Wararka Maanta Suuqa Kiribto 8-11-2025

Jacfar
By Jacfar

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.42 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 184.91 billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 27% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 25% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $137.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 15 billion.
  • Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $101,636.21
  • Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $3,331.89
  • Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $992.10
  • Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $2.25
  • Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $156.91.

📜 2. Xeerar-ka & Siyaasada Suuqa

- Advertisement -
  • Dalal badan ayaa adkaynaya shuruucda iyo rukhsadaha shirkadaha crypto-ga ee la macaamila dadweynaha.
  • Hong Kong iyo waddamo kale oo Aasiya ku yaala ayaa qaaday tallaabooyin ka dhan ah “influencers” iyo shirkado aan rukhsad haysan ee Crypto.
  • Mareykanka (SEC) wuxuu xoogga saaraya xeerarka la xiriira ilaalinta hantida iyo daahfurnaanta shirkadaha bixiya ETFs-ka.
  • Qaar ka mid ah dowladaha ayaa bilaabaya sanduuqyo maalgashi crypto ah si ay u soo jiitaan maalgeliyeyaal.
  • Go’aannada cusub ee SEC iyo maxkamadaha Maraykanka ayaa si weyn u saameeynaya qiimaha suuqa.

💰 3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

  • Shirkado waaweyn ayaa sii wada soo gudbinta codsiyada Spot ETFs — tani waa mid ka mid ah arrimaha ugu weyn ee saameeya qiimaha BTC.
  • Shirkadda 21Shares waxay tal-batay ETFs cusub (sida XRP ETF).
  • Wararka ku saabsan oggolaanshaha ETFs-ka ayaa ah kuwa la hadal haayo.

🆕💰 4. Coins- ka Cusub ee Suuqa la filaayo in la keeno

  • Stakefy 1SFY — Token cusub oo ku saleysan Solana, qiimihiisu ~$0.00048.
  • AI Judge Companion 2AJC — Token ku cusub BNB Chain, qiimo hoose oo presale ah.
  • SOPH — Token cusub waxaa la keenayaa Suuqa Binance “New Cryptocurrency”

🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeyo Suuqa

  • Dhaqdhaqaaqyo waaweyn ayaa ka socda jeebabka (Wallets) eBitcoin iyo altcoins.
  • Maalgashadayaasha waaweyn ayaa mararka qaar kordhiya iibsiga marka qiimuhu degan yahay.
  • Kahor wararka ETFs-ka, whales-ku waxay inta badan bilaabaan uruurin qarsoon.

🚀 6. Mashaariicda Horumarka ku socdo ee Suuqa

🔗 7. Tignoolajiyada Blockchain

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99$12.99Get It Now
  • Shirkado waaweyn ayaa tijaabinaya blockchain-yo gaar loo leeyahay si ay ugu adeegsadaan KYC, bixinta, iyo sahayda.
  • Waxaa soo baxay qalabyo cusub oo lagu hagaajinayo liquidity management iyo cross-chain messaging.
  • Tartamada iyo hackathon-nada (Ethereum, Solana) ayaa dhalinaya mashaariic cusub.

🤖 8. AI & Web 3.0

  • Waxaa la tijaabinayaa AI la fasiri karo (explainable AI) oo lagu darayo blockchain si loo kordhiyo daahfurnaanta.
  • Waxaa socda cilmi-baaris ku saabsan on-chain AI inference (lacag bixin token ah marka AI wax falanqeyso).
  • Teknoolojiyada cross-chain interoperability ayaa loo adeegsanayaa isku xidhka xogta AI.

🎨 9. NFT & DeFi

  • Suuqa NFT-ga hadda wuxuu xoogga saaraya NFT-yo leh adeegyo sida xubinnimo, aqoonsi dijitaal ah, ama AI-avatar.
  • DeFi lending iyo DEX trading volumes ayaa kordhay; waxaa la sameeyay pools cusub.
  • Halista weerarrada iyo xatooyada smart-contract-yada weli way jirtaa — audits waa lama huraan.
  • Waxaa soo baxaya NFT-yo loo adeegsado dammaanad (collateral) iyo NFT fractional ownership, taas oo fursado cusub furaysa.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article
Leave a Comment