Bitcoin Warbixinta Todobaadlaha ah: Qiimaha Cusub, Go’aanka Fed, iyo Saadaasha Suuqa
Bitcoin waxay todobaadka u horreeya bisha May ay bilawday iyada oo isku dayaysa inay meel ay kor uga sii socoto (support)ka hesho qiimihii uu sanadku ku furtay, xilli uu soo socdo go’aan muhiim ah oo ka imanaya bangiga dhexe ee Mareykanka (Federal Reserve).
Qiimaha BTC wuxuu isku dayayaa inuu ku sugnaado meeshii uu ku furmay qiimaha sanadka kadib hoos u dhac uu la kulmay, balse falanqeeyeyaasha suuqyadu weli waxay rumeysan yihiin aragti bullish ah (kor u kac suurtagal ah).
Go’aanka Fed ee heerka dulsaarka ayaa ah dhacdada ugu weyn ee dhaqaale ee todobaadkan, iyadoo Guddoomiyaha Jerome Powell la filayo inuu “suuqyada dhaqaajiyo.”
Warbixinaha shaqo la’aanta iyo dakhliga shirkadda Coinbase ayaa sii xoojinaya suuragalnimada isbeddel suuqa ku dhaca, maadaama hadalheynta hoos u dhaca dhaqaalaha ay kor u kacday.
Ganacsatada Bitcoin ayaa weli muujinaya rajo wanaagsan haddii heerka $93,500 uu sii ahaado mid aan la jabin.
Bitcoin ayaa wajahday cadaadis iska iibin ah xilli uu toddobaadluhu xidhmayay 4tii bisha May , iyadoo hoos u dhac gaaban ku gaadhay $93,350 exchange-ga Bitstamp, ka hor inta uusan mar kale kor u kicin, sida aan ku ogaannay xogta ka timid Cointelegraph Markets Pro iyo TradingView.
BTC/USD Xigasho: Cointelegraph/TradingView
Liquidity ayaa ku urursan agagaarka qiimaha suuqa uu hadda taagan yahay.
Xogta ugu dambeysay ee aan ka helnay CoinGlass waxay muujinaysaa in meesha ugu weyn ee dalabka iibka (ask liquidity) ee ugu loo dhow yahay ay tahay $96,420.
BTC heatmap Xigasho: CoinGlass.
Ganacsade CrypNuevo ayaa sharxay aragti suurtagal ah oo kor u kac gaaban ah (short-term bull case) falanqayntiisii ugu dambeysay ee uu soo dhigay bartiisa uu ku leeyahay X.
“Marka la eego calaamadaha kor u kaca (long triggers), waxaan jeclahay laba qaab oo suuragal ah; Mid waa in aan helno heer sare oo cusub kaas oo ka kormara toddobaaddadii hore meeshii u sarraysay($98k) taasoo keeni karta liquidation marka lagu eego lower-time frame(LTF) kadib markaan dib u helno heer sare oo cusub oo aagii hore ah (xariiqda huruudda ah ee kore), ama mid kale oo ka imanaya hoos marka dib loo tijaabiyo 1D50EMA haddii ay noqoto mid guulaysata,” ayuu qoray.
BTC/USDT. Xigasho: CrypNuevo/X
Ganacsade kale oo la yiraahdo Daan Crypto Trades ayaa isha ku haya Gap cusub oo kor u jeeda oo ka muuqda suuqyada Bitcoin Futures-ka CME Group, kaasoo u muuqda meel qiimaha kor u jiidaya.
“Gaps-kaan guud ahaan waxay xirmayeen muddo 1 ilaa 3 maalmood gudahood ah dhowaanahan, sidaas darteed waa muhiim in isha lagu hayo,” ayuu ku yidhi qoraalkiisa barta X, iyadoo Gap-kaasi ku yaallo $97,000.
15m BTC/USDT chart Xigasho: Daan Crypto Trades/X
Marka la eego sawirka guud, ganacsadaha ahna falanqeeye Rekt Capital ayaa diiradda saaray support-ga hoose ee $93,500 taasoo ah meeshii uu shumaca sannadlaha ee Bitcoin ku furmay.
“Bitcoin ayaa laga celiyay resistance-ga Lower High-ga ah(xariiq madow oo iskutallaabta ah),” ayuu sharraxay isagoo raaciyay jaantuska toddobaadlaha ah ee BTC/USD.
Jaantuska toddobaadlaha ah ee BTC/USD Xigasho: Rekt Capital/X
Toddobaadka FOMC jiro waxaa diiradda la saarayaa Fed-ka
Si ka duwan toddobaadkii hore, maalmaha soo socda waxaa si gaar ah u xukumaya dhacdo weyn oo dhaqaale: go’aanka Golaha Suuqa Furan ee Mareykanka (FOMC) ee ku saabsan sicir-bararka dulsaarka.
Shirka FOMC ee dhici doona May 7deeda ayaa si dhow loola socdaa, gaar ahaan ganacsatada suuqyada crypto iyo kuwo kale oo badan.
Xaaladda shirka ayaa ah mid aan caadi ahayn Federal Reserve wuxuu weli muujinayaa siyaasad adag (hawkish) oo ku saabsan dhaqaalaha, isagoo doonaya inuu dulsaarka halkiisa ku hayo xilli khataro dhaqaale ay jiraan iyo hadallo la xidhiidha suurtagalnimada hoos u dhac dhaqaale (recession) ay socdaan.
Colaadda ganacsi ee Mareykanka oo weli taagan ayaa sii kordhisay walaaca laga qabo in cadaadiska sicir-bararka uu soo laabto, taasoo taageereysa mowqifka adag ee Fed-ka.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si cad u sheegay in dulsaarka la dhimo, isagoo dhowr jeer si gaar ah ugu weeraray Guddoomiyaha Fed Jerome Powell baraha bulshada.
Waxyaabaha ka soo baxa shirkaas ayaa si cad u muujin doona waxa ganacsatada ay ka filan karaan sanadka intiisa kale.
Our Courses
- Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
- Forex Trading A-Z Af-soomaali
- Website Design WordPress.
- Cisco Certified Network Associate (CCNA 200-301)
- Dropshipping Mastery Course
- Somali alibaba Online Course
- MongoDB No-SQL Database
- Ultimate react JS course
- HTML and CSS beginner to advanced Course
- Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
- Facebook Ads (Digital Marketing).
- Somali Alibaba Online Course.
- Git and Github Course
- Modern Javascript master Course
- Graphic Design Course.
- Basic Computer and Office Mastery.
- Premiere Pro (Video Editing).
- Python for beginners
- Blogging & Monetisation(WordPress).
- E-commerce Course.
- Tailwind CSS modern Course.
Our Services
- Website Design
- Business Consulting
- Digital Marketing