Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 24-ka Maayo 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.58 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 3.2%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 39% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.

In ka badan $369.36M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $296.22M ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Warbixinnada la sheegay ee ku saabsan heshiis qabyada ah oo u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan ayaa lagu xusay:-

- Available -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now
  • Kordhinta xabbad-joojin ah oo 60 maalmood ah.
  • Dib u furidda Marinka Hurmus.
  • Iiraan oo loo oggolaanayo inay si xor ah u iibiso shidaalka inta ay muddadu socoto.
  • Qaar ka mid ah lacagaha Iiraan oo la sii deynayo.
  • Wada-hadallada nukliyeerka oo xigi doona heshiiskan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Bangiga dhexe ee Yurub ayaa ka digay in ballaadhinta stablecoins-ka ku xidhan Euro-da ay daciifin karto awoodda dayminta bangiyada isla markaana adkeyn karto xakameynta heerarka ribada.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

ETF-yada Bitcoin iyo Ethereum ayaa lumiyay maalgashi halka ETF-yada Solana iyo XRP ay heleen maalgashi cusub toddobaadkii aan soo dhaafnay.

BTC: -$1.26B
ETH: -$215.99M
SOL: $15.63M
XRP: $22.04M

🤖 4. AI iyo Web 3.0

Aqalka Cad ayaa ansixiyay qorshe $9 bilyan ah oo lagu caawinayo hay’adaha sirdoonka ee Maraykanka inay dardargeliyaan adeegsiga AI.

Maamulaha Nvidia, Jensen Huang ayaa sheegay in Trump uu rabo in Maraykanku uu hoggaamiyo tiknoolajiyadda AI-ga.

🔗 5. Tiknooloojiyadda Blockchain

Isbahaysi ka kooban 37 bangi oo Yurub ah ayaa horumarinaya mashruuc wadajir ah oo blockchain payments ah oo diiradda saaraya tokenized euros iyo settlement infrastructure.

Mashruucu wuxuu ujeedkiisu yahay inuu abuuro nidaamyo lacag-bixin oo blockchain ah oo isku xiran (interoperable) oo ay isticmaali karaan bangiyadu iyo ganacsatadu.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article