Marka la joogo suuqa Crypto, waxaa muhiim ah in qofka amnigiisa uu iska adkeeyo adeegsadana xeelado uu ugu bad baadi karo scammers-ka iyo hackers-ka suuqaan ka qaraabto.
Cryptocurency sida ay u tahey madal furan aan lahayn cid dhexe oo maamusho ayee u adagtahey in la ogaado ama la soo qabto tuugada ka shaqaysto suuqaan waxaana ugu wayn labo nooc oo kala ah “Rug pull iyo Honeypots” waxaynu ku faafahin doonaa maqaaladeena soo socdo waxa ay kala yihiin labadaas nooc.
Balse qormadeena manta waxay ku saabsantahey: 9-kaan qodob ee muhiimka ah in aad samayso si aad u ilaaliso Aminigaaga guud.
Qodobadaan waxay iskugu jiraan kuwa aad ku ilaalin karto guud ahaan amnigaaga internet-ka aysan jirin doonin scammer in uu ku dhaco ama hacking in lagu sameeyo accont-iyadaada.
Qodobka 1aad, ilaaliso dhamaan password-yada acconts-kaada haka dhigin kuwa fudud oo isku mid ah ‘tusaale magacada oo aad raacsiiso numbers ama sanadka lagu jiro Sida ‘faarax2025’ balse isticmaal password adag “strong password” ‘tusalee geele@20%417#Mq. haku kaydinin passords-kaada hal meel isku day in aad ku qorto meel amaan ah. accont-iyadaada aad ku leeday Suuqa crypto hadii ay noqdaan CEX ama Wallet. Wallet’s waxa ay ku siinayaan labo security oo ay muhiim tahey in aad ilaalisato private key and Seed phrase oo ka kooban 12 ama 24 xarfood haku kaydinin madal ku xeran internet-ka adigoo screenshot ka qaadaayo sida Cloud, Google drive, Gmail hadii aysan amnigooda kuu sugneen balse isticmaal note book kuu gaar ah hadii uu noqdo mid soft ama hardware ah oo xali walibo amnigiisa ilaalinayso.
Qodobka 2aad, Isticmaal 2FA “two factor authenticator” waa habka kaliya ay suurta galka tahey in aad ku bad-baado hadii hacking lagu sameeyo mid ka mid ah accounts-kaada maxaa yeeley qofka helo password-kaaga hadii uu damco in uu galo accont-kaaga waxaa la waydiinayaa Code soconaayo waqti kooban xitaa hadii uu helo code-kaas waxuu isku badalayaa 30second ilaa 1minite taasoo tuuga niyad jab ku abuurayso, waana apps aad ka heli karto palay Store iyo App Store waxaana ugu fiican midka ay leedahay shirkada Googale. ‘Google Authenticator’.
Qodobka 3aad, ha isticmaalin public Wi-fi, tan ayaa kugu noqon karto meel ay si fudud kaaga soo raacaan hackers-ka maxaa yeelay wifi-yada dadwaynaha waxaa isticmaalo qof walibo, marka aad joogto Cafeteri-yada, garoomada diyaarada iyo meelaha kale ay bulshada iskugu imaadaan oo laga helaayo Wi-Fi free ah, isku day in aad off dhahdo wi-figa Mobile-kaaga iyo Labtopkaaga.
Qodobka 4aad, Isticmaal VPN “virtual private network” hadii aad rabto in ay xogtaada cidna ogaan ama aad doonayso in aad badesho address-kaaga sababo amni darteed waxaa muhiim ah in aad isticmaasho vpn la isku halayn karo sida Proton iyo super VPN, kuwasoo gabi ahaan qarinaayo xogtaada shaqsiyeed xitaa dowladaha aan ku soo daba gali Karin.
