">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchainDefiCefiNFTAI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.

πŸ“ˆ 1. xaalada guud ee Suuqa

Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.31 Tirilyan, waxuuna hoos u dhacay 2.40%

Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey Neutral (69), Tani waxay tilmaamaysaa in uu jiro damac ama rabitaan iibsi oo aad u sarreeya waxuuna is badeli karaa daqiiqad kasta.

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaaray $$103,450, hoos u dhac ah 1.26% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 2.06% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $2,576.

XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 3.92%Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.39.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 5.01% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $171.34.

πŸ› 2. Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasadda Suuqa

  1. SEC waxay qorsheyneysaa inay soo saarto xeerar cusub oo ku saabsan crypto tokens.
  2. Kevin O’Leary wuxuu sheegay hadii la sameeyo xeerar wanaagsan oo crypto ah ay soo jiidan doonaan maalgashadeyaal waaweyn.

πŸ‹ 3. Dhaq-dhaqaaqa Maalgashadeyaasha

  1. Mubadala waxay haysataa 8.7 milyan oo saami ah oo BlackRock Bitcoin ETF ah – qiimo dhan $408.5 milyan.
  2. World Liberty Financial waxay iibsatay 3.64 milyan EOS oo ku kacday $3 milyan USDT.

πŸš€ 4. Mashruucyada Horumarinta ku Socdo ee Crypto

  1. MetaMask maamulaheeda ayaa xaqiijiyey in ay taageeri doonaan native $SOL ah bishan May. Tani waxay la micno tahay dadka isticmaala Wallet ka MetaMask ay awoodi doonaan in ay si toos ah ay token-ka SOL oga dhex isticmaalaan karaan Metamask halka hada kaliyah ay awoodi karaan Ethereum.
  2. BlackRock waxay bilowday sBUIDL – isdhexgal DeFi ah oo toos ah oo ku yaal Avalanche.

πŸ“Š 5. ETFs iyo Maalgashi Hay’ado Suuqa Saameeyo

  1. BlackRock’s IBIT ETF wuxuu gaaray $64.697 bilyan – wuxuuna dhaafay ETF-yada dahabka.
  2. MΓ©liuz waxay noqotay shirkaddii ugu horreysay Brazil ah oo Bitcoin u qaadata hanti kayd rasmi ah.

πŸ”— 6. Teknooloojiyadda Blockchain

  1. JP Morgan waxay adeegsaneysaa Chainlink iyo Ondo Finance si ay u hormariso tokenized finance.
  2. Pharos Network waxay daahfurtay testnet cusub oo loogu talagalay RWAs (real-world assets).

πŸ€– 7. Intelligence-AI

  1. Tether AI waxay soo saartay madal furan oo AI ah oo la xiriirta crypto.
  2. QVAC Translate waxay bilowday turjumaad AI ah oo amniga iyo gaar ahaanshaha kor u qaadaysa.

🌐 8. Web3

  1. Vaultro Finance waxay soo bandhigtay dashboard decentralized ah oo XRP Ledger ku saleysan.
  2. CoinGecko waxay bilowday adeeg is-xayeysiin ah (Self-Serve Ads Platform) oo loogu talagalay mashruucyada crypto Web3 ah.

🌍 Safarka Madaxweyne Trump ee Bariga Dhexe

Madaxweyne Donald Trump ayaa safar rasmi ah ku tagay Imaaraadka Carabta (UAE), Qatar, iyo Sacuudi Carabiya, isagoo la kulmay madaxda dalalkaas.

  • Qatar: Trump wuxuu gaaray Doha 14-ka May, halkaasoo uu la kulmay Emir Tamim bin Hamad Al Thani. Waxaa la saxiixay heshiisyo ay ka mid yihiin iibsashada ilaa 210 diyaaradood oo Boeing ah iyo maalgashi $10 bilyan ah oo lagu sameynayo saldhigga ciidamada Mareykanka ee Al Udeid.
  • UAE: 15-ka May, Trump wuxuu gaaray Abu Dhabi, halkaasoo uu la kulmay Madaxweyne Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan. Waxaa la saxiixay heshiisyo ay ka mid yihiin maalgashi $1.4 tirilyan ah oo lagu horumarinayo AI iyo dhismaha xarunta xogta ugu weyn ee AI ee ka baxsan Mareykanka.

UAE AYAA KU MAALGELIN DOONTA $1.4 TRILYAN DALKA MAREYKANKA 10-KA SANO EE SOO SOCDA.

  • Sacuudi Carabiya: Trump wuxuu sidoo kale booqday Sacuudi Carabiya, halkaasoo uu la kulmay Dhaxal-sugaha Mohammed bin Salman. Waxaa la saxiixay heshiisyo ay ka mid yihiin maalgashi $2 tirilyan ah oo lagu sameynayo Mareykanka.

Safarkan ayaa lagu tilmaamay mid xoojinaya xiriirka Mareykanka iyo dalalka Khaliijka, iyadoo la saxiixay heshiisyo ganacsi iyo maalgashi oo baaxad leh.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

Leave a comment