Dhowr Calaamado ayaa muujinaya suurtagalnimada in qiimaha Bitcoin ku soo laaban doono $100,000.
Qaabka Double Bottom ee BTC Oo tilmaamaya bartilmaameed $100,600 ah
Shaxda maalinlaha ah ee BTC waxay muujinaysaa qaab double bottom ah oo buuxa, iyadoo uu xaqiijiyay jabitaanka xadka sare(Resistance) ee neckline-ka oo yaalay $87,643. Qaab-dhismeedkani wuxuu saadaalinayaa dhaqaaq gaadhaya $100,575 ama ka badan.
BTC/USD – shaxda qiimaha maalinlaha ah. Xigasho: TradingView
Tilmaamayaasha dhaqaaqa suuqa sida Relative Strength Index (RSI) waxay taageerayaan saadaashan, iyagoo weli ku jira aagag sarey looga sii kici karo.
Mugga Bitcoin-ta la iibsanayo ayaa si joogto ah u kor u socotay kaddib jebinta resistance-kii hore, taasoo muujinaysa in iibsadayaashu weli gacanta ku hayaan suuqa. Qaabkan ayaa noqonaya mid saldhig xooggan u yeela Bitcoin oo ay ku gaadho $100,600.
Jabitaanka Qaabka Falling Wedge ee Bitcoin oo Bartilmaameedkiisu yahay $102,000
Shaxda saddex-maalmeedka (3d) waxay muujinaysaa jabitaan dhamaystiran oo ku yimid qaabka falling wedge, iyadoo qiimuhu jebiyay xayndaab muhiim ah oo yaalay agagaarka $94,000. Dhaqaaqan la saadaaliyay wuxuu bartilmaameedsanayaa $102,270.
BTC/USD – shaxda qiimaha 3-maalmood. Xigasho: TradingView
Falling wedge waa qaab tilmaama kor u socod haddii la jabiyo oo laga kor maro, jabitaanka cad ee BTC ka sameeyay xariiqqa kore wuxuu sii xoojinayaa saadaasha kor u kaca Bitcoin.
Qiimuhu sidoo kale wuxuu ku dul socdaa 50-EMA ee saddexda maalmood, taasoo ah calaamad muhiim ah oo tilmaamaysa jihada Bitcoin u bedelatay dhaqaaqeeda.
Mugga iibsashada wuxuu kor u kacay intii uu jabitaanku socday, taasoo muujinaysa kalsoonida iibsadayaasha.
Xayndaabka $94,000–$95,000 ayaa hadda xaddidaya dadaallada kor u kaca ee Bitcoin. Jabitaanka xadkaas waxay keeni kartaa in BTC ay si dhakhso leh ugu dhaqaaqdo bartilmaameedkeeda ah $100,000.
Heatmap-Ka Binance oo muujinaya Liquidity soo jiidanaysa qiimaha oo u Dhow $100k.
Xogta ka timaadda liquidation-ka waxay muujinaysaa meel aad loogu badan yahay oo ay yaalliin short positions badan(Dad suuqa sell u galay ay dhigteen Stop-loss-ka) ee agagaarka $100,000.
Meelahan mararka badan waxay u shaqeeyaan sida magnet-ka ama birlabta, iyagoo u soo jiidaya qiimaha dhankooda maadaama market makers-ku ay raadinayaan liquidity ama meel ay dadka ka soo horjeeda ku qasaariyaan.
BTC/USDT – heatmap-ka saddexda bilood. Xigasho: CoinGlass
Haddii BTC ay sii kacdo, waxay cadaadis saari doontaa kuwa ku jira short positions-ka(Sell), taasoo keeni karta in ay ku qasbanaadaan xidhidda ama ka bixidda suuqa (position-ka) , taasoo keenaysa silsilad iibsi ah.
Maps-ka liquidity-gu mararka qaar waxay dedejiyaan dhaqaaqa qiimaha.
Faa’idada Bitcoin laga helayo oo sii kordhaya kaddib Jabitaanka Resistance-ka.
Laga bilaabo April 23keedii, boqolkiiba 87.3% ee hantida wareegaysa ee Bitcoin waxay ku jirtay xaalad faa’iido ah, taasoo ka korodhay 82.7% markii ugu dambaysay ee BTC ay gaadhay agagaarka $94,000 horraantii bishii March, sida aan ka soo xigannay xogta Glassnode.
Korodhkan wuxuu muujinayaa in qeyb weyn oo ka mid ah hantida Bitcoin lagu kala iibsaday heerar hoose intii lagu jiray hoos u socodkii March, taasoo muujinaysa hirar cusub oo hanti urursi ah si suuqa kor loogu celiyo.
Marka la isku dar oo qaab-dhismeedyada bullish-ka ah ee shaxda Bitcoin iyo diiradda xoogan ee liquidity-ga ee ka sarreeysa, BTC waxay si wanaagsan ugu diyaarsan tahay in ay gaadho $100,000 kahor dhammaadka bisha May.
Our Courses
- Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
- Forex Trading A-Z Af-soomaali
- Website Design WordPress.
- Cisco Certified Network Associate (CCNA 200-301)
- Dropshipping Mastery Course
- Somali alibaba Online Course
- MongoDB No-SQL Database
- Ultimate react JS course
- HTML and CSS beginner to advanced Course
- Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
- Facebook Ads (Digital Marketing).
- Somali Alibaba Online Course.
- Git and Github Course
- Modern Javascript master Course
- Graphic Design Course.
- Basic Computer and Office Mastery.
- Premiere Pro (Video Editing).
- Python for beginners
- Blogging & Monetisation(WordPress).
- E-commerce Course.
- Tailwind CSS modern Course.
Our Services
- Website Design
- Business Consulting
- Digital Marketing