Haddii aad $100 meel dhigatay bishii January 2000 oo aad maanta soo saartay, lacagtaadu weli tiro ahaan waa $100. Laakiin waxa is beddelay waa purchasing power-ka — awoodda ay lacagtaasi wax ku iibsan karto.
Xogta U.S. Bureau of Labor Statistics (BLS) ayaa lagu cabbiraa isbeddelka qiimaha alaabta iyo adeegyada iyadoo la adeegsanayo Consumer Price Index (CPI). BLS-na waxay sheegaysaa in CPI Inflation Calculator-ku isticmaalo CPI-U si loo muujiyo sida purchasing power-ku isu beddelay muddo kadib.
Marka loo eego xogta chart-ka, $100 sanadkii 2000 maanta purchasing power-kiisu wuxuu ku dhow yahay $50.
Si kale haddii loo dhigo, wax aad sanadkii 2000 ku iibsan kartay $100, maanta waxay kuugu baahan karaan lacag ku dhow $200.
Taasi waxay ka dhigan tahay in 26 sano gudahood Dollarka Maraykanka uu lumiyay ku dhawaad 50% awooddiisa wax-iibsi.

Maxaa Sababay?
Sababta ugu weyn waa inflation.
Inflation-ku waa marka qiimaha guud ee alaabta iyo adeegyada uu kordho muddo kadib. Marka prices-ku kor u kacaan, lacagtu tiro ahaan way isku mid ahaan kartaa, laakiin waxa aad ku iibsan karto ayaa yaraada.
Tusaale ahaan, haddii aad bangiga ku haysato $10,000, lacagtaadu weli waa $10,000. Laakiin haddii kirada, cuntada, gaadiidka iyo adeegyada kale qaali noqdaan, purchasing power-ka $10,000-kaas wuu yaraadaa.
Lacagtaadu isla intaas ayay ahaan kartaa, laakiin inflation-ku wuxuu yareeyaa waxa aad ku iibsan karto.
Maxay Tani Muhiim U Tahay Qofka Lacag Kaydsada?
Cash-ku waa muhiim, gaar ahaan emergency fund iyo kharashaadka dhow.
Laakiin haddii lacag muddo dheer lagu hayo meel aan wax return ah ka soo bixin, inflation-ku wuxuu si tartiib ah u dhimayaa awoodda wax-iibsigeeda.
Taasi waa sababta investors badan ay lacagtooda ugu kala qaybiyaan assets kala duwan sida:
Stocks, real estate, gold, businesses iyo Bitcoin.
Ujeeddadu waa inaan dhammaan wealth-ka muddo dheer lagu hayn cash oo keliya.
Halka Bitcoin Soo Galayo
Tani waa mid ka mid ah sababaha aan mar walba uga hadlo Bitcoin.
Bitcoin wuxuu leeyahay supply xaddidan. Bitcoin protocol-ku wuxuu dejiyay in ugu badnaan la abuuri karo 21 million BTC, iyadoo tirada Bitcoin cusub ee soo baxaysa ay si qorshaysan hoos ugu dhacdo marka halving-ku dhaco.
Taasi waxay Bitcoin ka dhigaysaa asset ka duwan fiat currencies sida Dollar-ka.
Sababtaas darteed, dad badan waxay Bitcoin u arkaan scarce digital asset oo muddo dheer looga fikiri karo sidii qayb ka mid ah ilaalinta wealth-ka.
Tani waa sidoo kale mid ka mid ah sababaha aan mar walba dadka ugu dhiirrigeliyo inay Bitcoin bartaan oo fahmaan, kadibna ay go’aan xog ogaal ah ka gaaraan inay iibsadaan iyo in kale.
Laakiin waa muhiim in la fahmo in Bitcoin uu leeyahay risk iyo volatility sare. Qiimihiisu si weyn ayuu kor ama hoos ugu dhaqaaqi karaa, mana jiro dammaanad ah inuu mar walba qiimo kordhin doono.
Gunaanad
Chart-kan wuxuu ina tusayaa cashar muhiim ah:

Lacag haysashadu iyo purchasing power ilaalintu isku mid ma aha.
$100-kii sanadkii 2000 maanta weli waa $100 tiro ahaan, laakiin waxa uu iibsan karo aad ayuu uga yar yahay wixii uu markaas iibsan jiray.
Taasi waa sababta fahamka inflation, investing iyo scarce assets sida Bitcoin uu muhiim ugu yahay qof kasta oo doonaya inuu muddo dheer ilaaliyo awoodda dhaqaale ee lacagtiisa.
Bitcoin ma aha xal aan risk lahayn, laakiin waa mid ka mid ah assets-ka aan aaminsanahay inay mudan yihiin in si dhab ah loo barto.


