Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain
π 1. Xaalada guud ee Suuqa
- Market capka guud ee suuqa ayaa maanta waxuu marayaa 3 trillion halka volume hantida dhex martay 24 saac u dambeysay ay gaarayso 66.99 Billion
- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta coinka Bitcoin 63.8 %\
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu maraayo 29%, waxayna midaan maalgashiyaasha tusinaysaa in uusan wali si rasmi ah u bilaaban xiliga Alticoinka ay hantida badankeeda ku jirto Coinka BTC.
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu sheegayaa 56 taas oo ka dhigan inuu yahey mid dhxe aysan jirin dareen maalgashi oo xoogan iyo cabsi wayn suuqa laga qabo

- Bitcoin (BTC): Coinka Waxaa lagu kala iibsanayaa maanta $96,000, waxuuna hoos u dhacay 0.10%
- Ethereum (ETH): Coinka ETH sanadkan 2025 waxuu la kulmay hoos u dhac gaaraya ilaa 50%. Waxuuna qiimihiisa maanta marayaa $1, 823
- Solana: Coinka Sol waxaa lagu kala iibsanayaa maanta qiimo dhan$147.23
- BNB; Coinka ay leedahey shirkada Binance oo ku jiro kaalina 5aad ee suuqa crypto waxaa lagu kala iibsanyaa qiimo dhan $596.86
- XRP: Coinka ay leedahey Shirkada Ripple waxuu sameeye maanta dhaqaaq dhan 1.05% waxaana lagu kala iibsanayaa suuqyada qiimo dhan $2.19
β Xigasho: Coin MarketCap & CoinGecko
ποΈ 2. Xeerarka & Sharciga Suuqa
- Boqortooyada ingriiska (UK): Hayβadda ay leedahey ay leedahey una qaabilsan sharciyada suuqyada maaliyada ee FCA waxay dib u eegis ku sameynaysaa sharciyada crypto si ay u xoojiso badbaadada maalgashadayaasha iyo xasiloonida suuqa.
- Midowga Yurub (EU): Waxuu qorsheynayaa in mamnuuco akoonnada crypto ee qarsoon iyo lacagaha sirta ah (privacy coins) laga bilaabo sanadkaan 2025. Waxay ka dalbadeen suuqyada in la aqoonsado xogtoodana la soo gudbiyo labada qofka ee wax kala iibsanaayo haddii ay lacagtu ka badan tahay β¬1,000.
β Xigasho: Cryptobasic
π 3. Dhaqdhaqaaqa maalgashiyaasha (Whales)
- Solana (SOL): wale ayaa $28.7 Coinka sol stake gareystay taasoo muujinaysa kalsoonida suuqa ah.
- Ethereum (ETH): Maalgashadayaasha waaweyn ayaa kala qeybsanaya Coinkaan qaar waxay ugu jiraan buy halka qaar kalena ay seel dhahayaan taasoo keentay xiisaha loo qabo coinkaan
- HIPPO Token: Whale ayaa aruursaday 627.73 milyan oo token ah, isagoo noqday qofka ugu weyn ee haaysto marka laga soo tago shirkadaha sarriflayaasha
β Xigasho: Coin BelncryptoNews
π§ͺ 4. Mashruucyada Horumarka ku socdo ee Crypto
- Ripple: Waxay soo shaacisay in la mining gareeye oo suuqa la soo galin doonio 1 bilyan oo coinka XRP ah waxayna dhalisay arintaan dood ku saabsan saamaynta ay ku yeelan karto suuqa.
- Altcoins la filayo inay kacaan: Khubaradu suuqa waxay tilmaameen 3 lacagood ee ugu dhaq dhaqaaqa badan suuqa ayaa la saadaalinayaa inay si weyn u kacayaan 10-ka maalmood ee soo socda kuwaas oo laga samayn karo fursad dhaqaale
β Xigasho: Binance
π 5. ETFs iyo Maalgashiga Hayβadaha
- Bitcoin ETFs: ETFs-ka Bitcoin-ka waxaa soo galay $678 milyan, kala bar lacagtaas waxaa maalgashiyaasha gashteen BlackRock ETF
- Jaamacadda Brown: Waxay shaacisay inay haaysato $4.9 milyan oo ay ku maalgashatay Bitcoin iyada oo loo marayo ETF-ka BlackRock, waxayna midaan tusinaysaa in coinka Bitcoin xitaa jaamacdihi bilaaben aruursigiisa
β Xigasho: CryptoSlate
π 6. Horumarka Tiknoolajiyadda Blockchain
- Shirkadda Alibaba ayaa soo bandhigtay xalka Ethereum Layer 2, kaas oo kor u qaadaya waxqabadka ganacsiga crypto-ga, una sahli doona shirkadaha inaysi fudud ula fal gasho technologiyada blockchain.
- Technologiyada blockchain-ka ayaa la saadaalinayaa inay gaarto $306 bilyan sanadka 2030, taasoo ka dhalan doonta adeegsiga xad dhaafka eh ee technologiyadaan iyo horumarinta fintech-ka, iyo isku xirka AI iyo IoT.
β Xigasho: blockchain.news
π€ 7. Artificial Intelligence (AI)
- Bowling Green State University ayaa ku dhawaaqday barnaamij cusub oo waxbarasho ah oo la yiraahdo βAI + Xβ, kaasoo isku daraya AI iyo culuum kale sida caafimaadka, ganacsiga iwm.
- Kooxda Gemini waxay samaysay AI si buuxda u fahmay ciyaarta PokΓ©mon, taasoo muujinaysa horumar weyn oo dhinaca AI ah, gaar ahaan xagga suuqyada ganacsiga.
β Xigasho: businessinsider.com
π 8. Web 3.0
- Mashruuca Web 3.0 ee aZen ayaa helay maalgelin dhan $1.2 milyan si uu u dhiso DePIN (Decentralized Physical Infrastructure Network) kaasoo u sahlaya AI inay si weyn u faafto.
- Ka dib markii Nike ay xirtay mashruuca RTFKT oo ahaa moodooyin dijitaal ah, milkiilayaashii NFT-ga ayaa dacwad ku oogay shirkadda, iyagoo sheegaya in ay khasaar ku keentay hantidoodii.
- Mashrrucyada lagu dhiso Blockchain sida DAPPs ee Web 3.0 waxaa la saadaalinayaa inuu gaaro $104.04 bilyan sanadka 2032, iyada oo la tixgelinayo kororka adeegsiga app-yada decentralised oo amnigooda sareeyo
β Xigasho: globenewswire.com
Ugu imaaw halkaan maalin walibo wararkii ugu dambeeye Suuqa iyo is badalada guud ee dhaqaalaha Caalamka