10 Crypto Coins oo Isha Lagu Hayo Hadda

Gelle Bashir

10 Crypto Coins oo Hadda Isha Lagu Hayo

Suuqa Crypto wuxuu hadda marayaa xilli ay investors-ku aad uga taxaddarayaan. 16-ka Agoosto 2026, Total Crypto Market Cap-ku wuxuu ahaa qiyaastii $2.17 trillion, halka Fear & Greed Index-ku uu joogay 37/100 โ€” Fear.

Marka suuqu Fear ku jiro, coins badan ayaa laga yaabaa inay ku yimaadaan prices ka hooseeya kuwii hore. Laakiin price-ka oo hoos u dhacay keliya coin ka kama dhigto investment wanaagsan.

Kahor intaadan coin iibsan, waa inaad eegtaa:

  • Project-ku muxuu qabtaa?
  • Problem noocee ah ayuu xalliyaa?
  • Dad ma isticmaalaan?
  • Developers ma ka shaqeeyaan?
  • Token-ku utility ma leeyahay?
  • Market Cap-kiisu intee leโ€™eg yahay?
  • Token unlocks ma soo socdaan?
  • Maxay yihiin risks-ka project-ku?

Maqaalkan waxaan ku soo xulnay 10 Crypto coins oo ka kala socda Bitcoin, Layer 1, Artificial Intelligence, RWA iyo DeFi.

Coins-kan ma aha coins la hubo inay kor u kacayaan. Waa projects mudan in la barto oo baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo.

Ogeysiis: Prices-ka ku jira maqaalkan waxaa laga soo qaatay CoinMarketCap 16-ka Agoosto 2026, qiyaastii 10:05 subaxnimo waqtiga Brussels. Crypto prices-ku mar kasta way isbeddeli karaan.

1. Bitcoin (BTC)

Markii xogta la qaaday, Bitcoin wuxuu marayay $62,992, Market Cap-kiisuna wuxuu ahaa qiyaastii $1.26 trillion.

Bitcoin waa Crypto-ga ugu weyn uguna caansan suuqa. Tirada ugu badan ee Bitcoin la soo saari karo waa 21 million BTC, waxaana hadda la Mine-gareeyey in ka badan 20.07 million BTC.

Marka la gaaro 21 million, Bitcoin cusub oo intaas ka badan lama soo saari doono. Waxaa la kala iibsan doonaa Bitcoin-ta suuqa ku jirta.

Bitcoin wuxuu leeyahay supply xaddidan, liquidity sare iyo network muddo dheer shaqaynayay. Waxa kale oo kordhay Institutional adoption-ka iyo Spot Bitcoin ETFs.

- Available -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani โ˜… Daah-furnaan โ˜… Musuq-maasuq Laaโ€™aan. ๐Ÿš€ Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

Bitcoin.org waxay xaqiijinaysaa in supply-ga ugu badan ee Bitcoin uu yahay 21 million BTC.

Risk: Bitcoin weli si weyn ayuu kor iyo hoos ugu dhaqaaqi karaa. Interest rates, ETF flows, regulation iyo xaaladda dhaqaalaha caalamka ayaa saameyn kara price-kiisa.

2. Ethereum (ETH)

Ethereum wuxuu marayay $1,879, Market Cap-kiisuna wuxuu ahaa qiyaastii $226.79 billion.

Ethereum waa Blockchain ay developers-ku ku dhisaan Smart Contracts, DeFi platforms, Stablecoins, NFTs iyo Layer 2 networks.

ETH waxaa loo isticmaalaa in lagu bixiyo gas fees, lagu sameeyo staking, loona isticmaalo collateral gudaha DeFi.

Ethereum waxay isticmaashaa Proof of Stake. Validators-ku waxay ETH ku stake-gareeyaan network-ka si ay transactions-ka u xaqiijiyaan, network-kana u ilaaliyaan.

Ethereum.org ayaa sharxaysa sida Proof of Stake-ku u shaqeeyo.

Risk: Ethereum waxay la tartamaysaa Solana iyo Blockchains kale oo leh transactions degdeg ah iyo fees hoose. Smart Contract risks iyo gas fees ayaa sidoo kale jira.

3. Solana (SOL)

Solana wuxuu marayay $75.37, Market Cap-kiisuna wuxuu ahaa qiyaastii $43.92 billion.

Solana waa Layer 1 Blockchain leh transactions degdeg ah iyo fees hoose. Waxaa lagu dhisay DeFi platforms, payment applications, games, NFTs iyo Tokenized Assets.

Speed-ka iyo fees-ka hoose ayaa Solana ka dhigaya network ku habboon applications ay dad badan isticmaali karaan.

