Qaybtii-2aad
Qodobka 6aad.
Fully Diluted Market Cap, (FDV) waxa aad ku ogaanaysaa hantida guud ee lagu qiimeeyo project-ga ama uu ku fadhiyo hadii dhamaan miraha uu ka koobanyahey banaanka la geeno (Circulation Supply) si aad u ogaato waxaa adeegsanaysaa qaacidada ah: Max supply * Current price
Tusaale BTC: Maximum Supply-geedu waa 21 million
Current Price “qiimaha ay hada joogto halkii xabo 104k “laga yaabaa in ay is badashey!
Si aad u ogaato FDV: waxaad 21M * 104k = 2.19 trillion
Qodobka 7aad.
Total Supply, Waa Coins ka la helo karo uu mashruuca ka kooban yahey ama waa inta xabo ee suuqa taala, marka laga reebo circulation supply, waxayna iskugu jiri karaan inta u xeran teamka mashruuca ka dambeeyo iyo inta Circulation-ka ku jirto.
Waxaana lagu soo saaraa qaacidada ah; Total Supply=Max Supply−Burned Tokens
Tusaale Project X
Max Supply = 1,000,000 tokens
Burned Tokens ‘inta la gubay ama suuqa laga saaray” = 100,000 tokens
Total Supply= 1,000,000−100,000=900,000 tokens
Qodobka 8aad.
Circulation Supply, Waa inta coins ee suuqa ku jirto uu mashruuca ka koobanyahey ee lagu trade gareeyo, ama waa inta iibiyaha iyo iska iibiyaha ay heli karaan marka laga reebo kuwa locked iyo burned ka ah aan suuqa ku jiran ee Total Supply-ga oo ka koobanyahey.
Waxaana lagu ogaadaa qaacidada ah:
Circulating Supply=Total Supply− (Locked Tokens +Burned Tokens)
Tusaale: Project X
Total Supply-giisa guud waxa uu ahaa 1,000,000 Million
Locked Tokens, “Inata xeran oo aan suuqa ku jirin” 200,000 tokens
Burned Tokens, “inta la gubay ama suuqa laga saaray” 50,000 tokens
Circulating Supply=1,000,000−(200,000+ 50,000) =750,000 tokens
Qodobka 9aad.
Qodobkaan 9aad uma baahno si aad u ogaato inaad adeegsato qaacido kaliya waxaad ka fiirinaysaa mashruuca Crypto-ha 4 meel waxayna kala yihiin All time high & All time low, Issue date & Issue price.
All Time High and All Time Low, labadaan qodob waxa ay kala yihiin
“All Time High, Waa qiimaha ugu sareeye uu gaaro mashruucaas inta uu jiray”. Tusaale BTC: 111,970.16
“All Time Low, Waa qiimaha ugu hooseeye uu gaaray mashruucaas inta uu jiray” (Tusaale BTC: 0.0486.)
Issue date and Issue Price, labadaan qodobiyagana waxa ay kala yihiin
“Issue date, Waa xiliga mashruuca la soo daayay ama suuqyada lagu soo list gareeye” waxuuna maraa dhowr marxalado balse waa issue date waa marka ugu dambeysa uu mashruuca soo baxaayo white-paper kiisa iyo dhamaan sharaciyadiisa u dhamaystiranyihiin.
Tusaale Bitcoin waxay si official u soo baxday tariikda markii ay aheeed 9 January 2009”
“Issue Price, waa qiimaha ugu horeeye uu ku soo baxay mashruuca halkii mir ama Coin”
Tusaale BTC qiimaha ugu horeeye halkiiba xabo waxa uu ahaa $0.00099 (Jan,2009)
Qodobka 10aad.
Halal & Haram, Qodobkaan waa midka ugu muhiimsan dhamaan qodobyada 10-ka ah maadaama aan nahay dad Muslimiin ah waxaa waajib nagu ah in aan u shaqaysano wax xalaal ah oo qofka waxa uu faa’ido dhaqaalo ka sameeynaayo waa in uu iska fiiriyo xalaashiisa iyo xaaraantiisa.
Inaad ogaatid mashruuc inuu yahay Xalaal ama Xaaraan marka hore waa in aad aqoon u leedahay ama aad baratid sida ay u shaqayaan lacagaha Crypto iyo technologiyada Blockchain.
Hadii uu qofka leeyahey Aqoon Diini ah oo ku filan uuna helaayo fursad waxa wanaagsan in uu iska baaro mashruuca uu maalgashanaayo am ka trade gareenaayo.
Balse hadii uu jaanis haleenin ama ay yartahay aqoonta uu u leeyahey sharciga islaamka Waxaa jirto Culimo ka fadwooda suuqaan soona baaro cryptooyinka ku lug leh xalaasha iyo xaaraanta, waxa ayna leeyihiin websit iyo groupyo telegram, waxaana ka mid ah.
Crypto Halaal; telegram groub-kooda: https://t.me/cr_halal
Crypto Islam; telegram groub-kooda: https://t.me/CrypoIslam
halkaan ka aqriso qaybtii 1aad: https://gellecrypto.com/10-kaan-qodob-ka-fiiri-coin-walibo-inta-aan-maalgashan-ka-hor/
halkaan ka baro coursada Crypto