Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 25-ka Janaayo 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta 3 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 0.76%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 34% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.

In ka badan $123.91M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $84.53M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Kaydka lacagaha qalaad ee dalka Hindiya ayaa ka kacay $14.17B isaga oo gaadhay $701.36B.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

🪙3. Coins-ka & Token-ada Cusub

B. Crypstocks AI (MVP)

Waxaa lagu soo bandhigay MEXC Innovation Zone — ganacsiga MVP/USDT wuxuu bilaabanayaa maanta.

MEXC ayaa si rasmi ah u shaacisay liis-gareynta token-kan cusub, waxaana uu hadda toos ugu jiraa qaybta “Innovation Zone” iyadoo ay jiri karto airdrop.

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Hantida ku jirta boorsadda (Wallet-ka) dawladda Maraykanka ayaa hoos u dhacday $11.8B marka la barbardhigo halkii ay gaadhay markii ay Kiribto gaadhaysay qiimayaasha sare.

100-ka Shirkadood ee ugu waaweyn ee kaydsada Bitcoin ayaa haysta 1.12M oo Bitcoin ah , shirkadda Strategy ayaana 63% ka haysata intaas.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Saadaaliyeyaasha Polymarket ayaa filaya inay jirto nasiib ah 77% oo mar kale ay dawladda Maraykanku xayirmi doonto dhammaadka bishan (government shutdown).

Shirkadda labaad ee ugu weyn sanduuqyada hawlgabka ee Colombia, oo maamusha $55 bilyan (AUM), ayaa diyaarinaysa sanduuq maalgashi oo ku saleysan Bitcoin.

Hantida la Tokenize-gareeyay ayaa gaadhay meeshii ugu sarreysay abid oo ah $14.4B.

Kaydka shirkadda Sharplink Gaming ayaa ku jira khasaare aan xaqiiq ahayn (unrealised loss) oo dhan $197M.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Dowladda Singapore ayaa soo bandhigtay maalgelin weyn oo ku dhow S$1 bilyan (qiyaastii US $785 milyan) si loo taageero cilmi-baadhista iyo hal-abuurnimada AI-ga ilaa sanadka 2030.

Maalgelintani waxay ujeedadeedu tahay in la xoojiyo tartanka Singapore ee tiknoolajiyada AI, lana adkeeyo horumarinta hibada (talent), lana ballaadhiyo awoodaha dhinacyada sida daryeelka caafimaadka, waxbarashada, iyo warshadaha otomaatigga ah.

🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

Maamulaha guud ee BlackRock, Larry Fink, ayaa sheegay in tiknoolajiyada blockchain ee aan ahayn Bitcoin lafteeda ay si aayar ah u beddeli doonto nidaamyada maaliyadeed, oo ay ku jiraan sida hantida loo wareejiyo, loo xaqiijiyo, loona dhammeystiro macaamillada (settlement).

Tani waxay muujinaysaa aqoonsiga sii kordhaya ee hay’adaha waaweyn ee ku aaddan qiimaha blockchain-ka ee kaabayaasha maaliyadda dhaqameed.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article