Solana waxay sheegaysaa in network-keeda loogu talagalay fast, secure iyo affordable transactions.

Risk: Solana waxay horey ula kulantay network outages. Qayb ka mid ah activity-ga network-ka ayaa sidoo kale ka timaadda Memecoins iyo speculative trading.

4. Hyperliquid (HYPE)

HYPE wuxuu marayay $57.36, Market Cap-kiisuna wuxuu ahaa qiyaastii $14.48 billion.

Hyperliquid waa onchain trading platform. Traders-ku waxay Crypto assets ku kala iibsan karaan iyagoo adeegsanaya Blockchain.

HYPE waa native token-ka network-ka, waxaana loo isticmaalaa governance iyo ilaalinta Hyperliquid.

Haddii traders badan ay ka guuraan Centralized Exchanges oo ay u wareegaan onchain trading, Hyperliquid wuxuu ka mid noqon karaa projects-ka arrintaas ka faaโ€™iideysta.

Hyper Foundation ayaa sharxaysa doorka HYPE ee network-ka.

Risk: Market Cap-ka HYPE durba waa weyn yahay. Haddii isticmaalka platform-ku uusan sii korin, valuation-ka sare wuxuu keeni karaa hoos-u-dhac. Regulation-ka Futures, token unlocks iyo competition-ka DEX-yada kale ayaa sidoo kale muhiim ah.

LINK wuxuu marayay $9.36, Market Cap-kiisuna wuxuu ahaa qiyaastii $7 billion.

Smart Contracts-ku iskood uma heli karaan xogta ka baxsan Blockchain-ka. Waxay u baahan yihiin Oracle keena xog sida Crypto prices, reserves iyo interest rates.

Chainlink wuxuu bixiyaa Oracle services iyo technology la yiraahdo CCIP, taas oo Blockchain networks kala duwan ka caawisa inay xog iyo assets isdhaafsadaan.

Chainlink wuxuu muhiim u noqon karaa DeFi, RWA, Stablecoins iyo Tokenized Assets.

Chainlink waxay sharxaysaa sida technology-geedu uga shaqayn karo suuqa Tokenized Assets.

Risk: Chainlink oo integrations badan hela macnaheedu si toos ah ma aha in LINK price-ku kordhayo. Waxaa muhiim ah in la fahmo sida isticmaalka network-ku demand ugu abuurayo LINK token-ka.

6. Bittensor (TAO)

TAO wuxuu marayay $196.01, Market Cap-kiisuna wuxuu ahaa qiyaastii $2.20 billion.

Bittensor waa network isku dara Artificial Intelligence iyo Blockchain.

Network-ku wuxuu leeyahay qaybo la yiraahdo Subnets. Subnets-ku waxay bixiyaan services kala duwan sida AI inference, computing, storage iyo prediction.

Dadka value ku soo kordhiya network-ka waxaa lagu abaalmariyaa TAO.

Bittensor documentation waxay sharxaysaa sida Miners, Validators, Subnets iyo Stakers-ku uga shaqeeyaan network-ka.

Bittensor wuxuu ka duwan yahay AI coins badan, sababtoo ah wuxuu leeyahay network ay developers-ku ku dhisayaan AI services.

Risk: Project-ku waa adag yahay, Subnets-kana dhammaantood isku tayo ma aha. AI hype, token emissions iyo speculation ayaa TAO ka dhigi kara coin volatility-giisu sarreeyo.

7. NEAR Protocol (NEAR)

NEAR wuxuu marayay $1.61, Market Cap-kiisuna wuxuu ahaa qiyaastii $2.10 billion.

NEAR waa Layer 1 Blockchain xoogga saaraya scalability, user experience iyo AI agents.

Network-ku wuxuu isticmaalaa Nightshade Sharding si uu shaqada ugu qaybiyo qaybo kala duwan, taas oo ka caawinaysa inuu qaado transactions badan.

NEAR waxay sidoo kale leedahay Chain Signatures. Technology-gan wuxuu u oggolaan karaa account ku jira NEAR inuu la falgalo Blockchains kale.

NEAR waxay sheegaysaa in network-keeda loo dhisayo consumer applications iyo AI agents.

Risk: Technology wanaagsan keliya project ma guuleysiiso. NEAR waxay u baahan tahay users, developers, applications iyo liquidity badan. Waxay sidoo kale la tartamaysaa Layer 1 networks badan.

8. Ondo (ONDO)

ONDO wuxuu marayay $0.3240, Market Cap-kiisuna wuxuu ahaa qiyaastii $1.57 billion.

