Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 21-ka Maayo 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.57 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 0.01%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 39% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.

In ka badan $292.50M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $175.79M ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

kaydka Kiribto ee Iiraan ayaa la sheegay inuu qiimihiisu gaadhayo ku dhowaad $7.7 bilyan, sida uu sheegay wargayska Fox News.

- Available -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

Shirkii xalay ee Fed waxaa laga dhandhansan karayay hadalka guddida badankood in ay wax la fogaysan u arkayeen in kor loo qaado heerka ribada haddii sicir bararku uu ka kor ahaado 2%.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

ETF-yada Bitcoin iyo Ethereum ayaa lumiyay maalgashi halka ETF-yada XRP ay heleen maalgashi cusub maalinkii shalay ahaa.

BTC: -$70.47M
ETH: -$28.14M
XRP: $1.45M

🪙 4. Coins-ka & Token-ada Cusub

B. Privasea AI (PRAI)

Waxaa lagu liis-gareeyay KuCoin, Bitget, iyo BitMart.

Coin-kan Privasea AI ayaa helay rabitaan badan maadaama uu yahay mashruuc isku dara AI iyo privacy blockchain isagoo adeegsanaysa Fully Homomorphic Encryption (FHE).

🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadda SpaceX ayaa haysata Bitcoin u dhiganta $1.45B.

Macaamiisha BlackRock ayaa iska iibiyay Bitcoin u dhiganta $61.5M.

🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Shirkadda CME group ayaa sheegtay in ka ganacsiga suuqeeda Futures-ka ee XRP uu sannadkii koowaad uu gaadhay mug ganacsi dhan $62.8B.

Shirkadda Prume ayaa shati ganacsi oo dhijitaal ah ka heshay Bermuda.

🤖 7. AI iyo Web 3.0

Shirkadda NVIDIA ayaa ku dhawaaqday $80 bilyan oo Saamiyadeeda oo ay dib u iibsan doonto, sidoo kale waxay kordhisay qaybta(dividend) saddex biloodlaha ah ilaa $0.25 halkii saami, iyadoo markii hore ahayd $0.01.

Elon Musk ayaa ku dhawaaqay in SpaceX ay si firfircoon u shaqaaleysiinayso injineerro heer caalami ah oo loogu talagalay SpaceXAI, isagoo sheegay in “dadka caqliga badan ay si degdeg ah wax u fahmaan” xitaa haddii aysan lahayn waayo-aragnimo AI.

Shirkadda Anthropic ayaa oggolaatay inay siiso SpaceX ku dhowaad $45 bilyan muddo saddex sano ah si ay u hesho awood xisaabeed (computing resources) oo taageerta software-keeda AI ee Claude.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article