Qodobka 5aad, iska ilaali in aad furto ‘phishing links’ linki-yada aadan ogayn waxa ay yihiin, scamerska ayaa adeegsado qaabkaan iyagoo diraayo SMS, Email, Links iwm, hadafkoodana yahey in ay yelaan xogta shaqsiga si ay ragaato ugu dhigtaan tusaale link been abuur oo la socoto qormo ah kana socdo Bianace ‘waxa aad ku guulaysatey 10,000 gali gmail iyo passowrdkaaga si aad ula baxdo’ shirkadaha waa wayn ma soo diraan links hadii ay dhacdo in ay macaamiishooda awaal marin siiyaan waxa ay ugu soo diraan accont-yadooda oo waxay haayaan xogtooda.
Qodobka 6aad, ha ku kaydsanin maalgashi-gaaga exchangiyada gaarka ah sida Coinbase, kraken, Binance, maxaa yeelay waqti kasta ayaa suurta gal ah in ay dhacaan wax aan la filayn tusaale in hacking lagu sameeyo sariflahaas, in ay dowlad xayraad ku soo rogto ama in ay suuqa ka baxdo, waxaad ugu badbaadi kartaa in aad adeegsato wallet ‘boorso aad adiga masuul ka tahey hantidaada kugu kaydsanyihiin’ waxayna u kala baxaan labo nooc cold wallet iyo hardware wallet, waxaana muhiim ah in aad ilaalsato seed phrase-ka ay ku siinayaan oo ka kooban 12 ama 24 xarfood hadii ay kaa dhuntana hanti meesha kuuma taalo waxaana jirto qaacido suuqaan can ka eh “Not your key, not you coin” waxaana ugu fiican hardware wallet Trust, Exdous, iyo coinbase wallet kuwa Cold wallet ledger iyo Trazor.
Qodobka 7aad, ka fogaaw maal-gashiga aan macquulka ahayn, habkaan waa mida kaliya lagu dhaco dadka maan gaabka ah tusale; waxaad faa’ideysaa 100% bil waliba ama waxaad helaysaa return “rasu maal xadidan kaaga soo noqonaayo maalgashigaaga bil kasta” diinta islaamkana way xarintay midaas oo ganacsiga waxa uu ku dhisan yahey faa’ido iyo qasaare cryptana maba ka jirto wax la yiraahdo return joogta ah, oo hadii qof maalgashi ku sameeyo Coin marna wuu ku qasaaraa marna wuu ku faa’idaa waxaana tusaale u soo qaadankarnaa BTC oo waxaad ku iibsatey $90k waxay hoos u dhacday $85k, waxaad qaasaartey $5k, cagsigeeda hadii aad ku iibsato $90k ay gaarto $105k waxaad faa’idey $15k.
Qodobka 8aad, Ha la wadaagin xogtaada shaqsi cid aadan garanayn, hadii ay dhacdo in aad aragto fariin laguu soo direy email, WhatsApp, telegram iyo account-yadaada aad dadka kala xariirto taasoo lagu leeyahey waxa aan kaa xalinaynaa cilad haaysato accountigaaga X ama Wallet-kaaga ee nala wadaag gmail iyo password-kaaga, fadlan ha siin oo qofkaas Block ku qabo waa scamer, maxaa yeelay companyada dad fariimo uma soo diraan mana waydiiyaan password-yadooda.
Qodobka 9aad, Hubi xisaabaadka account-yadaada, hadii aad ka furto mid ka mid ah account-yadada Device kale markiiba logout ku sameey gal setting gmailkaaga oo hubi inta device uu ku furanyahey, fiiri inta qof kula isticmaalayso Facebookaaga, instagmkaaga, messengerkaaga, twitterkaaga adigoo tagaayo setting kana dooranaayo Device show, isticmaal OTP oo ah fariin ay ku soo dirayso shirkada aad isticmaashid numberkeeda mar walibo aad galayso account-yada uu ku xeran yahey, ku xero exchangyada aad ka isticmaasho crypto sida Binance, kucoin, Bybit, kraken Whitelist oo ah nidaam u ogolaanayo in lacagtaada loo diro kaliya addresyada aad ku xertay, ku xer walletyadada fingerprint taas waxay kuu noqon kartaa amni gaar kuu ah.
“amnigaaga adiga ayaa Masuul ka eh”
ka baro halkaan coursada Crypto