30 Oktoobar 2026 | La cusboonaysiiyay: 31 Oktoobar 2026
Hackers-kii ka dambeeyay lacagtii laga xaday Binance ayaa bilaabay inay si degdeg ah USDT iyo USDC ugu beddelaan Bitcoin iyo Ether. Ujeeddadoodu waxay ahayd inay lacagta ka saaraan stablecoins ay shirkadaha soo saara xannibi karaan, ka hor inta aan tallaabo laga qaadin.
Binance waxay khasaaraha markii hore ku qiyaastay $6.3 billion. Baaritaanka Elliptic ee la cusboonaysiiyay 31 Oktoobar ayaa lacagta la xaday ku qiyaasay $6.43 billion, iyadoo shirkaddu xaqiijisay in $2.85 billion la xannibay ama laga saaray gacanta hackers-ka. www.elliptic.co

Isbarbardhigga lacagihii lagu xaday crypto hacks-kii ugu waaweynaa. Xigasho: Elliptic.
Dhacdadan waxay muujisay farqiga u dhexeeya stablecoins la frozen-gareyn karo iyo crypto sida Bitcoin iyo Ether oo aan lahayn shirkad dhexe oo sidaas samayn karta.
Hackers-ku waxay la tartamayeen waqtiga
Markii lacagtu ka baxday Binance, hackers-ku waxay bilaabeen inay beddelaan assets-ka ay shirkadaha soo saara xannibi karaan.
Dickson Wu, oo ah engineer ka tirsan shirkadda amniga CertiK, ayaa sheegay inuu raadraacay $500 million oo USDT ah oo lagu diray hal wallet address. Lacagtaas waxaa ka mid ahaa $325 million oo ETH loo beddelay wax ka yar saacad kadib markii hack-ku bilaabmay.
Intaas waxaa socday dadaallo ay Tether, Circle iyo shirkado kale ku raadinayeen wallet addresses-ka lala xiriiriyay lacagta la xaday, si ay u xannibaan assets-ka weli ku jiray.
Tani waxay noqotay tartan waqti: hackers-ku waxay doonayeen inay lacagta beddelaan, halka shirkaduhu isku dayayeen inay qabtaan ka hor inta aysan ka bixin tokens-ka ay maamulaan.
Maxaa USDT iyo USDC loo frozen-gareyn karaa?
USDT waxaa soo saarta Tether, halka USDC ay soo saarto Circle. Labada shirkadood waxay awood u leeyihiin inay xannibaan tokens ku jira wallet addresses gaar ah.
Haddii address la xannibo, qofka haysta wallet-ka ma diri karo tokens-kaas, xitaa haddii uu haysto private key-ga.
Sida lagu sheegay warbixinta dhacdada, Tether waxay frozen-gareysay qiyaastii $1.567 billion oo USDT ah, halka Circle ay xannibtay qiyaastii $823 million oo USDC ah. Shirkado kale, oo ay ku jiraan Ripple iyo World Liberty Financial, ayaa sidoo kale tallaabo qaaday.
Bitcoin iyo Ether way ka duwan yihiin. Ma laha shirkad dhexe oo hal amar ku xannibi karta BTC ama ETH ku jira wallet gaar ah. Taasi waa sababta hackers-ku ugu degdegayeen inay stablecoins-ka ugu beddelaan assets-kaas.
Hase yeeshee, tani macnaheedu ma aha in Bitcoin iyo Ether aan la raadraaci karin. Transactions-kooda waxaa laga arki karaa blockchain-ka, exchanges-kuna waxay xannibi karaan accounts-ka ay lacagta la xaday soo gasho.
Arbitrum waxay qaadday tallaabo gaar ah
Arbitrum Security Council ayaa qiyaastii $30.5 million oo ARB iyo ETH ah u wareejiyay wallet aan lacagta laga saari karin ilaa tallaabo kale laga qaado.
Lacagtaas waxaa lagu dhaqaajin karaa go’aan dambe oo ka yimaada Security Council ama codbixin Arbitrum DAO.
Tallaabadani waxay ku salaysnayd awoodaha maamulka ee Arbitrum. Macnaheedu ma aha in Ethereum mainnet ay leedahay shirkad ama guddi si la mid ah u xannibi kara ETH kasta oo wallet ku jirta.
Sidee ayay Aave arrinta ugu soo gashay?
Wallet lala xiriiriyay hackers-ka ayaa $60 million oo USDT ah dhigay Aave, kadibna ku amaahday qiyaastii $44.6 million oo WETH ah. WETH waa wrapped Ether, oo ETH u oggolaanaya inay la shaqayso adeegyada DeFi qaarkood.
USDT-ga la dhigay wuxuu noqday collateral, oo ah lacagta lagu dammaanad qaaday amaahda.
Arrintani waxay sii adkaysay soo celinta lacagta. USDT-gu wuxuu hore ugu jiray lending pool-ka Aave, sidaas darteed xannibidda wallet-ka hacker-ka keliya si toos ah uma soo celinayn collateral-kaas.
Aave waxay sheegtay in qiimaha collateral-ku ka badnaa deynta, isla markaana xaaladdaas aysan khatar gelin lacagta dadka wax ku amaahiya protocol-ka.
Aave waxay si ku-meelgaar ah u joojisay deposits iyo borrowing cusub oo ka jiray markets-keeda V3 iyo V4. Dadka horay u isticmaalayay waxay weli samayn kareen withdrawals iyo repayments, waxaana sidoo kale furnaa liquidations.
Markii dambe, Aave waxay sheegtay inay xayiraadda ka qaaday markets-kaas, iyadoo smart contracts-keedu aysan waxyeello soo gaarin.
Lacag la frozen-gareeyay ma la soo celiyay?
Maya. Labadan arrimood waa kala duwan yihiin.
Marka lacag la frozen-gareeyo, hackers-ku ma isticmaali karaan mana diri karaan. Laakiin lacagtaasi si toos ah uguma soo noqonayso Binance ama macaamiisheeda.
Soo celinteedu waxay u baahan kartaa tallaabooyin kale oo sharci iyo farsamo, iyadoo ay iska kaashanayaan shirkadaha tokens-ka soo saara, exchanges-ka iyo hay’adaha baaritaanka.
Binance waxay sheegtay inay la shaqaynayso hay’adaha amniga iyo shirkadaha blockchain analytics si loo raadraaco lacagta weli maqan.
Shirkaddu waxay sidoo kale ballanqaadday inay khasaaraha ku dabooli doonto Secure Asset Fund for Users, oo loo yaqaan SAFU, iyo lacagta shirkadda. Binance waxay sheegtay in assets-ka macaamiishu ay ammaan yihiin.

Binance oo faahfaahin ka bixisay hack-ka iyo dadaallada lagu raadraacayo lacagta la xaday. Xigasho: Binance.


