Anthropic oo IPO-geeda ku iibisay saamiyo dhan $81 billion, balse net buying-ka maalgashadayaasha yaryar uu ka hooseeyay SpaceX

Gelle Bashir

20 Nofeembar 2026

Anthropic, shirkadda samaysay Claude, ayaa Khamiistii si rasmi ah uga bilowday suuqa saamiyada Nasdaq. Maalgashadayaasha yaryar, oo loo yaqaan retail investors, ayaa maalintii koowaad sameeyay iib iyo gadasho saamiyo oo gaarayay $772 million.

Si kastaba, markii lacagta saamiyada ay iibiyeen laga jaray lacagta ay wax ku iibsadeen, net buying-ku wuxuu ahaa $60 million. Taasi waxay ku dhowdahay kala bar $118 million ee SpaceX ay ka diiwaangelisay isla maalgashadayaashan maalintii ugu horreysay ee saamiyadeeda la iibsanayay bishii Juun.

Trading volume sare ma aha lacag cusub oo dhammaanteed suuqa soo gashay

Sida Yahoo Finance ay ka soo xigatay Vanda Research, $772 million ee Anthropic waxay ahayd trading volume-kii ugu sarreeyay ee retail investors ay sameeyaan maalinta koowaad ee shirkad suuqa soo gasho, marka la eego xogta Vanda ee soo bilaabatay 2012.

Anthropic waxay dhaaftay SpaceX, oo maalinteedii koowaad diiwaangelisay $669 million.

Laakiin trading volume iyo net buying isku macne ma aha. Trading volume wuxuu isku daraa qiimaha saamiyada la iibsaday iyo kuwa la iibiyay. Net buying-na wuxuu muujinayaa inta lacagta wax lagu iibsaday ay ka badan tahay lacagta iibka laga helay.

Sidaas darteed, $772 million waxay muujinaysaa dhaqdhaqaaq ganacsi oo badan. Ma aha in retail investors ay lacagtaas oo dhan ku kordhiyeen saamiyada Anthropic.

Saamiyada oo maalintii koowaad ku xirmay koror 17.1% ah

Anthropic iyo saamiley hore ayaa IPO-ga ku soo bandhigay 980 million oo saamiyo ah, iyadoo saamigiiba lagu qiimeeyay $83. Wadarta iibkaas waxay ahayd $81.34 billion.

Markii iibka iyo gadashada saamiyadu ka bilowdeen Nasdaq Khamiistii, saamigu wuxuu ku furmay $111.50, taas oo 34.3% ka sarreysay qiimihii IPO-ga.

- Available -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

Saamigu wuxuu maalinta ku xirmay $97.17, isagoo 17.1% ka sarreeya qiimihii IPO-ga, balse ka hooseeya qiimihii uu suuqa ku furmay.

Farqigaasi waa muhiim: kororka 17.1% waxaa laga cabbirayaa $83 ee IPO-ga. Qofkii saamiga ku iibsaday qiimihii furitaanka ee $111.50 ma uusan helin faa’iidadaas haddii uu haystay ilaa xiritaanka suuqa.

Sidoo kale, $81.34 billion waa wadarta saamiyada lagu iibiyay IPO-ga; ma aha qiimaha guud ee shirkadda lagu qiimeeyay.

Sidee ayay Anthropic ula barbar dhigantaa SpaceX?

SpaceX waxay suuqa saamiyada soo gashay 12-kii Juun, iyadoo saamigiiba IPO-ga lagu qiimeeyay $135. Maalintaas waxay ku xirmatay $160.95, taas oo ahayd koror 19.2% ah.

Iibka aasaasiga ah ee IPO-ga Anthropic wuxuu ka weynaa kii hore ee SpaceX ee $75 billion. Hase yeeshee, wadarta SpaceX waxay markii dambe gaartay $85.7 billion, kadib markii bangiyadii maamulayay IPO-gu isticmaaleen fursad ay ku iibsadaan saamiyo dheeraad ah.

Marka la eego trading volume-ka retail investors, Anthropic ayaa ka sarreysay SpaceX. Laakiin marka la eego net buying-ka, SpaceX ayaa ku dhowaad laba jibbaar ka badnayd Anthropic.

Net buying-ka oo ka hooseeyay saadaashii Vanda

Ka hor IPO-ga, Vanda Research waxay saadaalisay in net buying-ka retail investors ee Anthropic uu gaari karo qiyaastii $250 million.

Natiijadii Khamiista ee $60 million waxay ahayd wax ka yar rubuc saadaashaas.

Vanda waxay saadaasheeda ku salaysay dhaqdhaqaaqii retail investors ee IPO-yo hore iyo trading volume-ka Anthropic perpetual futures ee Hyperliquid.

Wax yar ka hor inta uusan iibka saamiyadu ka bilaaban Nasdaq, futures-kaas waxay ku ganacsanayeen $110.48. Qiimahaasi wuxuu qiyaastii 0.9% ka hooseeyay $111.50 ee saamigu ku furmay Nasdaq.

Taasi waxay muujinaysaa in qiimaha futures-ku uu aad ugu dhawaa qiimihii furitaanka, inkasta oo saadaashii net buying-ku ay si weyn uga sarreysay natiijadii maalinta koowaad.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article