Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
- Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.55 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 149.81 billion.

- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 56% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.

- Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.48 billion.

- Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $75,585.21
- Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,338.89
- Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $622.14
- Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $87.82.
- Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.3.
⚖️2. Xeerarka & Sharciyada (Regulation)
- Trump ayaa amray xannibaad buuxda oo dhanka badda ah oo lagu soo rogay dekedaha Iran laga bilaabo shalay. Wuxuu ka digay in markab kasta oo Iranian ah oo isku daya inuu u dhowaado maraakiibta Maraykanka la burburin doono.
- IMF ayaa ka digtay in haddii Hormuz uu sii xirnaado, adduunku galayo dhibaato dhanka tamarta ah oo horseedi karta sicir-barar caalami ah.
- Bitcoin ayaa wali loo arkaa “Hanti Badbaado” iyadoo maalgashadayashu ay lacagahooda kala baxayaan suuqyada saamiyada ee ka baqaya dagaalka.
🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
- Shirkadda ugu weyn maareynta hantida adduunka ee BlackRock ayaa ku dhawaaqday inay ballaarinayso sanduuqeeda BUIDL, iyagoo token-gareynayacusub oo isugu jirta deymo ganacsi iyo hanti ma-guurto ah oo ku dhex jirta shabakadda Ethereum.
- Sanduuqa Fidelity Spot Bitcoin ETF ayaa saaka diiwaangeliyay qulqul-lacageed dhan $150 Milyan, taas oo muujinaysa in macaamiishooda dhaqameed ay wali aaminsan yihiin kobaca muddada dheer.
- Laba bangi oo fadhigoodu yahay Qadar ayaa shaaciyay inay bilaabayaan adeegyo tijaabo ah oo macaamiisha VIP-da ah u oggolaanaya inay Bitcoin u adeegsadaan dammaanad ahaan markay dayn qaadanayaan.
🪙4. Coins-ka Cusub & Token-ada
- Sahayda guud ee Tether (USDT) ayaa dhaaftay rikoor cusub, iyadoo baahida loo qabo doolarka dhijitaalka ah ay cirka isku shareertay suuqyada soo koraya ee Aasiya iyo Afrika.
🐋5. Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)
- In ka badan 10,000 BTC ayaa maanta laga saaray sarrif-yada Coinbase iyo Binance, waxaana loo wareejiyay jeebabka gaarka ah (Cold Wallets).
- Wallet aan la taaban tan iyo sanadkii 2013-dii ayaa saaka dhaq-dhaqaaq samaysay, iyadoo iibisay 50 BTC. Tani inta badan suuqa waxay gelisaa dareen baqdin ah.
⛓️6. Tiknoolajiyadda Blockchain
- Khidmadaha (Gas fees) shabakadda Ethereum ayaa hoos ugu dhacay maanta, celcelis ahaan $1.20 xawilaadkiiba
🤖7. AI & Web 3.0
- Guddiga Web3 Foundation ayaa malaayiin doolar ku deeqay mashaariic cusub oo isku daraya Blockchain-ka iyo xogta AI-da ee daah-furan (Decentralized AI Data).
🚨 8. Amniga
- Kooxda amniga ee shabakadda Base ayaa ka hortagtay weerar ballaaran oo lagu qorshaynayay in lagu jabsado mid ka mid ah buundooyinkooda (Bridges), iyagoo xiray daldaloolka ka hor inta aan hanti la xadin.
- Shirkadaha xaqiijiya badbaadada koodhka (Auditors) sida CertiK ayaa maanta shaaciyay in ay si bilaash ah u kormeeri doonaan mashaariicda gargaar ah
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan: https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


