Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 16-ka Abriil 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.53 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 0.82%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 55% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid damaca u janjeedha.

In ka badan $225.83M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $152.28M ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

La taliyaha Kiribto ee Aqalka Cad, Patrick Witt, ayaa ka digay in uu lumin doono booskiisa tartanka hantida dhijitaalka ah haddii aan la sameyn xeerka qaab-dhismeedka suuqa Kiribto.

- Available -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

Maraykanka ayaa 12.7M oo fuusto oo shidaal ah u dhoofinayay caalamka maalin kasta oo ka mid ah toddobaadkii aan soo dhaafnay isaga oo uu socdo duullaanka ay ku qaadeen Iiraan.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxa shalay ay heleen hanti ama maalgashi cusub.

BTC: $186.03M
ETH: $67.85M
SOL: $5.36M
XRP: $17.11M

🪙 4. Coins-ka & Token-ada Cusub

B. Genius Terminal (GENIUS)

Waxaa maanta lagu soo liis-gareeyay Binance Futures iyada oo lagu magacaabay GENIUS/USDT perpetual contract (illaa 20x leverage), taasoo ballaadhinaysa helitaanka ganacsiga iyo liquidity-ga token-ka.

🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

ETF-ka BlackRock ayaa iibsaday 3,900 $BTC oo u dhigma $291.86M.

Ganacsade ayaa stake-gareeyay 50,000 oo Ethereum ah oo u dhiganta $117M.

Macaamiisha shirkadda Morgan Stanley ayaa iibsaday Bitcoin u dhiganta $100M tan iyo markii ay bilawday ETF-keeda.

🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Jeremy Allaire, Maamulaha shirkadda Circle, ayaa sheegay inuu arko “fursad aad u weyn” oo ku saabsan stablecoin ku saleysan yuan-ka, isagoo tilmaamay in China ay soo saari karto mid 3 ilaa 5-ta sano ee socota.

Shirkadda Strategy ee Micheal Saylor ayaa samaysay faa’ido dhan 17,585 $BTC oo u dhiganta $1.3B labadii toddobaad ee u horreeyay bishan Abriil.

BNB ayaa samaysay gubitaankii (Burning) 35aad ee tokens-kooda kaas oo ay sameeyaan 3-dii biloodba mar.

🤖 7. AI iyo Web 3.0

Shirkadda laga leeyahay Shiinaha ee Alibaba ayaa soo saartay Happy Oyster, oo ah moodel cusub oo AI ah oo awood u leh inuu abuuro 3D iyo muuqaallo soo jiidasho leh oo loogu talagalay ciyaaraha, filimada, iyo riwaayadaha.

🔗 8. Tiknooloojiyadda Blockchain

Professor Jiang Xueqin ayaa sheegay in Bitcoin ay tahay “howlgal CIA,” isagoo su’aal geliyay halka ay ku yaallaan server-yada blockchain-ka.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article