Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.58 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 0.06%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 40% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.
In ka badan $229.6M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $142.94M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Bangiga dhexe ee Yurub ayaa kulan isugu yeedhaya bangiyada si wax looga qabto nuglaanshaha cybersecurity-ga ee ay muujiyeen moodelada AI-ga oo ay ku jiraan Claude Mythos, isagoo ka digay in khatarahaas loo baahan yahay in si degdeg ah wax looga qabto.
Madaxweyne Trump ayaa yidhi ” xidhiidhka aan la leenahay Iiraan ayaa hadda mid heer sare ah oo midho-dhal ah.“
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
ETF-ka XRP ee ugu horreeyay gudaha Japan ayaa lagu wadaa in la ansixiyo ka hor 2028-ka.
🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Shirkadda Strive ayaa iibsatay Bitcoin u dhiganta $80M toddobaadkii aan soo dhaafnay.
Shirkadda BlackRock ayaa iska iibisay $1B oo Bitcoin ah toddobaadkii tagay.
🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Shirkadda Tether iyo dowladda Georgia ayaa qorsheynaya inay bilaabaan GEL₮, oo ah stablecoin ku xidhan lacagta Georgian Lari, iyadoo lagu shaqeynayo nidaamka cusub ee hantida dhijitaalka ah ee dalkaas.
Shirkadda sharciga ee Fenwick & West oo la shaqeyn jirtay FTX ayaa oggolaatay inay bixiso $54 milyan si loo xalliyo dacwad class action ah oo 2023 ay gudbiyeen macaamiil hore.
MoonPay ayaa hadda si rasmi ah uga shaqeynaysa App Store-ka OpenAI ee ChatGPT, taasoo u oggolaaneysa isticmaaleyaasha inay si toos ah uga iibsadaan Kiribto gudaha app-ka.
🤖 6. AI iyo Web 3.0
Microsoft ayaa la sheegay inay yareyneyso adeegsiga Claude Code, halka Uber ay ku idleysay dhammaan miisaaniyaddeedii AI coding ee 2026 afar bilood gudaheed.
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


