Dunida fintech iyo lacagaha dijitaalka ah ayaa isku-xermaya kadib markii ay soo baxday warbixin rasmi ah oo sheegaysa in shirkadda caalamiga ah ee Mastercard ay qorshaynayso iibsashada shirkadda Kiribto-ga ee ZeroHash, heshiis ku kacaya $2 bilyan sida lagu daabacay Fortune Magazine.
Tallaabadani waxay calaamad u tahay isbeddel weyn ay Mastercard ku sameynayso istaraatiijiyaddeeda mustaqbalka, iyadoo si cad u muujinaysa in shirkaddu ay doonayso inay noqoto qayb muhiim oo ka mid ah dunida blockchain-ka iyo crypto.
Waa maxay shirkada ZeroHash iyo waxa ay qabato?
ZeroHash waa shirkad Kiribto oo laga aas-aasay Mareykanka, taas oo bixisa “infrastructures” adeegyo u suurtageliya shirkadaha kale inay helaan ama bixiyaan adeegyo la xiriira crypto iyagoo aan u baahnayn in ay si toos ah ula macaamilaan xeerar adag ama la tacaalaan maaraynta crypto-ga.
Waxay u shaqeysaa sida “crypto-as-a-service” platform, taas oo macnaheedu yahay in shirkado kale sida fintech-yada, bangiyada, iyo apps-yada lacagaha ay adeegsan karaan API-ga ZeroHash si ay ugu daraan adeegyo crypto sida:
- Iibinta iyo iibsigga Bitcoin, Ethereum, iyo stablecoins;
- Kaydinta (custody) iyo maaraynta amniga crypto assets;
- Soo saaridda iyo maaraynta crypto wallets;
- Bixinta xisaabaad crypto-ah oo lagu xiro lacagaha caadiga ah (fiat–crypto rails).
Sidaa darteed, ZeroHash waa mid ka mid ah shirkadaha yar-yar ee u suurtageliyay bangiyo iyo fintech-yo badan in ay si fudud ugu daraan crypto adeegyada ayna macaamiishooda siiyaan, iygoo oo aan u baahnayn aqoon qoto dheer ama ruqsad gaar oo blockchain ah.
Sababta Mastercard u doonayso iibsashada ZeroHash?
- Isku-darka crypto iyo nidaamka lacagaha caalamiga ah
Mastercard muddo sanado ah waxay ku jirtay dadaal la isku keenayo dunida lacagaha caadiga ah (fiat) iyo crypto-ga. Iyadoo horey ugu shaqeysay iskaashiyo ay la lahaatay shirkado badan oo crypto ah sida Binance, Paxos, Coinbase, iyo Circle, haddana iibsigaan wuxuu siinayaa awood buuxda oo ay si toos ah ugu dhex gasho Kribto iyo Blockchain.
- Tartan adag oo u dhexeeya Mastercard iyo Visa-Card
Waxaa la ogyahay in labada shirkadood — Visa iyo Mastercard — ay si joogto ah ugu loolamaan hogaanka nidaamka lacagaha dijitaalka ah. Visa horey ayay ugu dhawaqday inay is-gaashi la samaysatay stablecoins (gaar ahaan USDC) iyo xalka blockchain-ka ee la xiriira lacagaha xadka ka gudba.
Faahfaahinta heshiiska iyo qiimaha heshiiska-iibka?
Sida lagu daabacay warbixinta Fortune, qiimaha heshiiska waxuu ku kacayaa ku dhawaad $2 bilyan, inkastoo aan weli la shaacin in uu noqon doono iibsasho lacageed (cash deal) ama mid isugu jira lacag iyo saamiyo (cash & equity).
Si kastaba ha ahaatee, ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in labada dhinac ay marayaan heerkii ugu dambeeyay ee wada-xaajoodka, waxaana la filayaa in la shaaciyo horaanta sanadka 2026.
Marka la eego suuqyada maanta, iibsashada shirkad crypto oo nooca ah qiime intaa le’eg waxay muujineysaa in Mastercard ay si dhab ah u rumeysan tahay mustaqbalka crypto.
Saamaynta uu ku yeelan karo heshiisaan-Iibsi suuqyada crypto iyo fintech?
- Kororka kalsoonida hay’adaha maaliyadeed ee Kiribto
Marka shirkad caalami ah sida Mastercard ay gasho suuq crypto, waxay si weyn u kordhisaa kalsoonida hay’adaha maaliyadeed iyo maalgeliyeyaasha waaweyn ee caalamka.
Tani waxay dhiirrigelin kartaa bangiyada kale inay iyaguna u gudbaan dhanka “crypto-integration”, iyagoo adeegsanaya adeegyada Mastercard-ZeroHash ee cusub.
- Fursad cusub oo u furmaysa shirkadaha yar-yar
Fintech-yada yaryar iyo apps-yada lacagaha (neobanks) ayaa heli kara fursad weyn, maadaama Mastercard laga yaabo inay bixin doonto API-yo fudud oo crypto ah oo lagu dhex dari karo adeegyada hadda jira, taas oo sahlaysa in shirkad kasta si fudud u siiso macaamiisheeda adeegyo crypto-ah.
- Tartanka oo sii xoogeysan dono
Iibsashadani waxay cadaadis sii saaraysaa shirkado kale sida PayPal, Stripe, iyo Visa, kuwaas oo iyaguna horey u bilaabay adeegyo crypto-based ah.
Waxaa la filayaa in 2026 ay noqoto sanad uu tartanka u dhexeeya shirkadaha lacag-bixinta uu si buuxda ugu wareego dhanka blockchain interoperability iyo real-time settlements.
Caqbadaha soo wajihi kara heshiiskaan iibsi?
In kasta oo heshiiskan uu leeyahay fursado badan, haddana waxaa jira dhowr arrimood oo mudan in la tix-galiyo
- Oggolaanshaha sharci (Regulatory approval):
Maadaama Mastercard ay tahay shirkad caalami ah oo si buuxda ula shaqeysa hay’adaha maaliyadeed ee Mareykanka iyo Yurub, waxaa lama huraan ah inay hesho oggolaansho ka yimaada hay’adaha sida SEC, CFTC, iyo Federal Reserve, gaar ahaan marka ay la wareegeyso shirkad crypto oo ruqsadeysan.
- Suuqa crypto oo aan xasiloonayn: “Volatility”
Qiimaha crypto mararka qaar si lama filaan ah ayuu isu beddelaa “Volatile”. Haddii suuqa hoos u dhaco, waxa laga yaabaa in ay saamayn ku yeelato qiimaha iyo dakhligii la filayay.
- Isku-darka laba tiknoolajiyad “Tech-integration”:
Isku keenidda nidaamka adag ee Mastercard iyo kan ZeroHash waa mid u baahan waqti iyo qorshe adag, si aanay u dhicin khaladaad amni ama nidaam jilicsan.


