabeen aruursiga Coin-ka ETH maal-maihii u dambeyay.
- Plattfor-mka BlockDAG oo laga dhex iibsadocoins-ka ku jiro Presale ayaa kordhiyay qiimaha XRP ilaa 16%.
- Dhaqdhaqaaqyada whales-ka waxay saameyn weyn ku leeyihiin dareenka suuqa iyo go’aanada retail-traders-ka
5.🚀 Mashaariicda Soo Kordhaya
- Block3 AI oo ah Gaming token ayaa bilaawday presale-kiisa waxuuna sameyay korar dhan 312%.
- Madasha Blackcats Universe waxay urursatay $3M si ay u horumariso GameFi, NFTs & AI
- Madasha Circuit waxay soo bandhigtay qaab lagu hortagi karo luminta hantida crypto.
6. 🔗 Teknolojiyadda Blockchain
- Shabakadda Somnia, oo horumarisa Improbable, ayaa hadda tijaabo ku socota waxaa la rajeynayaa in ay aqbasho 400,000+ TPS + oo xariir la leh Ethereum-compatible
- Canton Network waxay isku xireysaa bangiyada iyo hey’adaha kale ee maaliyadeed—iyadoo adeegsanaysa “network-of-networks” iyo private ledger si ay u fududaato in si caalami ah wax la isku diro qaab deg deg ah
7. 🤖 AI & Web 3.0 🌐
- Bitcoin Hyper wuxuu soo saaray tool cusub oo isku xiraya AI iyo Web3.
- Daraasad la helay waxay muujinaysaa in ay kor u kacday 10 ilaa 15% isticmaalka Ai ee la xariirto cryptos gaar ahaan Saameynta ChatGPTuu ku leeyahay suuqyada maaliyada
- Madasha Blackcats Universe waxay horumarinaysaa barnamijyada Web3 iyo AI
8. 🎨 NFTs & 💸 DeFi
- CertiK oo ah madaal loo adeegsado in lagu baaro scammers iyo hackers suuqa crypto waxay sheegtay in Q1 2025 lagu waayay $2.5B lacag crypto ah.
- Wallet extension been abuur ah oo loo adeegsaday browser-ka Firefox waxaa lagu dhacay 40 NFTs
- Aas aasaha ethereum Blockchain Vitalik wuxuu ku celiyay muhiimadda ay leedahay DeFi si maaliyada ay u noqoto mid madax banaan.
- Circuit Recovery Engine waa madal bixisaa adeeg dib-u-soo celin ee DeFi & wallets.
Halkaan ka baro Coursada crypto bilaaw ilaa dhamaad