Wararka Maanta ee Suuqa Kiribto 08-05-2026

Jacfar
By Jacfar

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.  

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.65 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 102.73 billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %60.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 42% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 47% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.48 billion.
  • Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $79,735.21
  • Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,277.89
  • Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $639.14
  • Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $88.41.
  • Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.38.

️2.  Xeerarka & Sharciyada Suuqa

  • Hay’adda FCA ee Ingiriiska ayaa ansixisay xeerar cusub oo fududeynaya in hantida maaliyadeed loo beddelo Token, taasoo dhiirigelinaysa maalgashiga casriga ah.
  • Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Yurub (ECB), Christine Lagarde, ayaa ka digtay khatarta ay Stablecoins-ka Euro-da ku xiran ku keeni karaan xasilloonida maaliyadeed.
  • Kuuriyada Koonfureed ayaa ku dhawaaqday inay xoojinayso kormeerka shirkadaha Crypto ka howl-gala dalkeeda.

🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha Waa-weyn

  • Shirkadda DeFi Technologies ayaa iskaashi la samaysay machadka DMI ee bangiyada dhexe si ay Crypto Index-kooda (DVIO) ugu dhex daraan xogta rasmiga ah ee bangiyada dhexe.
  • Shirkadda Bernstein ayaa sheegtay in Coinbase ay haatan noqonayso “Everything Exchange” ka dib markii ay soo jiidatay maalgashadayaal badan oo waaweyn.

🪙4.  Coins-ka Cusub & Token-ada

  • Zcash ayaa maanta noqday Token-ka ugu iibsiga badan suuqa.
  • Toncoin Growth (TOG): Toncoin ayaa maanta ka mid ah kuwa ugu sareeya dhanka kor u kaca, taasoo ay ugu wacan tahay isticmaalka Web 3.0 ee Telegram oo sii kordhay.

🐋5.  Maalgashiga Whales-ka

  • Nibiriyada ayaa iibsaday in ka badan 15,000 BTC 24-kii saac la soo dhaafay, iyadoo qiimuhu hoos u dhacay maanta.
  • Shirkadda RealOpen iyo TRON ayaa xaqiijiyay $9.4 Milyan oo USDT ah oo ay Whales u adeegsadeen iibsashada guryo qaali ah oo blockchain-ka lagu diiwaangeliyay.
  • Waxaa la arkay dhaqdhaqaaq weyn oo ah $500 Milyan oo USDC laga soo saaray boorsooyinka qabow (Cold wallets) loona wareejiyay sarrifyada waaweyn.

️6. Tiknoolajiyadda Blockchain

  • Ripple ayaa iskaashi la samaysay TrustLinq si ay u dhisaan kaabayaal caalami ah oo u oggolaanaya Crypto-to-Fiat oo toos ah bangiyada dhexdiisa.

🤖7. AI & Web 3.0

- Available -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now
  • Shirkadda Datavault AI ayaa soo xirtay lacag dhan $60 Milyan oo loogu talagalay in lagu horumariyo RWA Tokenization iyo AI Web 3.0.

🚨 8. Amniga

  • Waxaa la xaqiijiyay khasaare dhan $292 Milyan oo dollar oo ka dhashay weerar lagu qaaday bridge-ga Kelp DAO

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan: https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article