Ondo wuxuu ka shaqeeyaa Real-World Assets, oo loo soo gaabiyo RWA.

RWA waa assets ka jira dunida dhabta ah sida U.S. Treasuries, Stocks iyo Funds oo Blockchain-ka lagu matalo.

Ondo wuxuu leeyahay products ay ka mid yihiin USDY, OUSG iyo Ondo Stocks. Markii xogta la hubiyay, Ondo Finance waxay muujinaysay $1.02 billion TVL iyo 440+ assets oo ku jiray Ondo Stocks.

Ondo wuxuu ka faaโ€™iideysan karaa haddii Tokenization-ka traditional financial assets-ku sii koro.

Risk: Ondo products-ka iyo ONDO token-ka isku mid ma aha. TVL-ka Ondo oo kordha si toos ah uma xaqiijinayo in ONDO price-ku kordhayo. Regulation iyo token unlocks ayaa iyaguna muhiim ah.

9. Aave (AAVE)

AAVE wuxuu marayay $85.96, Market Cap-kiisuna wuxuu ahaa qiyaastii $1.32 billion.

Aave waa DeFi platform lagu sameeyo lending iyo borrowing.

Users-ku waxay Crypto assets ku shubi karaan platform-ka si ay interest u helaan. Qofka doonaya inuu wax amaahdana wuxuu dhigtaa collateral.

AAVE token-ka waxaa loo isticmaalaa governance. Waxaa sidoo kale lagu stake-gareyn karaa Safety Module-ka.

Aave wuxuu ka mid yahay DeFi lending protocols-ka sida weyn loo isticmaalo.

Risk: Smart Contract exploit, bad debt, Oracle failure ama collateral prices oo si degdeg ah hoos ugu dhaca ayaa saameyn kara Aave. Platform-ka oo guuleysta sidoo kale si toos ah uma xaqiijinayo in AAVE price-ku kordhayo.

10. Render (RENDER)

RENDER wuxuu marayay $1.26, Market Cap-kiisuna wuxuu ahaa qiyaastii $654.55 million.

Render Network wuxuu isku xiraa dadka u baahan GPU power iyo dadka leh GPUs aan waqtigaas la isticmaalin.

GPU power-ka waxaa loo isticmaali karaa 3D rendering, animation, visual effects iyo Generative AI.

Render Network wuxuu isku tilmaamaa decentralized GPU rendering platform. Network-ku wuxuu taageeraa AI tools ay ka mid yihiin Stable Diffusion iyo Flux.

Haddii baahida loo qabo AI iyo GPU computing-ku sii korodho, Render wuxuu ka mid noqon karaa projects-ka arrintaas ka faaโ€™iideysta.

Risk: Render wuxuu la tartamayaa cloud computing companies iyo decentralized compute networks kale. Investor-ku waa inuu hubiyaa in isticmaalka network-ku dhab ahaan korayo, oo uusan price-ku ku socon AI hype keliya.

Gunaanad

10-kan coin waxay ka kala socdaan qaybo kala duwan oo suuqa Crypto-ga ah:

  • Bitcoin iyo Ethereum waa labada Crypto asset ee ugu waaweyn.
  • Solana iyo NEAR waa Layer 1 Blockchains.
  • Bittensor iyo Render waxay la xiriiraan AI iyo computing.
  • Ondo iyo Chainlink waxay ku shaqeeyaan RWA, data iyo Tokenization.
  • Aave iyo Hyperliquid waxay ka tirsan yihiin DeFi.

Laakiin coin ha iibsan adigoo eegaya price-kiisa oo keliya.

Coin price-kiisu yahay $0.30 macnaheedu ma aha inuu ka jaban yahay coin price-kiisu yahay $100. Waxaa muhiim ah in la eego Market Cap-ka, supply-ga, utility-ga iyo value-ga project-ka.

Kahor intaadan coin iibsan, samee baaritaankaaga gaarka ah, hubi token unlocks-ka, oo ha gelin suuqa lacag aadan awoodin inaad lumiso.

Baro Crypto Si Qoto Dheer

Haddii aad rabto inaad si fiican u fahanto Bitcoin, Blockchain, Altcoins iyo risk management, akhri buugga Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad.

Disclaimer

Maqaalkani waa xog-wadaag iyo waxbarasho oo keliya, mana aha Financial Advice. Suuqa Crypto wuxuu leeyahay khatar sare, waxaana dhici karta inaad lumiso qayb ama dhammaan lacagtaada. Samee baaritaankaaga gaarka ah (DYOR) ka hor intaadan samayn wax investment ah.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.comโ€ฆ.

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategiesโ€ฆ

Share This Article