Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
- Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.68 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 87.94 billion.

- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 49% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.

- Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.48 billion.

- Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $80,602.21
- Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,283.89
- Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $660.14
- Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $95.1.
- Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.44.
⚖️2. Xeerarka & Sharciyada Suuqa
- Wararka ugu weyn maanta suuqa waa heshiis hordhac ah oo laga gaaray sharciga CLARITY Act ee dalka Mareykanka, kaas oo si gaar ah u qeexaya nidaamka “Stablecoin rewards“, oo kor u qaadday kalsoonida shirkadaha stablecoins-ka, soo saara.
- Dawladda UK ayaa si rasmi ah u soo saartay habraacyo cusub oo lagu maamulayo “Staking“, taasoo fursad siinaysa hay’adaha maaliyadeed inay adeegan bixiyaan.
- Hay’adda canshuuraha Mareykanka ayaa xusuusisay maalgashadayaasha in NFT-yada loo tixgeliyo hanti la canshuurayo, gaar ahaan kuwa lagu dhex isticmaalo ciyaaraha.
🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha Waa-weyn
- Shirkadda weyn ee tokenization-ka ee tZERO ayaa ku dhawaaqday iskaashi istiraatiiji ah oo ay la gashay shabakadda Aptos si loogu dhex daro hantida dhabta ah (Real World Assets – RWA).
- Circle ayaa heshay maalgashi dhan $222 Milyan oo dollar oo uga yimid shirkado ay ka mid yihiin BlackRock iyo Andreessen Horowitz oo loogu talagalay “Arc Token presale”. Arintaan waxay kor u qaadday qiimaha sahmiga Circle (CRCL) 15-20%.
🪙4. Coins-ka Cusub & Token-ada
- SAGA & GTC Surge: Labadan token ayaa maanta asameeyay sare u kac, iyadoo Saga (SAGA) uu kacay +52% halka Gitcoin (GTC) uu kacay +35%.
🐋5. Maalgashiga Whales-ka
- Boorso Bitcoin ah oo aan dhaqdhaqaaq sameyn tan iyo Nov 2013 ayaa maanta la dhaqaajiyay. Waxaa laga wareejiyay 500 BTC oo qiimihiisu yahay $40.6 Milyan, hantidan oo markii hore lagu iibsaday kaliya $457k.
- Xogta on-chain ayaa muujinaysa in xaddi badan oo BTC ah laga saaray sarrifyada, taas oo muujinaysa in nibiriyadu ay hantida u wareejinayaan “Cold Wallets” ay rabaan inay muddo dheer haystaan.
⛓️6. Tiknoolajiyadda Blockchain
- Shirkadda isgaarsiinta Japan ee KDDI ayaa maalgashi dhan $65 Milyan ku samaysay sarrifka Coincheck.
🤖7. AI & Web 3.0
- Binance ayaa shaacisay in nidaamkooda AI uu ka hortagay in ka badan 22.9 Milyan oo isku day dhanka is-daba-marinta ah rubucii hore.
🚨 8. Amniga
- Binance ayaa ku guuleysatay inay dib u soo celiso qayb ka mid ah lacago laga xaday protocol yar oo DeFi ah ka dib markii ay xannibtay Wallet-ka tuugada.
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan: https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


