Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.5 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah0.59%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 35% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.
In ka badan $100.56M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $58.54M ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Madaxweyne Donald Trump ayaa wali doonaya in heshiis lala gaadho Iiraan, wuxuuna aaminsan yahay in heshiis la gaadhi karo dhawaan. Si kastaba, wuxuu dalbanayaa qodobo adag oo ku saabsan sida loo maareynayo, looga saarayo, ama loo burburinayo kaydka uranium-ka la bacramiyay ee Iiraan. Wararka ayaa sheegaya in qodobka uranium-ka uu weli yahay mid ka mid ah arrimaha ugu waaweyn ee lagu muransan yahay wada-hadallada.
Senator Cynthia Lummis ayaa tidhi “Haddii Maraykanku uusan dejin xeerar hantida dijitaalka ah (digital assets) oo heer caalami ah, waddan kale ayaa sameyn doona.”
Dawladda Vietnam ayaa soo jeedisay in ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah (SMEs) loo oggolaado inay u isticmaalaan hantida dhijitaalka ah dammaanad ahaan (collateral) marka ay bangiyada ka dalbanayaan amaah.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
ETF-yada XRP ayaa helay qulqul maalgashi oo dhan $131.94M bishan oo keli ah, halka ETF-yada Bitcoin ay lumiyeen maalgashi dhan $1.41B.
🪙 4. Coins-ka & Token-ada Cusub
B. GTech Network (GTC)
GTC waa mid ka mid ah token-yada ugu hadal-heynta badan hadda, iyadoo la qorsheynayo in hal mar lagu soo bandhigo ilaa 10 exchange oo kala duwan. Tani waxay ka dhigeysaa mid ka mid ah furitaannada ugu waaweyn ee nidaamka deegaanka ee BSC (BNB Smart Chain) ee bishan.
🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Qiime suuqeedka Stablecoin-ka USDT ayaa hoos u dhacay $1.2B 24-kii saac ee u dambeeyay.
🤖 6. AI iyo Web 3.0
Shirkadda Nvidia ayaa ku bixisay dalka Taiwan $100B sannadkan.
Shirkadda Anthropic ayaa ku dhawaaqday in moodelkeeda cusub ee AI-ga, Claude Mythos, la filayo in la soo saaro toddobaadyada soo socda, halka Claude Opus 4.8 uu hadda isla markiiba diyaar yahay.
Dhanka kale, Claude Mythos ayaa soo jiitay rabitaan badan sababo la xidhiidha awoodihiisa horumarsan ee cybersecurity-ga.
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


