Wararka Maanta: Crypto News in Somali

Gelle Bashir
  1. ✅ ETF Flow: Waxaa maanta la iibsaday 10,430 BTC iyo 24,580 ETH.
  • BTC ETFs waxaa maanta soo gashay $912.7M net inflow.
  • ETH ETFs waxaa maanta soo gashay $38.8M net inflow.
  1. 🔥 Bitcoin ayaa dhaaftay Google, waxayna noqatay hantida shanaad ee ugu weyn aduunka marka loo eego market cap ahaan.
  1. 👤 Paul Atkins, Guddoomiyaha cusub ee SEC, wuxuu ballan qaaday inuu dhisi doono xeer nidaamsan oo caddaalad ah sidoo kalana loogu talagalay hantida dhijitaalka ah.
  2. 🏛️ Madaxweyne Donald Trump wuxuu sheegay inuusan qorshaynayn in shaqada laga eryo Jerome Powell, isagoo u rajeeyay in uu dhiirado oo uu hoos u dhigo dulsaarka.
  3. ⚖️ Xeer-ilaaliyaha Oregon ayaa dacweynaya Coinbase, isagoo ku eedeeyay inay si sharci-darro ah u bixisay XRP oo uu ku tilmaamay “hanti aan diiwaan gashanayn.”
  4. 🇺🇸 Afhayeenka Aqalka Cad Karoline Leavitt ayaa sheegtay in Mareykanka uu si wanaagsan ugu socdo wadahadallada heshiis ganacsi ee lala leeyahay Shiinaha.
  5. 🇯🇵🇮🇳 Mareykanka wuxuu ku dhow yahay in uu la gaaro Japan iyo India heshiisyo looga hortagayo canshuuraha culus ee ganacsiga.
  6. 📈 Standard Chartered ayaa waxay saadaalisay in Bitcoin ay gaarayso $200,000 sanadka 2025, iyadoo sabab uga dhigaysa dalabka hay’adaha iyo socodka ETF-yada.
  7. 🌐 Janover waxay iibsatay 88,164 SOL oo qiimahoodu gaarayo $11.5M, taasoo qeyb ka ah istaraatiijiyadooda kaydka crypto-ga.
  8. 🇺🇸 Coinbase ayaa ka fiirsaneysa inay hesho ruqsad bangi federaal Mareykan ah, taasoo u oggolaan karta inay bixiso adeegyo bangi sida deebaajiyo iyo amaahyo (deposits and loans).
  9. Tether ayaa daabacday 1,000,000,000 oo USDT ah blockchain-ka Tron.

🧠 Fiiro Gaar Ah:
Suuqa crypto waa mid dhaqso isu bedbedbela — nala soco si aad u hesho warar, falanqeyn iyo aragtiyo muhiim ah oo aan kuu soo koobo si fudud oo fahamkeedu sahlan yahay.

© temp.gellecrypto.com/ – Wargayska ugu weyn ee crypto oo af-Soomaali ah!

#CryptoSomalia #BitcoinWarar #EthereumNews #CoinbaseSomali #WararkaCrypto #GelleCrypto

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article
Leave a Comment