Wararka Maanta Suuqa Kiribto 09-11-2025

Jacfar
By Jacfar

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.44 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 127.11 billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 31% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 24% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $91.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 9 billion.
  • Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $102,329.21
  • Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $3,495.89
  • Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $985.10
  • Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $2.28
  • Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $159.91.

📜 2. Xeerar-ka & Siyaasada Suuqa

- Advertisement -
  • Hay’adda Maaliyadda Japan (FSA) waxay diyaarinaysaa sharciyo cusub oo adag oo lagu maamulo amaahda crypto iyo IEO-yada dhammaadka 2025.
  • Mareykanka, warbixin cusub ayaa sheegtay in Bitcoin whales ay yareeyeen dhaqdhaqaaqa, taasoo muujineysa saameynta sharci dejinta waddanka U.S ee Kiribto.
  • Yurub waxay sii wadaysaa hirgelinta xeerka cusub ee MiCA, kaas oo nidaaminaya adeegyada iyo stablecoins.
  • Midowga Yurub wuxuu ku adkaynayaa in lacagaha la diro iyo kuwa la helo ee crypto lagu lifaaqo xogta diraha iyo helaha si loo kordhiyo hufnaanta.
  • Bangiyada waaweyn ayaa bilaabay inay ka horyimaadaan sharciyada cusub iyagoo doonaya inay saameyn ku yeeshaan sida loo nidaaminayo crypto.

💰 3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

  • Shirkadda Bitwise waxay dalbatay ETF cusub oo ku saabsan Dogecoin (DOGE), taas oo keeni karta qiimo koror haddii la oggolaado.
  • Shirkadaha haysta Bitcoin iyo Ethereum badan ayaa wajahaya khasaarooyin sababo la xiriira hoos-u-dhaca suuqa.
  • Inkasta oo qaar ka mid ah hay’adaha ay wali iibsadaan ETH, kuwa kale ayaa ka taxadaraya xaaladda dhaqaalaha.
  • Maalgashadayaasha qaar ayaa hadda diiradda saaraya presale-yada iyo mashruucyada hore, halkii ay ka geli lahaayeen suuqyada waaweyn.

🆕💰 4. Coins- ka Cusub ee Suuqa la filaayo in la keeno

  • Token cusub oo la yiraahdo Tapzi (TAPZI) ayaa soo jiidanaya maalgashadayaasha XRP whales, iyadoo diiradda lagu saarayo Web3 iyo NFT-yada.
  • Goobaha presale-yada sida BullZilla ayaa noqday meel ay dadku ka raadiyaan mashaariic qiimo leh.

🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeyo Suuqa

  • Whales-ka Bitcoin ee muddada dheer haystay ayaa bilaabay inay iibiyaan lacagtooda, iyadoo la sheegay in in ka badan $500 milyan la dhaqaajiyey.
  • Qaar ka mid ah dhaqdhaqaaqyadaas waxay noqon karaan wareejin gudaha ah, ma ahan iib dhab ah.
  • Qaar kale oo whales ah ayaa bilaabay inay iibsadaan Ethereum, iyadoo la sheegay in ay soo iibsadeen qiimo dhan $32 milyan.
  • Maalgashadayaasha yaryar (retail) wali waa ay ka maqan yihiin suuqa, taas oo khatar u ah haddii whales ay ka baxaan.
  • In ka badan $1 bilyan ayaa lagu waayay suuqa crypto maadaama leverage badan lagu qasaaray.

🚀 6. Mashaariicda Horumarka ku socdo ee Suuqa

  • Inkasta oo suuqa guud uu liito, haddana qaar ka mid ah tokens-ka la xiriira AI iyo DeFi waxay muujinayaan korar.
  • Mashruucyada cusub waxay xoogga saarayaan isticmaalka staking, iyo adeegyo dhab ah oo la taaban karo.
  • Si kastaba, xaaladda adag ee suuqa ayaa sababtay in mashruucyo badan ay dib u dhacaan, sidaas darteed xulashada saxda ahi aad bay muhiim u tahay.

🔗 7. Tignoolajiyada Blockchain

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99$12.99Get It Now
  • Horumarka blockchain-ka ayaa hoos u dhacay sababtoo ah xaaladda dhaqaalaha iyo maalgashiga oo yaraaday.
  • Layer-2 networks iyo protocols cusub ayaa la baarayaa si loo fahmo xawaaraha iyo kharashaadka isticmaalka.

🤖 8. AI & Web 3.0

  • Mashruucyada ku dhisan AI iyo Web3 ayaa noqday mowduucyo xiiso leh.
  • Sharciyada cusub ee caalamiga ah waxay saameynayaan sida loo sameeyo tokenomics iyo maamulka mashruucyada Web3.

🎨 9. NFT & DeFi

  • Suuqa DeFi ayaa hoos u sii dhacaya sababtoo ah dadka waxay bilaabayn inay lacagtooda kala baxaan.
  • Whales ayaa wareejinaya lacagaha stablecoins ee DeFi, taas oo muujineysa in ay maamulayaan khataraha suuqa.
  • NFT-yada hadda diiradda saaraya utility (adeegsiga dhab ah) sida staking iyo ciyaaro ayaa sii kordhaya.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article
Leave a Comment