Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 28-ka Maayo 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.46 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 2.95%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 32% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.

In ka badan $932.32M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $873.56M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Iiraan ayaa weerartay xarada ciidammada Maraykanka ee dalka Kuwait, iyada oo ka falcelinaysa duqaymaha Maraykanku ay ka fuliyeen Marinka Hurmus.

- Available -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

Trump ayaa yidhi ” waan qarxin doonna cumaan haddii ay isku dayaan inay maamulaan Marinka Hurmus!

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

ETF-yada Bitcoin iyo Ethereum ayaa lumiyay maalgashi halka ETF-yada Solana ay heleen maalgashi cusub toddobaadkii aan soo dhaafnay.

BTC: -$733.43M
ETH: -$67.15M
SOL: $557.16K

🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadda Circle ayaa maanta $250M oo $USDC ah ku daabacday shabakadda Solana.

Shirkadda Pump.fun ayaa iibisay wadar ahaan 4.46 milyan Solana oo qiimahoodu yahay $780 milyan, iyadoo celceliska qiimuhu ahaa $175.

Qaybtii ugu dambeysay ee ay iibisay waxay ahayd 100,628 SOL oo lagu qiimeeyay $8.32 milyan.

🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Shirkadda Samsung ayaa saami ku fadhiya $408M ka iibsanaysa shirkadda Dunamu ee iska leh Upbit.

Blockchain-ka BNB ayaa hoggaaminaya dhinaca stablecoins-ka suuqa soo galay, isaga oo ay soo gashay hanti dhan $840M.

🤖 7. AI iyo Web 3.0

Shirkadda YouTube ayaa soo kordhisay hab ay ku garanayso muuqaallada AI-ga ah, habkaas oo noqon doona mid xaddida qaabka loo soo gudbin karo muuqaallada garaadka macmalka ah sameeyay.

Dawladda Shiinaha ayaa aqoonsi dhijitaal ah u samaynaysa Robot-yada leh qaabka bani’aadanka.

Anthropic ayaa la sheegay inay soo saarayso ugu yaraan 35% dakhli ka badan OpenAI, iyadoo gaadhay $45B dakhli sannadle ah halka OpenAI ay joogto $30B.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article