Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.
📈 Xaaladda Guud ee Suuqa
Qiimaha guud ee suuqa crypto maanta waxa uu marayaa $3.29 Tirilyan, taasoo muujinaysa koror aad u sareeya.
- Fear and Greed Index: Waa 70, taasoo muujinaysa in suuqu ku jiro xaalad Greed – kalsooni badan oo sareysa ayaa jirta.
- Altcoin Season Index: Waxaa marayaa 38, taasoo tusinaysa in weli aysan si rasmi ah u bilaaban altcoin season-ka.
- Bitcoin (BTC): Qiimihiisu hadda waa $103,600, koror weyn kadib markii uu shalay gaaray $100,000.
- Ethereum (ETH): Qiimaha ETH ayaa gaaray $2,370, isagoo si joogto ah u sii kobcaya.
- XRP: Waxay kor u kacday 6.97% 24-kii saac ee la soo dhaafay, qiimaha hadda lagu kala iibsanaayo waa $2.34.
- Solana (SOL): Qiimaha SOL waa $166, taasoo ah koror 9.32% 24-kii saac ee la soo dhaafay.
🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasadda Suuqa
- Madaxweyne Trump ayaa heshiiska ganacsi ee la gali doona dal weyn, galabta 5:00 PM ayuu si rasmi ah u shaacin doona.
- Florida ayaa ansixisay sharci oggolaanaya isticmaalka crypto ee xafiisyada dowladda hoose, iyadoo diiradda lagu saaray xisaabaadka lacageed ee daahfurnaanta leh.
- California waxay soo bandhigtay hindise sharciyeed cusub oo lagu diiwaangelinayo dhammaan shirkadaha blockchain-ka ee gobolka.
- Bangiga Dhexe ee Kanada ayaa shaaciyay tijaabada CBDC cusub oo ay sheegayaan inay noqon karto mid horumar u horseedda la macaamilka lacagaha dhijitaalka ah.
🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashadeyaasha
- Tether ayaa markale daabacday 500 milyan USDT oo cusub oo lagu sameeyay shabakadda Ethereum.
- Maalgashade weyn ayaa faa’iidey lacag dhan $1.3 milyan, isagoo haysta 50x leverage ah BTC iyo 20x ETH.
- Qof horay uga qayb galay ICO-yadii hore ee Chainlink ayaa ku wareejiyay 1.2 milyan LINK wallet cusub, taasoo kor u qaaday shakiga suuqa.
🚀 Mashruucyada Horumarinta Ku Socdo ee Crypto
- Vitalik Buterin ayaa sheegay in la bilaabi doono Ethereum Data Availability Layer (D.A.L) bisha Juun, taasoo yareyn doonta qiimaha gas fee.
- Binance ayaa ku dhawaaqday mashruuc cusub oo la yiraahdo “GreenChain”, kaasoo diiradda saaraya is-bedbedelka cimilada iyo crypto-tada deegaanka u roon.
- Polygon ayaa shaacisay inay dhisayaan is-dhexgal cusub oo AI ah oo ku saleysan zk-EVM.
📊 ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha
- ETFs-yada Bitcoin waxa soo gashay $189.4 milyan, halka ETH ETFs ay laga saaray $16.9 milyan.
- Hay’adaha maaliyadeed sida BlackRock iyo Fidelity ayaa kordhiyay saamigooda Bitcoin ETFs iyadoo laga dareemayo koboc joogto ah.
🌐 Web 3.0 iyo Teknoolojiyadda
- Solana ayaa wali ah blockchain-ka ugu sarreeya dhinaca DEX Volume, iyadoo 24-kii saac ee la soo dhaafay lagu dhex wareejiyey lacag dhan $2.8 bilyan.
- Uniswap V4 ayaa bilaabtay tijaabada xalka “hooks” cusub ee la falgala smart contracts-ka kale si loo kordhiyo shaqeynta iyo la qabsiga codsiyada cusub.
- AI + Blockchain: Shirkad cusub oo lagu magacaabo NeuroWeb ayaa isku daraysa AI iyo Web3 si loo abuuro suuqyo hor leh oo ku saleysan xogta shakhsiga ah.
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo